07/01/2026
KANIISADA SOOMALIYEED RABBIGA HA XOOGEEYO. AAMIIN.
FALIMAHA RASUUL 9 : 31
Sidaas darteed kiniisaddii ku tiil Yahuudiya iyo Galili iyo Samaariya oo dhan nabad bay lahayd, waana dhisantay oo badatay iyadoo ku socota cabsida Rabbiga iyo gargaarka Ruuxa Quduuska ah.
SABUURRADII 27 : 1
Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa? Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa?
Duco.
Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahoow,
Waxaan kuugu mahadcelinaynaa nimcadaada iyo jacaylkaaga. Waxaan kaa baryaynaa inaad kobciso kaniisadda Soomaaliyeed, una adkaysid siweyn rumaystayaasha Masiixa ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Rabbiyow, naga ilaali dhibaato kasta, cabsi, iyo cadaadis. Naga yeel kuwo ku adkaysta iimaankana ku socda marwalba iyo runta iyo iftiinka Ciise Masiix.
Oo ilaahayoow ka dhigin kaniisaddeenna mid miro badan dhalisa, oo noqota iftiin iyo rajo usoo baxday dadka Soomaaliyeed.
Waxaan kugu baryaynaa magaca Ciise Masiix.. Amen 🙏 🙏 cross ✝️ 🙏