Mustapha bagafeey

Mustapha bagafeey Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mustapha bagafeey, Johannesburg.

Akhriso jabkii Israa'iil ka soo gaadhay weerarkii ay 11-ka beri ku wadday Falastiin:11 maalmood oo uu socday dagaalkii d...
21/05/2021

Akhriso jabkii Israa'iil ka soo gaadhay weerarkii ay 11-ka beri ku wadday Falastiin:

11 maalmood oo uu socday dagaalkii dulmiga ahaa ee Yuhuuddu ku qaadday shacabka Falastiin ee Qaza, xili danbe oo xalay ah markii lagu dhawaaqay xabad joojinta, Dabaaldegyo heerkoodu sarreeyo ayaa ka bilowday Qasa. Dagaalku intii uu socday waxaa ku dhintay Ku dhawaad 300 oo qof, 189 dabaq baa lagu dumiyey, hanti 300 malyan gaaraysana waa ku khasaareen shacabka Falastiin.

Dhanka kale, Yuhuudda 10 qof keliyaa ka dhimatay sida ay sheegteen. Guusha ugu weyn ee ay reer Falastiin gaareen waa in intii weerarradu ku socdeen ay Yuhuuddu shubab ku hoos jireen. Afar milyan oo Raisulwasaaruhu ku jiro ayaa dhulka hoostiisa ku dhuumanayay.

11-kaa maalmood waxaa hoos u dhac weyni ku yimid dhaqaalihii Yuhuudda, waxaa istaagtay dhammaan noloshii. Ma jirin wax nolol ah oo ka socotay guud ahaan dhulka dulmiga ay Yuhuuddu ku deggantahay, ganacsi, waxbarsho iyo nolol kaleba ma aanay jiri, Garoommadii ayaa xirmay, magaalo walba waxa ay marti u ahay gantaalaha Xaq u dirirka Xamaas oo waxaa fashilmay nidaamka Difaaca Gantaalaha Yuhuuda ee Iron dome.

Reer Falastiin keliya kuma guuleysan in dagaalka ay ka dhigaan labo dhinac balse, sidoo kalena, waxa ay door ku lahaayeen go’aanka dagaal joojinta. Waa markii ugu horreysay ee Yuhuuddu aanay awoodin in ay dagaalka keligeed bilowdo keligeed na joojiso.

Raysal wasaaraha Yuhuudda ayaa ku Dhawaaqay inay joojiyeen sadexdii arimood ee uu markii h**e ba dagaalka ka kacay. Maxkamad ku sheeg Gacanta ku haysay Kiiskii Guryihii falasdiiniyiinta Laga rari lahaa ee xaafada sheekh jaraax ee Magaalada Qudus ayaa joojisay Kiiska Guryahaas. Sidoo kale waxaan la joojiyay Socdaalkii dheeraa ee xuska Dabaaldega Maalinta Qudus ,Xuskaas oo ay bulshada Yuhuudu Sanad kasta samayn jirtay. Waxaa kale oo joogsaday Bulshadii Yuhuudda ee booqanysay Masjidka aqsaa.

Waa Shacabka Falastiin oo Si weyn ugu ciidaya Masaajidka barakeysan ee Quddus. Waa sawirada goordhow laga soo qaaday Bay...
13/05/2021

Waa Shacabka Falastiin oo Si weyn ugu ciidaya Masaajidka barakeysan ee Quddus. Waa sawirada goordhow laga soo qaaday Baytullah Al-aqsa

10/05/2021

Rajiim Farmaajo waa bàxayaa ,

sadex bilood Dulqaad Sameeya

Canshuurta Gobolka Benadir Laga Qaado iyo tan ciidanka laga Jaray wuxuu Rabaa inuu Doorasho ku Galo

Shayaadiinta bisha Ramadaan laxiray buu ilaaheey ku daray Farmaajo, sidaas buuna usii xirnaan doonaa oo Bufaalo ugu laaban Doonaa , Allaha Nadhaafiyo

07/05/2021

Xaadoole, Gacma Dulle iyo Shaah Ma Cabbe waa saddex (3) qodob oo ka mid ah qodobada Dastuurkeenna ugu muhiimsan.

(1) Waxay gacmaha qabteen nin xoog iyo xabbad mooyee aan xal iyo xikmad kale heyn;

(2) Waxay diideen oo abaabul diyaarsan kala horteen Madaxweyne diiday doorasho, dastuur iyo dowladnimo;

(3) Farmaajo, wuxuu diiday weyneyn (intuu mandate-ka heystay). Dadka adigaa ugu weyn ee maquuninta jooji oo dadka iyo dalka isu dabci;

(4) Wuxuu diiday dhexda soo dhig doorashada (markii mandate kiisii dhamaaday) oo noqo Madaxweyne ku sharfan xil gaarsiin;

(5) Wuxuu ugu dambeyn u daadegay heer uu la macaamilo kana adkaadaan saraakiil aan weligooda ku fekerin in ay Madaxweynahooda amar diiddo ku sameeyaan oo gacmaha ka qabtaan sharciga Madaxweynuhu baalmarayo.

Mohamed Abdullahi Farmaajo, maqaamkii madaxtooyada iyo madaxtinimada dalka ayuu ku cayaaray. Wuxuuna ku dambeeyey in askar dalkaan u adeegaysa ay is arkaan markii cid walba isa soo arkeen!

Saraakiisha Xoogga dalka ee hor istaagay boobkiii iyo baaddii Farmaajo, waxay mudan yihiim maamuus iyo milgo heer sare ah. Sida dastuurka oo kale in Gacma Dulle, Xaadoole, Geylac, Shaah Ma Cabbe, Saadaq John, Mas Dile iyo Saney Cabdulle loo ilaaliyo ayaan qabaa.

Qodobada heshiiska galabta lagu gaaray magaalada Muqdisho ee lagu soo afmeerayay qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii...
05/05/2021

Qodobada heshiiska galabta lagu gaaray magaalada Muqdisho ee lagu soo afmeerayay qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii Farmaajo. Reer Muqdisho nabad iyo horumar ayaan u rajeynayaa inshaa’allah.

1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.

4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

5. n Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.

A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda.

B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

6. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.

7. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

8. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.

9. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.

10. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

Dayax gacmeed eey Dowladda Shiinaha hawada udirtay qamiistii h**e aya  kalumay bartii koontarool ee dhulka Oo laga hagay...
05/05/2021

Dayax gacmeed eey Dowladda Shiinaha hawada udirtay qamiistii h**e aya kalumay bartii koontarool ee dhulka Oo laga hagayay iyado Dowladda Chine sheegtay in Suurtagal tahay in todobaad-yada so aadan uu dhulka kuso dhaco.

Lama sheegi karo Dalka ama Magaalada uu ku dhici doono iyo in uu isago is heysta ama qeyb-qeyb ah uu dhulka kuso dhici doono madama la qiimeyn karin Oo koontaroolkii uu ka baxay.

Qiyaasta culeyskiisa Oo 20-ton gaareysa iyo xawaaraha dheereya Ee uu dhulka ugu so dagi karo aya la filayaa in uu qasaare weyn geysan karo hadii Uu Magaalo ama xarumo ganacsi ku dhaco iyado xaaladan naxdin leh Dowladda Chine la wadaagtay caalamka.

Dalka Mali : Haweeeney u dhalatay Maali oo laheed Uur balse filaysay in ay dhali doonto 7- Canug ayaa dhashay caawa 9- i...
05/05/2021

Dalka Mali : Haweeeney u dhalatay Maali oo laheed Uur balse filaysay in ay dhali doonto 7- Canug ayaa dhashay caawa 9- ilmood kadib markii Dhaqaatiirtu shegeen laba kale oo lagu arkay Skaanka.

Waxay dhashay 5-Gabdhood iyo 4-Wiil way Caafimaad qabaan wayna wanaagsan yihiin dhamaantood caruurta iyo Hooyadod. .

Wax walbo allah Wuu Awoodaa allahu akbar

Xogta Daily Mail

04/05/2021

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddi u magacaabay xalinta ciidamada Dowlada ka gadooday.

Haweeney baa utimid nabiga CSW, waxayna ku tiri, "Nabi Allow, markasta waan miir-daboolmaa, kedibna dharka ayaa iga feyd...
04/05/2021

Haweeney baa utimid nabiga CSW, waxayna ku tiri, "Nabi Allow, markasta waan miir-daboolmaa, kedibna dharka ayaa iga feydma oo cowradeyda ayaa la arkaa ee Ilaahay ii bari in uu iga feydo xanuunkan". Nabiga CSW wuxuu ku yiri, "Haddii aad doonto wad ku sabri kartaa, beddelkeedana waxaad ku heleysaa janno, hadii kalase, Ilaahay baan kuu baryayaa, waadna caafimaadeysaa". Waxay si kalsooni leh u tiri, "waan ku sabrayaa xanuunka ee Alle SWT ii weydii in marka aan miir-daboolmo aysan cowradeydu muuqan". Nabigu CSW sidii ayuu Eebbe ugu baryay oo cowradeedii Alle wuu u asturay, iyaduna mar walba jidadka ayay isaga dhici jirtay oo waa ku sabartay.

Sidaaa daraaddeed, haddii aad qabto xanuunnada bukaan-socodka/chronic ee aad la nooshahay, si aad ahna ugu dhib qabto, fadlan bisha ramadaan kaga faa'ideyso oo duceyso in badan oo Ilaahay bari, weliba waxad dhahdaa, Ilaahow xanuunkan i haya waan ku samrayaa ee igu sii janno. Ilaahay waa uu kaa aqbalayaa baryada bi'idnillaah, abaalkaaguna waa jannatul Firdwos. Xanuunka ku hayana ajar, dambi dhaaf iyo janno u sii niyeyso.

Inta xanuun sariir la saaran Allaha caafimaad taam ah siiyo. Aamiintu waa saddaqo.

04/05/2021

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta sheegay in tirada qaxootiga Marekanka uu soo qaadanayo la gaarsiiyay 62,500, ka dib labo toddobaad ka hor markii uu sheegay in tirada qaxootiga la soo qaadanayo sannadkii uu ku heyn doono 15,000 ee uu dejiyay madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Jamhuuriga, Donald Trump. Go’aanka waxa beddelay markii uu Biden mowjado dhaleeceyn ah kala kulmay taageerayaashiisa iyo Dimuqraadi.

Qoraalka uu hadda saxiixay ee lixdan iyo labo kun iyo shanta boqol ah ayaa loo qeybiyay 22,000 oo barokacayaal ah oo ka imanaya Afrika, 6,000 oo ka iman doona Bariga Aasiya, 4,000 oo ka iman doona Yurub iyo Badhtamaha Aasiya, 5,000 oo ka iman doonta Latin America iyo Kariibiyaanka, iyo 13,000 oo ka iman doona Koonfurta Aasiya. 12,500 oo qonde madax bannaan ah ayaa sidoo kale sannadkii la heli doonaa. Diyaar ma u tahay inaad ka mid noqoto qaxooti gaas nabad gelyo

02/05/2021

Kansas city,, police officer shot and killed a homicide suspect, 25-year old Hanad abdulcaziiz on Saturday after he killed tow of this brothers outside their home while returning a late night tarawweh prayer from mosque.

Address

Johannesburg
2001

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mustapha bagafeey posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share