Somali Christian in South Africa

Somali Christian in South Africa We will share and post in this page matters which concern Somali Christians in South Africa.

We will post Scripture, sermons, Somali worship songs, and encouragement statements and Christian testimonies.

Important Public Safety Advisory and Call for Peace in South Africa ⚠️ We wish to convey a critical warning and expressi...
22/05/2026

Important Public Safety Advisory and Call for Peace in South Africa ⚠️

We wish to convey a critical warning and expression of concern to all residents across South Africa's nine provinces, with particular emphasis on the Somali Christian in South Africa and foreign nationals.

For public safety, we urge everyone to exercise extreme caution during this challenging period, remain indoors, stay near their residences, or seek refuge at the nearest police station if their safety is compromised. It is advisable to avoid city centers and high risk areas until stability and security are restored.

We also appeal to local churches, Christian organizations, and humanitarian groups to provide support and protection to foreign nationals and vulnerable families during this time. Our thoughts are with the victims and families impacted by the ongoing violence and unrest. We reiterate our prayers for peace, unity, and safety

for all residents. May South Africa and its inhabitants be under divine protection.

Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa. Falimihiisa waaweyn aawa...
03/05/2026

Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa. Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare. Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana. Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile. Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer. Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.
SABUURRADII 150

Barashada Soonka Masiixiyadda 📖​ Su'aal: Masiixiyiintu ma soomaan miyaa?Jawaab: Haa, soonku waa mid ka mid ah tiirarka u...
02/03/2026

Barashada Soonka Masiixiyadda 📖

​ Su'aal: Masiixiyiintu ma soomaan miyaa?
Jawaab: Haa, soonku waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee nolosha ruuxiga ah ee qofka rumeysan Masiixa. Ciise Masiix laftiisa ayaa soomay 40 casho, wuxuuna xertiisa baray sida loo soomo.

​ Su'aal: Waa maxay ujeeddada ugu weyn ee soonka?

Jawaab: Ujeedadu ma aha oo kaliya in laga go'o cuntada, laakiin waa in la daciifiyo hamiga jidhka si loo xoojiyo Ruuxa. Waa waqti gaar ah oo loo qoondeeyay duco xooggan iyo dhegeysiga codka Ilaah.

​ Su'aal: Ma jiraa waqti go'an oo la soomo (sida Ramadaanka)

Jawaab: Masiixiyadda ma lahan hal bil oo qasab ku ah qof kasta, laakiin waxaa jira xilli caan ah oo la yiraahdo Soon qaadka (Lent) oo socda 40 maalmood ka hor ciidda Easter-ka. Sidoo kale, qofku markasta oo uu dareemo baahi ruuxi ah waa uu soomi karaa.

​Su'aal: Sidee loo soomaa sida ku cad Kitaabka Quduska ah?

Jawaab: Ciise wuxuu yiri soonku waa inuu ahaado mid u dhexeeya adiga iyo Ilaah. Looma baahna in dadka loo muujiyo inaad sooman tahay si lagugu ammaano. Waa inaad wejiga dhaqataa oo aad faraxsanataa (Matayos 6:17-18)

​ Su'aal: Ma jiraan noocyo kala duwan oo soon ah?

Jawaab: Haa, waxaa jira:

1Soonka caadiga ah: Cunto la'aan laakiin biyo waa la cabbi karaa..

2 Soonka Daani'eel: In laga go'o hilibka iyo cuntooyinka macaanka leh, lana cuno khudaar iyo biyo kaliya

3 Soonka saacadaha: In la soomo subaxda ilaa galabtii ama qorrax u dhaca.

​ Su'aal: Maxaa la qabtaa markaad sooman tahay?

Jawaab: Kaliya ma aha cunto ka go'id. Waa in lagu daro akhriska Kitaabka iyo duco. Haddii aad cuntada ka go'do adigoon tukan, waxay la mid tahay adigoo "is_gaajaysiinaya" uun, laakiin marka duca ku jirto waa Soon Ruuxi ah,

​Xasuus: Soonku waa furaha albaabada xiran iyo xoogga lagula dagaallamo tijaabooyinka nolosha.

04/12/2025

Waa maxay muhiimada daahirinta Kirishtaanka?

Daahirinta Kirishtaanka waa mid ka mid ah labo sharciyo ee Ciise u sharciyeeyay kaniisada. Hadda ka hor qaadistiisa, Ciise wuxuu yiri, “Aad oo samey xirta dhammaan wadamada oo dhan, iyaga oo isku daahirinayo magaca Aabaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska, iyo baridooda oo lagu cadeecayo wax walba aan ku amray. Iyo xaqiiqdii marwalba waan kula jiraa, illaa dhammaadka ugu dambeeyo baaxada” (Matayos 28:19-20). Tilmaamahaan waxay qeexayaan in kaniisada ay masuul ka tahay barida erayga Ciise, sameeyo xirar, oo daahirinayo xirtaas. Waxyaabahaan waxaa lagu sameynayaa meel walba (“dhammaan qowmiyadaha”) illaa “dhammaad ugu dambeeyo baaxada.” Marka, haddii aysan jirin sababo kale, daahirinta waxay leedahay muhiimad maxaa yeelay Ciise ayaa amray.
https://www.gotquestions.org/Soomaali/Daahirinta-Kirishtaanka.html

Sidee saxan ayaan Ilaahey ula socdaa?         JawaabSi markaas aan si “sax” ah ula socda Ilaahey, waa in marka h**e aan ...
11/09/2025

Sidee saxan ayaan Ilaahey ula socdaa?

Jawaab

Si markaas aan si “sax” ah ula socda Ilaahey, waa in marka h**e aan fahamnaa waxa “qaldan.” Jawaabta waa dambi. “Ma jiro qof sameeyo wanaag, oo aan aheyn xitaa hal” (Sabuurada 14:3). Waan ku caasiyownay amarada Ilaahey; waxaan nahay “sida idaha, ulamay” (Ishacyaah 53:6).

Aqbaarta xun ayaa ah in ciqaabta dambiga ay tahay dhimasho. “Ruuxa dambiga galo waa midka dhimanayo” (Yexesqeel 18:4). Aqbaarta wanaagsan ayaa ah in jacelaanshada Ilaahey ay na dabagaleyso ingaa si markaas naloogu keeno badbaado. Ciise wuxuu sheegay Ujeedadiisa in ay aheyd “si loo raadiyo iyo loo badbaadiyo waxa lumay” (Luukos 19:10), iyo wuxuu ku dhawaaqay Ujeedooyinkiisa uu gaaray goortii uu ku dhintay istilaabka ee ay la jiraan erayada, “way dhammaatay!” (Yooxanaa 19:30).

https://www.gotquestions.org/Soomaali/Rabiga-sax-kula.html

30/07/2025

Midkiinba midka kale ha u dulqaato oo ha cafiyo, haddii mid ka cabanayo mid kale; xataa sida Rabbiguba idiin cafiyey, idinkuna sidaas oo kale yeela:oo waxyaalahaas oo dhan waxaad ka dul huwataan jacayl, kaas oo ah xidhiidhka kaamilnimada.
KOLOSAY 3:13, 14

23/07/2025
Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, aniga, xataa aniga qudhayda ayaa idahayga raadin doona oo doondooni...
21/07/2025

Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, aniga, xataa aniga qudhayda ayaa idahayga raadin doona oo doondooni doona.
YEXESQEEL 34:11

Laakiin adigu goortaad tukanaysid, qolkaaga qarsoon gal, oo goortaad albaabkaaga xidhid, Aabbahaaga meesha qarsoon ku ji...
18/07/2025

Laakiin adigu goortaad tukanaysid, qolkaaga qarsoon gal, oo goortaad albaabkaaga xidhid, Aabbahaaga meesha qarsoon ku jira bari, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona. Goortaad tukanaysaan hadalka ha ku celcelinina sida dadka aan Ilaah aaminin yeelaan, waayo, waxay u malaynayaan in loo maqlayo hadalkooda badan aawadiis.
MATAYOS 6:6, 7

Address

Cape Town

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:30
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 17:30
Friday 09:00 - 16:00
Saturday 09:00 - 23:30

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Christian in South Africa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share