Iftiinka Masiixa

Iftiinka Masiixa This is Somali Christian page.

Celebrating my 4th year on Facebook. Thank you for your continuing support. I could never have made it without you. πŸ™πŸ€—πŸŽ‰
08/31/2023

Celebrating my 4th year on Facebook. Thank you for your continuing support. I could never have made it without you. πŸ™πŸ€—πŸŽ‰

07/09/2023
Shalom dhammaan walaalaha Masiixiyiinta ee ku jirta halkaan waxaan idinku salaamey magaca ugu weyn ee Seyid Ciise Masiix...
07/03/2023

Shalom dhammaan walaalaha Masiixiyiinta ee ku jirta halkaan waxaan idinku salaamey magaca ugu weyn ee Seyid Ciise Masiix. Waxaan idinka codsaneyaa fadlan inaad halkaan iga soo raacdaan si ruuxinna ugu kordho xagga Ilaaha Aabbaheyaga ee Seyid Ciise Masiix.

https://pin.it/NAYGSnB

I have reached 200 followers! Thank you for your continued support. I could not have done it without each of you. πŸ™πŸ€—πŸŽ‰
04/28/2023

I have reached 200 followers! Thank you for your continued support. I could not have done it without each of you. πŸ™πŸ€—πŸŽ‰

11/05/2022

Gabadh Muslimad ah oo Ciise Masiix Riyo ku Aragtey!

Si kastaba ha ahaatee Rabbi Ciise Masiix iyada soo geli aqoontaada badbaadada ee nimcadaada ah Adoo riyadeeda mid dhab ah ka dhigeya xagga nolosheeda.

Ogeysiis guud ahaan dhammaan reer Facebuug.Waxaan jeclaan lahaa inaan ogeysiiyo dhammaan asxaabta ku xidhan booggaan ee ...
10/27/2022

Ogeysiis guud ahaan dhammaan reer Facebuug.

Waxaan jeclaan lahaa inaan ogeysiiyo dhammaan asxaabta ku xidhan booggaan ee Dhalasho Cusub iyo kuwa isoo raacsan iney igu soo biiraan Bulshada Runta. Shaley uun baan ku biirey ee halkaa iga soo raac. Waan idinka mahadcelineyaa dhammaan inta taageedheyaasheyda. Rabbiga ha idin barakeeyo walaaleyaal.

Acts 4:4-21 Somali Bible(SOMB) 4 Laakiin qaar badan oo hadalkii maqlay waa rumaysteen; oo tiradii nimanku waxay noqotay ...
09/06/2022

Acts 4:4-21 Somali Bible(SOMB)

4 Laakiin qaar badan oo hadalkii maqlay waa rumaysteen; oo tiradii nimanku waxay noqotay abbaaraha shan kun.
5 Markaasaa waxaa dhacday in maalintii dambe taliyayaashoodii iyo waayeelladoodii iyo culimmadoodii ay Yeruusaalem isugu soo wada urureen;
6 waxaana joogay Annas oo ahaa wadaadkii sare, iyo Kayafas, iyo Yooxanaa, iyo Aleksanderos, iyo in alla intii wadaadka sare xigaalo la ahayd.
7 Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen?
8 Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,
9 haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey,
10 dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay.
11 Isagu waa dhagixii idinkoo wax dhisa aad diiddeen, oo noqday madaxa rukunka.
12 Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.
13 Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.
14 Markay arkeen ninkii la bogsiiyey oo la taagan iyaga, waxba way ka odhan kari waayeen.
15 Laakiin intay amreen inay shirka dibadda uga baxaan, ayay wada hadleen iyagoo leh,
16 Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno.
17 Laakiin si ayan dadka ugu sii faafin, aynu cabsiinno si ayan hadda ka dib magacan ninna ugula hadlin.
18 Markaasay u yeedheen oo ku amreen inayan aslanba Ciise magiciisa ku hadlin, waxna ku barin.
19 Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale;
20 waayo, waxyaalihii aannu aragnay oo maqallay iskama dayn karno inaannu ka hadalno.
21 Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.

05/30/2022

Psalms 96

1 Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya.
2 Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.
3 Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
4 Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano. Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.
5 Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.
6 Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan.
7 Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana, Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.
8 Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay, Qurbaan keena, oo barxadihiisa soo gala.
9 Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada, Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.

02/17/2022

Ammaantaan ee barakadeysan oo ILAAHA AABBAHA ee Jannada ku jidha lagu ammaaneyo xagga Rabbigeenna Ciise Masiix waan jaclahey runtii inaan dhageysato oo aan ugu cibaadeysato Rabbi Ilaah. Ammaantaan ee nimceysan waxaa inoo soo qaadey laba walaalo oo aan imika soo magacaabi karin balse waxaan qabaa in ciwaanka ee heestuba uu yahey Ciisoow Nabad Baa Tahaaye(Jesus You Are Peace). Waxaan jaclaadey maanta inaan idin soo gudbiyo oo aan idinku deeqo ammaanta xoojinta ah ee kor u qaadidda ee Rabbi Ilaah. Cibaado suuban baan idin rajeyneyaa dhammaantiinnaba.

HallelujahπŸ™πŸΌβ€β€πŸ™πŸΌ.

Marka dhageysi wanaagsan iyo cibaado barakeysan walaalayaal.

Matthew 28:1-20 Somali Bible(SOMB) 1 Sabtidii dabadeed goortii waagii beryayay maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, M...
01/20/2022

Matthew 28:1-20 Somali Bible(SOMB)

1 Sabtidii dabadeed goortii waagii beryayay maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxay u yimaadeen inay xabaashii arkaan.
2 Oo bal eeg, waxaa jiray dhulgariir weyn, waayo, malaa'igta Rabbiga ayaa intay samada ka soo degtay timid oo dhagixii ka giringirisay oo ku dul fadhiisatay.
3 Midabkeedu wuxuu u ekaa hillaac, dharkeeduna wuxuu u caddaa sida baraf cad.
4 Oo cabsi aawadeed kuwii ilaalinayay waa gariireen, oo waxay noqdeen sida meydad.
5 Malaa'igtii ayaa u jawaabtay oo naagihii ku tidhi, Ha baqina, waayo, waxaan ogahay inaad doonaysaan Ciise, kan iskutallaabta lagu qodbay.
6 Halkan ma joogo, waayo, wuu sara kacay siduu yidhi. Bal kaalaya oo arka meeshii Rabbigu jiifay.
7 Dhaqso u taga, oo waxaad xertiisii ku tidhaahdaan, Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, oo wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan. Bal eega, waan idiin sheegaye.
8 Dhaqsoba waxay xabaashii kala tageen baqdin iyo farxad weyn, oo waxay u ordeen inay xertiisa u warramaan.
9 Kolkaasaa Ciise ka hor yimid oo ku yidhi, Nabad. Markaasay u dhowaadeen oo intay cagihiisa qabteen ayay caabudeen.
10 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ha baqina. Taga oo walaalahay u sheega inay Galili tagaan, oo halkaasay igu arki doonaan.
11 Intay sii socdeen ayaa waardiyayaashii qaarkood magaaladii yimid, oo waxay wadaaddadii sare uga warrameen wixii dhacay oo dhan.
12 Iyaguna goortay waayeelladii la shireen oo ay wada hadleen, ayay askartii lacag badan siiyeen,
13 oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad tidhaahdaan, Xertiisii ayaa habeennimo timid oo xadday isaga intii aannu hurudnay.
14 Oo haddii taliyihii waxan maqlo, waannu rumaysiinaynaa oo waannu idiin welwel tiraynaa.
15 Markaasay lacagtii qaateen oo yeeleen sidii lagu yidhi. Hadalkanu maalintaas ilaa maanta waa ku dhex firdhisanaa Yuhuudda.
16 Markaasaa koob-iyo-tobankii xerta ahaa Galili tageen ilaa buurtii Ciise kula ballamay.
17 Oo goortay arkeen isagii, way caabudeen, laakiin qaar baa shakiyey.
18 Oo Ciise ayaa u yimid oo la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Amar oo dhan ayaa samada iyo dhulka laygu siiyey.
19 Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa,
20 oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.

Address

Columbus, OH
43228

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Iftiinka Masiixa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Place Of Worship

Send a message to Iftiinka Masiixa:

Share