10/19/2023
Qazza waxaa ka socota isir sifayn yoolkeedu yahay inaan dhulkaas lagu reebin qof islaamnimo sheegta.
Aduunka oo dhan wuxuu indhaha ka daawanaya dad maato ah oo cadaw aan diir naxa lahayn uu sida uu rabo u xasuuqayo.
Cisbitaal lagu daawaynayo dad bukaan ah in la duqeeyo oo lagu dilo 500 oo qof qawaaniinta dagaal iyo xeerarka aduunka ka jiraba waxay ka tahay dambi dagaal, haddii falkan uu dal islaam gaysan lahaa aduunka oo dhan waxaa qabsan lahaa dhawaqa iyo qayladda reer galbeedka.
Arinta uur ku taaladda iyo murugta leh waa in dawladihii islaamku ay indhaha ka daawanayaan dadkan walaalahooda ah ee ay diin iyo dhiig wadaaga yihiin ee isir sifaynta lagu waddo.
Anaga ka soomaali ahaan Waa ka xunahay waana uducaynaa