05/20/2026
Waxaan dhawr cisho ka hor tagay shirkan. Inta badan dadka halkan idiinka ka muuqda, ugu yaraan 1,000 qof, waa dadyaw hawlgab ah. Waxay isugu yimaadeen hagaajinta mustaqbalka ubadkooda iyo deegannadooda.
Waxay madaxda dawladda hoose ee Columbus ka la xisaabtamayeen kirada guryaha, sicirka adeegga, mushahaarka shaqaalaha, tayada iskuullada, cagaaraynta beeraha lagu nasto/lugeeyo, nadiifinta balliyada/webiyada, hubinta in dadyawga laga tirada badanyahay ay ku muuqdaan maamulladda magaalada, iyo wax kaloo badan.
Madaxda magaalada, oo la wada doorto, ayaa gacan-ku-gabbad ahaa. Ballan kasta oy qaadeenna, waa la duubay. Madaxa Iskuullada Columbus waxuu loogu goodiyay haddii aysan 7 iskuul farsamo & hoggaan oo heersara ah aysan dhisin muddo 2 sano gudahood ah, in loo codayn doono in mushaarkeeda 50% laga jaro. Waa aqbashay!
Waxaa iigu la cajiibsanaa in la maamuusay nin magaalada ku leh guryo kiro ahoo tira badan, oo 35-tii sano ee la soo dhaafay aysan maalinna cidi ka caban guryihiisa, qiimaha kiradooda iyo dhaqankiisa ba. Marar badanna, gacan-qabtay reero iska bixin waayay kirada.
Ma uusan ogayn in la maamuusi doono. Wuxuu la ilmeeyay kaliya in lagu yiri "Mahadsanid, ganacsade arxan leh ayaad tahay."
Cajiib!