Brother Diini

Brother Diini Islamic Speaker | Youth | Spirituality| Interests; Books, Literature.

Masjidka Al-huda Islamic Center oo ku yaal magaalada Fishers, Indiana. Waxaa ku nool Muslimiin aan ka badnayn 6,000 oo q...
11/15/2025

Masjidka Al-huda Islamic Center oo ku yaal magaalada Fishers, Indiana. Waxaa ku nool Muslimiin aan ka badnayn 6,000 oo qof.

Gobolka Indiana waxaa ku nool 9 milyan oo qof. 45,000 oo kaliya ayaa Muslimiin ka ah. Illaa 30 masjid ayaa ku yaal gobolka.

Midnimo iyo tawfiiq markii la helo, dad aan 6,000 ka badnayn ayaa masjidka sidaa oo kale ah dhisan kara. MashAllaah.

Feeryahankii Muxammad Cali Kalaay ayaa tuulo yar oo ku taal baadiyaha fog ee gobolka Pennsylvania ku tababaran jiray 60a...
11/09/2025

Feeryahankii Muxammad Cali Kalaay ayaa tuulo yar oo ku taal baadiyaha fog ee gobolka Pennsylvania ku tababaran jiray 60aadkii illaa 70aadkii.

Markii uu muslimay kadib, ayuu gurigan yarka ka gatay meel u dhaw halka uu ku tababaran jiray si uu ugu tukado/cibaadaysto. Marar badan, isaga oo kaliya ayaa ku tukan jiray.

Kadib markii uu ka fariistay ciyaaraha, waxaa muddo dheer ku tukan jiray musaafiriinta Muslimiinta, khaasatan darawallada gawaarida waawayn oo u kala goosha gobollada USA.

Intuu noolaa, illaa 170 masaajid ayuu USA ama ka dhisay ama ka qayqaatay dhismahooda. Allaha u naxariisto.

Ilmahan yar waxaa la soo dhigay bannaanka xafiis ku yaal London 1991 kii. Dawladda ayaa reer koriya u gaysay. Sannadkan,...
11/07/2025

Ilmahan yar waxaa la soo dhigay bannaanka xafiis ku yaal London 1991 kii. Dawladda ayaa reer koriya u gaysay. Sannadkan, 2025, ayaa hooyadii & gabadhii ay xafiiska hortiis uga tagtay oo 34 jir ah is heleen.

Hooyadu waxay sheegtay in duruuf, balwad, da’ yaraan & ninkii ilmaha ka dhalay oo ahaa sakhraan garaaci jiray dartii ay gabadheeda u dhigtay meel qofi ka heli karo. Nolol ka fiican tan halkii ay joogtay ay ka heli lahayd ayay u rabtay baby gaa yar.

Sheeko dheer; waxaa aad ii taabtay markii la yiri maxaa kuugu murugo badnaa? Waxay tiri, “Sida ay gacmaha isugu qabsatay markii aan ka dhaqaaqay, wehel ayay rabtay, waan ooyay, waxaan gacmaha u galiyay go’ii saarnaa si ay u dareento wehel iyo wax ay qabsato illaa qof ka helo.” Waxay sheegtay in meel fog oon laga arki karin ay fariisatay illaa ay hubisay in la helay oo xafiiska dawladda loo qaaday. 😭😭😭😭🥹🥹🥹

Ilaahoow ubadkeenna & adduunka ba ha nagu fitnayn. Danbigay gashay way ogayd, weli se dareen hooyo ayaa ku jiray.

Yaab!Sawirkan waxaan ka qaaday musqul aan galay oo ku dhextaal makhaayad shaah oo ku taal New Albany, Ohio. Sida sawirku...
11/04/2025

Yaab!

Sawirkan waxaan ka qaaday musqul aan galay oo ku dhextaal makhaayad shaah oo ku taal New Albany, Ohio.

Sida sawirku sheegayo, waxaa isticmaali kara dumar, rag, qof badalay jinsigiisa iyo qof curyaan ah. Rag, dumar iyo curyaan waan gartay, bal maxaa laga wadaa sawirka 3aad?

Ogow; inta badan dadka USA daggan ma taageersana dhaqamadan. Waa dhawayd oo afti loo qaaday, inta badan gobolladu waa diideen in rag iyo dumar wax u dhexeeya jiraan.

Illaahoow khaatumadeenna hagaaji oo tubta toosan nagu sug.

Waxaa ila fadhiya Sh Abdinasir Farah oo ah aasaasaha/guddoomiyaha Tibyan Center مركز التبيان للقرآن الكريم وقراءته oo ku...
11/02/2025

Waxaa ila fadhiya Sh Abdinasir Farah oo ah aasaasaha/guddoomiyaha Tibyan Center مركز التبيان للقرآن الكريم وقراءته oo ku yaal Minneapolis, Minnesota & Ustaad Abdullahi Abdi oo ka tirsan Guddiga Masjid Ibnu Taymiyah And Islamic Center ee magaalada Columbus, Ohio.

Sh. Abdinasir, Allaah fadligiis, wuxuu soo saaray xuffaad in badan ku guulaystay tartamada qur’aanka ee caalamiga ah. Ustaad Abdullahi wuxuu isaguna wax badan ka badalay xiriirka Dhallinyarada iyo Masjidka.

Dacwada Waqooyiga Ameerika gacmo sharfan ayay ku jirtaa, Alxamdulillaah.

Mabda' Alle (swt) dartii! Magaalo yar oo ku taal wadamada Galbeedka ah mid ka mid ah waxaa daggan gabar dhallinyara ah o...
10/30/2025

Mabda' Alle (swt) dartii!

Magaalo yar oo ku taal wadamada Galbeedka ah mid ka mid ah waxaa daggan gabar dhallinyara ah oon qaraabo nahay oo ku soo barbaartay magaaladaas. Hadda waa macallimad dugsi sare dhigta. Waxay leedahay gabar 10 jir ah oy u dhashay nin ay kala tageen. Iyaduna way xijaabataa, gabadheeda 10 jirka ah na way u xijaabtaa.

Wax kasta oo nolosha gabadhaa iyo inanteeda ku gaddaaman waxay u fududaynayaan in ay xijaabka tuuraan oo ay dadkaa kale isaga dhex milmaan.

Waa tuulo yar oo cidiba ma aragto, wax kasta oy sameeyaan. Dadka 90 % ma xijaabna (oy ku jiraan Muslimiin dalal kale ka yimid). Waxaa u fudud (convenient) in ay iska dhigaan xijaabka.

Laakiinse gabadhaa kaadiradda (professional) ah waxay ku kalsoontahay in - wax kasta oo u fududaan lahaa ba in ay dhigto xijaabka - ay Allaah (swt) dartiis u xirato, una xirto gabadheedaa yar. Illaahay ayaa igu og'e, qalbigaan uga duceeyaa markaan arka ba.

Illaahoow wax kasta oo adduunka ku dhiba, xijaabka dartiis, ka yeel kuwii jannada gala bilaa xisaab. Siday meel cidla ah raalli-galintaada u daryeeshay, Ilaahoow iyada iyo gabadheeda ba u daryeel, adduun iyo aakhiro.

SubxaanAllaah! Haddii caddayn buuxda loo helo in nimankaan ay dileen hooyo iyo 3 deedii gabdhood waa in sida ugu adag lo...
10/30/2025

SubxaanAllaah!

Haddii caddayn buuxda loo helo in nimankaan ay dileen hooyo iyo 3 deedii gabdhood waa in sida ugu adag loo ciqaabaa. Adduun iyo aakhira ba waa seegeen!

Banii'aadam in la dilo waa lagu naar galaa. Dumar/hooyo/ilmo in la dilo, oo weliba aano qabiil loo dilo, waa gunnimo iyo wuxuushnimo halkii ugu hoosaysay. SubxaanAllah! 😭😢😢😞

Waxaan ku booqannay saaxiibkeen Shaykh Aadam Maadey (dhexda) Markaska Islaamiga ah ee Cabdalla Bin Zaa’id Almaxmuud oo k...
10/27/2025

Waxaan ku booqannay saaxiibkeen Shaykh Aadam Maadey (dhexda) Markaska Islaamiga ah ee Cabdalla Bin Zaa’id Almaxmuud oo ku yaal magaalada Doha, 🇶🇦 oo uu ka midyahay Culimada ka hawlgasha. Allaha barakeeyo.

Dad badan oo daafaha dunida ka kala yimid ayaa loogu bandhigaa diinta Islaamka. Kuwa badan ayaa islaamay, Ilaahay fadligiis.

لا إله إلا الله محمد رسول الله

Sawirka; Sheekh Maxamad Aadan Waadi

Kaniisadan waxay ku taal magaalada Denver, Colorado. Waxaa la dhisay 1925 tii. Waxaa yaraaday dadkii iman jiray. Waa la ...
10/26/2025

Kaniisadan waxay ku taal magaalada Denver, Colorado. Waxaa la dhisay 1925 tii. Waxaa yaraaday dadkii iman jiray.

Waa la beecinayaa hadda oo $1.9 million ayaa lagu rabaa. Walaalaha Masjidka “Asxaabul Kahf” ayaa dadaal ugu jira in ay inta gadaan halkaa masjidka loo raro.

Imaamka oon la hadlay wuxuu ii sheegay in ay illaa hadda aruuriyeen lacag ku dhaw inta loo baahanyahay barkeed (50%). Soo duceeya in Allaah (swt) u fududeeyo.

Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Ohio wuxuu dhici doona bisha Maarso (3aad) ee 2026, insha Allah. Is-diiwaangalintu waxay ...
10/25/2025

Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Ohio wuxuu dhici doona bisha Maarso (3aad) ee 2026, insha Allah.

Is-diiwaangalintu waxay furmaysaa bisha Diseembar 1deeda insha Allah.

Waxay u furantahay tartamayaasha daggan iyo . Waxaa la bixin doonaa abaalmarinno qaali ah insha Allah.

Saamaynta dagaalkii   uu ku yeeshay shirkado badan oo Galbeedka laga leeyahay ayaa keentay in makhaayadan McDonald’s oo ...
10/24/2025

Saamaynta dagaalkii uu ku yeeshay shirkado badan oo Galbeedka laga leeyahay ayaa keentay in makhaayadan McDonald’s oo Dooxa, Qadar ku taal ay qoraalkan miis walba saarto.

Waxay cadaynayaan in ganacsato Qadariyiin ah leeyihiin 100% faracyada ku yaal Qadar, laakiinse magaca shirkaddu ay tahay tii USA.

Culays ayay dareemeen, oo dad badan ayaa joojiyay in ay la tacaamulaan shirkadihii ka qaybqaatay burburka .

Waxaan saaka u safray magaalada   ee dalka   oon uga qabygalayo shir ku saabsan “Diinta & Doorka Nabadaynta”. Bismillah!...
10/20/2025

Waxaan saaka u safray magaalada ee dalka oon uga qabygalayo shir ku saabsan “Diinta & Doorka Nabadaynta”. Bismillah!

Illaahoow tawfiiqda & talada na waafaji. 🙏🏿

Address

Worthington, OH

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Brother Diini posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Place Of Worship

Send a message to Brother Diini:

Share