Suhbah Institute

Suhbah Institute Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Suhbah Institute, Religious organisation, Rochester, MN.

Masaaisha Cusub ee Fiqiga iyo Caqiidada (4)Xukunka baneesashada Xoolaha gaaladu ay leeyihiin. Qaar kamid ah Muslimeenta ...
08/12/2022

Masaaisha Cusub ee Fiqiga iyo Caqiidada (4)

Xukunka baneesashada Xoolaha gaaladu ay leeyihiin.

Qaar kamid ah Muslimeenta ku nool dhulalka gaalada ay aqaliyada ay ku yihiin ama ay ku yaryihiin waxay mar marka qaar ay si khimaano iyo xeeladaysi gacantooda ugu soo dhacdo lacag iyo xoolo ay leedahay dowlada ama shirkadaha qaar ee wadankaa ku yaala ayagoonan muteesan lacagtaas ama shaqeesan, dowladune u ogalaanin qaanuun ahaan.
Su’aasha: xukunka Mas’aladaasi waa maxay?

Jawaabta: Asalka xoolaha gaalada iyo dhiigooda waa banaan yahay, hase-ahaatee culimado waxay kasoo reebaan, gaalkii balan iyo cahdi lala galay. Qofka markii wadanka uu visa, daganaasho, ama booqasho ku soo galo, waxay ka dhigan tahay in aad nabad galinaysid naftooda iyo xoolahooda.

Hadaba lacagta dowlada si xeeladaysan khiyaanada ku saleesan looga qaadanayo waxay macnaheedo tahay jabin iyo beenin cahdii iyo amaankii aad wadankooda ku soo gashay. Sidaa tarteed ma banaana xoolaha ama lacagta gaalada cahdi iyo balanta lala galay in si khiyaano ah looga qaato ama looga xado.

Adilada arintaa tilmaamayso waxaa kamid ah;

ilaah SWT hadalkiisa.
(وأوفوا بالعهد إن العهد كان مسئولا)
(Waxaad oofisaan balanta iyo cahdiga, balanta iyo cahdiga waa mid la’is waydiin doono)

Sidaas oo kale ilaah SWT waxaa uu leeyahay
(يا أيها الذين آمنوا أوفوا بالعقود)
(Kuwa ilaahay rumeeyay; oofiyaca Cuquudda)

Nabigane SCW waxaa uu yiri:
(آية المنافق ثلاث: إذا حدث كذب، وإذا وعد أخلف، وإذا اؤتمن خان)
(Munaafiqa Calaamadihiisa waa Sadax, hadii uu sheekeeyo, waa beenlow, hadii uu balan qaado, waa jabiyaa, hadii la amaaneesto waa khiyaana)

Imaam Ash-shaafici waxaa uu leeyahay:
(وإذا دخل رجل دار الحرب بأمان....وقدر على شيء من أموالهم لم يحل له ان يأخذ منه شيئا قل أو كثر)

(Qofka hadii uu soo galo dhulka gaalada si cahdi iyo amaan ah, kadibka gacanta ku dhigo lacag ayago ay leeyihiin, uma banaana in uu wax ka qaato hayaraado ama habadnaado)

Adilada waxaa kaloo kamid ah hadiith uu warinayo bukhaari, waxaa hadiitha ku yimid in saxaabi saxaabada nabiga SCW kamid ah uu lasocday Mushrikeen. Kadibne dilay mushrikeentii lasocotay xoolahoodane kasoo qaatay. Markii nabaga uu u u yimid si uu u islaamo. Nabiga SCW waxaa uu ku yiri:
(أما الإسلام فقد قبلنا، وأما المال فإنه مال غدر لا حاجة لنا فيه)
(Islaanimada waa kaa aqbalnay, laakin xoolaha waa xoolo lagu helay khiyaano iyo qadri oo wax xaajo ah nooguma dhax sugno)

Imaam ibnu Xajar markii uu tacliiqinayay hadiithka waxaa uu yiri:

(يستفاد منه انه لا يحل أخذ أموال الكفار في حال الأمن غدرا)
(Hadiithka waxaan ka faaiidaynaa in aynan banaaneen xooloha gaalada in la qaato si khiyaano iyo balan kabax ah)

Walaahu Aclam.

Masaaisha Cusub ee Fiqiga iyo Caqiidada (2)Xukunka Zawaajka Suuriga ah Mas’aladaan waxaa kaloo lagu magacaabaa Zawaaj-li...
08/10/2022

Masaaisha Cusub ee Fiqiga iyo Caqiidada (2)

Xukunka Zawaajka Suuriga ah

Mas’aladaan waxaa kaloo lagu magacaabaa Zawaaj-lilmaslaxa. Waa Zawaaj aan labadiisa dhinacba aynan uga dan laheen Zawaaj xaqiiqi ah. Arkaantiisa la tixgalineen. Kaliyah looga dan leeyahay in lagu helo Maslaxo ama looga hortago mafsado. wax isku tag ama isku imaansho gogal ah aanan looga dan laheen.

Zowaajka sidaas ah waxaa uu ku badan yahay wadamada reer galbeedka Muslimeenta jooga. Qaabab kala duwanna waa u dhacaa: Gaabkiisana waxaa weeye sida tan:
Ninka iyo naagta in ay ku heshiiyaan caqdi zawaaj ayadoo labadooda mid uu ku qaadanayo lacag, qofka kalane ku imaanayo wadanka qofka kale uu joogo. Kadibna markii uu yimaado sharciga wadankane qaato caqdigii nikaaxa lafasaqo.
Su’aal: xukunka Mas’aladaasi waa maxay?

Jawaab: asalka sharciga ah ee looga dan leeyahay guurka sharciga ah waxaa weeye in wada-noolaasho joogta ah ay jirto. Dhoornaasho iyo daganaasho iyo caruur lagu helo, xikmada iyo maqsadka guurka sharciga ahi waa sidaas, wax walboo guurka maqsadkaas ka saraya waxay isku rogeesaa ciyaar iyo ka hor’imaansho xikmada sharciga ee guurka.

Zawaajka Suuriga ah k**a marna labo Xaladood midkood
1- Xaalada koowaad: in uu noqdo mid shuruudihii iyo arkaantiisa u dhameestiran tahay, labada dhinacna ay is geeyaan. Xaaladaan mafaasid waaween oo aad u daran ayaa ka dhalanaya, Waxaa kamid ah
-in uu u ekaado Zawaajka Mutcada layiraado, ay culimada isku waa faqeen Xaaraanimadiisa.
-in zawjka ama ninka uunan wax Qawaamo iyo awood ku laheen xaaskiisa, dhaqdhaqaadeeda uunan war ka heen.
-in ay isku dheehmaan ansaabta haday gabadho ay heesato caruur, ninka aabo laaga dhigo dhinaca qawaaninta dalka markii loo eego.
Iyo mafaasid kale oo farabadan.

2-Xaalada labaad: waa markii shuruudaha nikaaxa ama arkaantiisa aynan dhameestirneen. Xaaladaan sidaas oo kale mafaasid ayay ayadune wadataa; ay kow katahay in lagu ciyaarayo maqsatka iyo danka guurka loo jideeyay. Waxaa kaloo kamid ah in ay wado u noqoto zino iyo faaisho maadaama labada dhinac ay isqabaan markii laga eego qawaaniinta wadanka ay joogaan.
*markii laisku soo aroorsho guurka nuucaas ah waa xaaraam aan banaaneen.

Walaahu aclam

04/13/2021

Waxaa loo sunneeyaa qofka sooman in uu ilaah swt waydiisto arimaha u muhiimka ah ee aakhiro iyo aduunka khuseeya, Nabiga SCW waxa laga wariyay in uu yiri: (sadax su'aashooda iyo ducadooda lama celiyo: qofka sooman inta uu ka afurayo, imaamka Muslimeenta maamula ee caadilka ah, iyo qofka la dulmiyay)
Imaam annawawe waxa uu yiri: waxaa laga qaadanayaa xadiithkaan qofka sooman ducadiisa in ay tahay maalinta oo dhan, sababtoo ah waqtigaa oo idel waxaa uu yahay qof sooman)

🍃 Nabiga SCW bisha Ramadan markay soo gasho Asxaabtiisa uu ugu tahniyadeen jiray, waxuuna dhihi jiray: (Waxaa inii yimid...
04/12/2021

🍃 Nabiga SCW bisha Ramadan markay soo gasho Asxaabtiisa uu ugu tahniyadeen jiray, waxuuna dhihi jiray:

(Waxaa inii yimid bishii Ramadan. Waa bil barakeesan. Ilaah wuxuu waajib yeelay soonkeeda. Bisha Ramadan waxaa la furaa albaabada Janada, waxaana la xiraa albaabada Naarta. Shayaatiintana waa la xirxiraa. Bisha Ramadan gudaheeda waxaa ahaaday habeen ka kheer badan kun bil -cibaado la sameeyo-. Qofkii kheerka habeenkaa laga xarrimo khyr badan baa laga xarimay. Ilaahna SWT habeen walba oo kamid ah Ramdaan waxaa jira dad uu ka xoreenayo Naarta).

Waa Fursad aad qaali u ah, aadan ogeen marlabaad in ay ku soo marayso. Kamid noqo kuwa laga xoreen doono naarta Bisha Ramadan. Waxaad ku dadaashaa bishaan gudaheeda acmaasha wanwanaagsan sida; soonka, (oo asigu waajib yahay), dikriga, quraan aqriska, sadaqada, iyo salaada Taraawiixda.

04/05/2021

Acmaasha wanwanaagsan sidooda ayaa sharciga islaamka u doonayaa, ayadoon loo fiirin qofka niyadiisa.

Salaada qofka waa ku khasbanyahay in uu tukado, soonka sidaas ookale sideeda ayaa qofka looga rabaa in uu layimaado, ayadoon loo fiirineen nayadiisa iyo muraadka uu ka leeyahay.

Niyada hoosha ay u taagan tahay waxa weeye; acmaasha aad qabanayso in aad ajar uga hesho, Ilaahna kaa aqbalo. Camalka wanaagsan sida ilaah u aqbalo waxaa shardi ah in ilaah loo gaar yeelo. Marwalba oo ay niyadaado wanaagsan tahay marwalba ajirka iyo xasanadka qofka ku helayo camalkiisa.

Sidaas darteeda, waxaa dhici karta labo qof oo salaada si isku mid ah u takaday muuqaal ahaan. Laakin mid kamid ah laga aqbalay midna aan laga aqbalin. Sababtune waxa weeye niyada. Ayadoo sidaas ah labadooda salaada muqaal ahaan ظاهرا waa laga rabaa, haday ka tagaan culimada waxay isku waa faqeen in xadkooda uu yahay dil hadeenan ka toobad keenin.

04/05/2021

Xuquuqda haweenka waxaa kamid ah in loo sheego wanaaga xumaantane laga reebo. gabadha Muslimada ah ilaah waxaa uu ku waajib yeelay in ay is asturto sida salaada loogu waajib yeelay. shayga haduu waajib yahay, ilaahna yahay qofkii waajibeeyay waa wax wanaagsan, wax walba oo wanaagsane ilaah waxa uu na faray in aan dadka u sheegno oo aan farno. Qaabka wanaaga laisku farayo waxaa ay leedahay darajaat iyo kala sareen, hadii gabadhu xijaabka ku qaadanayso in lagu qasbo sharciga ilaah madiidayo, bal waa uu amrayaa, قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: (من رأى منكم منكرا فليغيره بيده، فمن لم يستطع فبلسانه، ومن لم يستطع فبقلبه وذلك أضعف الإيمان)،

Mabda'a الأمر بالمعروف والنهي عن المنكر (wanaagoo la'isfaro, iyo xumaantoo laiska reebo) waa caqiido iyo mabda ween oo ay diinta ka hadalshay. ummada Nabi Muxamed waxa ay umadaha naga h**eeyay kaga sareesaa mabda'aas aan tilmaamay, qofkii dafira mabda'aas; culimada islaamka dhamaantood waxay isku waa faqeen in diinta uu ka baxayo.

03/22/2021

Sindiiq waa oraah ama magac la micna ah Munaafiq, hase yeeshee waxaa uu kaga duwan yahay; Sindiiqnimadu waxay la gooni tahay labo arimood:
○Sindiiqa si bareer ah waxa uu u durayaa ama wax uga sheegayaa masaailooyinka waaween ee diinteena ku cadcad, sidaas ookale waxuu aflagaadeeyaa culimada ummada muslimka u girtay wanaagooda iyo Cilmigooda
○Sanaadiqado waxay soo baxaan waqtiga dacfiga ah Muslimeenta laga tabar badan yahay, munaafiqiintane waxay joogaan waqtiyada Muslimeenta libinta xagooda tahay.

03/21/2021

Tarbiyada_Caruurta (3)
Arinka sadaxaad ee asaaska u ah tarbiyeenta caruurta waxa weeye; waalidka in uu garto oo lasocdo in waqti caruurta ay yar yaryihiin ay tahay waqtiga lagu talaalo quluubta ubadka iimaanka iyo Islaamnimada. Waa waqti muhiim ah oon la fududeesan karin. Gaar ahaan markii lajoogo qurbaha iyo dhul galaad, bii'aduna kugu saa cideeneen tarbiyeenta iyo ku ababinta caruurtaada diinta islaamka.

03/18/2021

Tarbiyada_Caruurta (2)
2- arinka labaad ee asaaska u ah tarbiyeenta caruurta waxa weeye; in saaxiib laga dhigto ubadka, lala sheekeesto, laga warqabo. Hadii aabaha shaqada u rawaxo aroortii, caruurtane hurdayaan, duhuradiina soo laabto ayaguneh ay madrasada ku maqan yihiin, kadibna ubaxo qahweesi iyo faku-dirir habeenkii soo hoyado ayagoo seexday qoormaa ayuu tarbiyeenayaa lasheekeesanayaa?!!

Arintaa waxaa ka siidaran in waalidka caruurta ka mashquulo ayagoo wado jooga, caruurta qolka isku guraan taleefonka iyo social media isticmalayaan, waalidkane Sidoo kale TV ku fiisanayo fadhiga guriga!!

Qeeb wayn waqtigaaga kamid ah in aad siiso caruurtaada waa laga maarmaan

03/17/2021

Tarbiyada_Caruurta (1)
Sadax asaas ay ku taagan tahay tarbiyeenta ubadka.
1- waalidka in uu noqdo qudwo lagu daydo wax walba oo wanaagsan, maaha in uu asiga wanaaga katago caruurtane amro. Tusaale; Waalidka maaha in uu salaada katago, ubadkana amra salada ama ku qasbo ilaalinta salaada!. Waxaa lamid ah in caruurtu ay been ku yaqaanan asigane ku canaanta ubadkii markii ay been u sheegaan!.Waa laba arimood aan is qabaneen. Waxaa kaloo lamid ah quraan aqriska, salaada masjidka lagu oogo, xijaabka sharciga waa faqsan, iyo ka fogaashaha anshax darada sida hanta caayda dhageesasha Heesaha iyo waxee lamid ah. Marka h**e adiga wanaaga ku dhaqan sida ubadkaaga wanaaga uga aragto.

Lasoco labada cutub ee hartay Insha Allah....

Address

Rochester, MN
55904

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Suhbah Institute posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share