WAANO IYO WACDI

WAANO IYO WACDI To have a clear words and to hear the voice and the expression of the youth especially Gedo region and somalia at large

14/01/2022

Mahad oo dhan Illaahay ayaa leh nabadgelyo iyo naxariisina Rasuulkeena korkiisa ha ahaato.
Intaa ka dib walaalayaal salaada qof kasta oo muslima wuu garanayaa qiimaheeda Illaahayna wuxuu yidhi swt(salaadaha Illaashada oo weliba salaada dhexe ilaashada)
Markaas waxaa inagu waajiba inaynu amarka Alle qaadano oo xafidano salaadaha faralka ah.
Salaadu waa tiirka dhexe ee Diinteena
Salaadu waa muftaaxa jannada
Salaadu waa camalada kuwa ugukhayrka badan.

02/12/2021

Wa habeen saq dhexe qaar baa xiligan waqti la qaadanaya qaar ay jecelyihiin gaar ayaa ka fikiraya ama sugaya qaar aysan ogeyn inay uso noqonayan io in kale qaar kle ayaa jira oo allh SWT hor tagan si ay weydiistan wax walbo ay jeclyihiin yaa rabi qof walbo faraxsan u siyaadi farxada waxa jira dad fara badan oo xiligan qalbigoodu walwal iyo walbahaar ku furanyahy yaa rabi kuwaasna ka dul qaad xanuunka ay dareemayaan oo ugu deeq ruux jecel oo naxriis badan dareensiiya 😪🤲

WALAALEEY TALADEYDA QAADO.Walaasheeydiyeey ha Caashaqin Nin Samada kula aadaya Kolka uu ku Rabo (yacni ku Koolkoolinaaya...
07/10/2021

WALAALEEY TALADEYDA QAADO.

Walaasheeydiyeey ha Caashaqin Nin Samada kula aadaya Kolka uu ku Rabo (yacni ku Koolkoolinaaya marka uu kuu Baahan yahay), Marka uu kuu Caroodana Dhulka kula Goynaayo (yacni wax kastoo Xumaan ah kugula kacaayo).

Balse waxaad Caashaqdaa:-

1- Ninka Mar walba kuu Arkaayo inaad tahay Amiiradiisa.

2- Ninka Dhab kuu Jecel ee aan marnaba Wejigiisa aan kuu doorin Xilli Dhib uu jiro iyo Xilliga Dheeftaba.

3- Ninka Dhabta kuu jecel ee Fahmaaya Baahidaada, mar walbana ku Dareensiiya Kalgacayl iyo Naxariis.

4- Ninka aan Dib u Guraneynin kolka uu Arko inaad Tiiraanyeesan tahay.

5- Ninka u Dulqaadanaaya Carradaada, xitaa haddii aad Madax Adag tahay.

6- Ninka Shucuurta Wanaagsan, Akhlaakhdiisuna ay Wacan tahay, Kartina ay u Dheer tahay.

7- Nin aad Noqotay Caashaqiisa, mar walbana kuu Arkaayo inaad tahay Xiddigta Adduunka.

8- Nin ku Sifoobay Iimaan isla markaasna Rumeysan in Gabar aan Adiga aheyd aysan noqon doonin Xaaskiisa.️️

(Walaasheey Waxaan Rajeynaa
Taladeyda inaad ku Qanacday).

Dheh Si Gabdh Walbo Ugaarto ....🙏

🖕🖕🖕🖕🖕🖕

10/08/2021

Magaalada Maka oo uu ku dhashay, kuna soo barbaaray ayaa lagu dhibay, laguna dhibaateeyay. Wuxuuna ka badbaadiyay iskudayo badan oo la doonayay in lagu qaarijiyo. Tolkiisii ayaa cunaqabateyn saaray, oo xitaa gabdhihiisii waa laga furay wiilashii qabay. Dhibku kaligiis kuma ekeyn ee dhalinyaradii farriintiisa ku qanacday ee rumeysayna nolosha ayaa lagu cadaabay, qaarkood waxay u dhinteen jirdilkii loo gaystay.

Waxay dantu ku qasabtay in uu ka baxo magaaladiisi Maka oo uu u hijroodo Madiina oo u jirto 385KM. Markii uu Maka ka sii baxayay ayuu gadaal u soo eegay, wuxuuna ku yiri: "Wallaahi Makaay adduunyada adiga ayaan kuu jeclahay, haddii aysan dadkaadu iga kaa saarinna kaama tageen.”

Tolkiisu sidaas ugama harin ee waxay ku tashadeen in la soo dilo, waxayna qofkii madixiisa keeno u ballanqaadeen 100 neef oo geel ah. Safar dhuumaaleysi ah oo ku qaatay 14 maalmood oo ay jid qardajeex ah ku socdeen kadib ayay gaareen magaalada Madiina.

Isdhexgal bulsho oo walaaltinnimo, isjaceyl iyo wax-isu-quurid ku dhisan ayuu dhex abuuray dadkii Maka ka soo hijrooday iyo kuwii Madiina ku soo dhoweeyay. Heshiis bulsho ayuu reer Madiina dhex dhigay, oo Aws iyo Kasraj oo ahaa labadii qabiil ee Madiina ugu badnaa oo uu dagaal-sokeeye ka dhexeeyay ayuu heshiisiiyay. Yuhuudda iyo Kirishtankana wuxuu kula heshiiyay in nabad lagu wada noolaado. Sidaas ayayna Madiina ku noqotay saldhig diinta Islaamka dunida kale looga faafiyo.

8 sano kadib ayuu qabsaday magaaladiisii Maka ee lagu dhibaateeyay. Dadkii dhibay ee uu magaalada ka joogi waayay ayuu gacanta ku dhigay. Kamana aagroosan ee cafis ayaad tihiin ee magaaladiinna gala ayuu ku yiri.

Taariikhda hijriga oo ka soo billaabatay markii uu Madiina u soo hijrooday waxaa maanta u curtay sanad cusub, oo waxaa 1443 sano laga joogaa maalinkii uu Madiina soo galay. 1443 sano kadib, maanta waxaa Muslimiin ah oo farriintii uu siday rumeysan dad ku dhow 2 bilyan. Ilaa iyo maantana waa qofkii ugu saameynta badnaa ee caalamka soo maray.

Michael Hart oo ah qoraa Mareykan ah oo diin ahaanna Yuhuudi ah wuxuu 28 sano buug ka qorayay boqolka qof ee caalamka ugu saameynta badan. Hart wuxuu bandhigga buuggiisa “The 100: A Ranking of the Most Influential Persons in History” oo London ka dhacay ka sheegay in uu qofka dunida ugu saameynta badnaa uu yahay Nabi Muxamed.

Isaga oo sababta sharxaya ayuu yiri: "Muxamad wuxuu ka soo baxay magaalo yar oo Maka la dhaho, wuxuuna dadka u sheegay in uu yahay farriinside uu Alle u soo diray. Markaas waxaa rumeeyay 4 qof oo kala ahaa xaaskiisa, saaxiibkiis iyo labo carruur ah. Maanta oo geeridiisa laga joogo in ka badan 1400 oo sano waxay tirada muslimiintu ka badan tahay 1.5 bilyan, maalin kastana way sii kordhaysaa.

Macquul ma aha in uu Muxamad beenlow ahaa, oo ma jiri karto been noolaan karto 1400 oo sano. Mana dhici karto in dad ka badan 1.5 bilyan ay maanta been ku wada qancaan. Waxaa kale oo cajiib ah in ay maanta jiraan malaayiin Muslimiin ah oo diyaar u ah in ay naftooda ku difaacaan sharaftiisa. Sababahaas ayaan aaminsanahay in Muxamed yahay qofkii ugu saameynta badnaa ee dunida soo maray"

"Ma laheyn Facebook, Whatsapp, Twitter iyo Instagram, wuxuuna maanta ku xiran 1.8 bilyan, qofkaasi waa Nabi Maxamed" sidaas waxaa gaarigiisa ku qortay qof Keenyaati ah.

Naxariis iyo nabadgelyo Alle ha ahaadaan Nabi Muxamed dushiisa. Waxaan marag iyo marqaati ka ahay in uu ahaa farriinside xaq ah oo uu Alle soo diray, oo u hagarbaxay in uu farriintaas na soo gaarsiiyo.

NABI MUHAMED CSW.

09/08/2021

SHARAFTA IYO QIIMAHA XIJAABKA
—————————————————

Xijaabku gabadha jirkeeda kaliya ma asturo ee sidoo kale wuxuu ilaaliyaa sharafteeda iyo amnigeeda guud.

TUSAALE YAR
Waagii aan dhallinyarada yaryar aheyn ee aan dhibka badneyn, gabdhaha jidka soo mara ee garbasaarta qafiifta ah iyo diraca baatiga ah xiran waan faduulin jirnay oo dhibi jirnay. Waxaan ku dhihi jirnay: "tuus tuus, yarta waan ku salaamay, lambarkaaga ii qor, ma is baran karnaa, maad nala hadashid yarey iwm".

Haddii ay dheg jalaq inoo siin weyso waan caayi jirnay, ama dhagaxaan ayaan ka daba tuuri jirnay, si ay noola hadasho. Waa daandaansi cad iyo hadal bilow.

- Gabadha xijaaban ee jirkeeda sidii eebbe faray u asturatay ,iyada xaalkeedu sidaa wax badan ayuu ka duwanaa oo marna lagama yaabo in aan ku xad-gudubno. Jidka in ay mareyso iyo in kale shaki ayaaba naga geli jiray. Waxay naga heli jirtay ammaan buuxa, xijaabkeeda(asturnaanteeda) darteed. Intaasina waa qeyb ama inyar yar oo ka mid ah sharafta iyo karaamada xijaabka.

- Marka aan sidaa u dhaqmeyno, horta carruurnimo waa iska jirtay, Diinna xabbad k**a ogeyn oo waxaan iska aheyn ciyaal yaryar oo dusgiley ah. Waxaan wax ku qiimeyn jirnay kaliya asturnaanta iyo qaawnida. Tii yara qaawan waan faduulin jirnay, tii asruranna waan nabad-gelin jirnay.

- Ogow marka aad xijaaban tahay, waxaad tahay boqorad dhowrsan oo ciyaal suuqa iyo shayaaddiintu aysan ku soo dhiirran karin. Balse marka aadan si fiican u xijaabneyn, ama aad xiran tahay dhar qafiif ah ama aad kuugu dheggan, waxaad la kulmi doontaa daandaansi fara badan iyo in ay kugu soo dhiirradaan ragga xunxun ee uu dareenku hoggaamiyo. Waana adiga qofta u fududeysay ee baaqa u dirtay.

Haddaba xijaabku sow sharaf iyo dhowrsani buuxda ma aha?

Intan yari waa faa'iidadii adduunyada, Tii aakhiro, yacni ballan-qaadkii iyo abaal-marintii Alle SWT wali waa idiin dhimman tahay.

Xijaabku waa sharaf, karaamo iyo amni buuxa oo wada socda ee ku dadaala dumarow/gabdhow.



~ Qalinkii Abdiwahab Awale

FG. Haddii aad ka heshay la wadaag asxaabtaada (Share).

09/08/2021

BURBURKII QOYSKEYGA IYO BARASHADII DUMAR
-------------------------------------------------------------------------

Xaaskeyga Xaawo waxaan is qabnaa ku dhowaad laba sano ama muddo dhan sagaal iyo toban bilood ah. Marka laga reebo madax xanuun, weligeed jirro ay dhakhtar ugu tagtay iima aysan sheegin, aniguma kuma arkin. Markasta waxaa ka soo dilmi iray ilmo. Dhowr jeer ayaan isbitaallo kala duwan oo qaali ah geeyay, midba kastana wuxuu inoo sheegayay wax cusub oo natiijooyinku isma lahan. Walow aan aad u dhibsaday dawooyinka kala nuuca ah ee bacda weyn ee ganacsiga ah laguu miisayo, hadana dawooyinka ay dhakhaatiirtu u soo qoraan si taxaddar leh ayaan ula socon jiray oo waan ka warqabi jiray. Sidoo kale qur’aan saar iyo ducana waan kala daalay.

Waxaan ahay ragga ilmaha aadka u jecel oo waxaan aad u dharayay in aan maalin uun arko xaaskeyga oo ay calooshu buuran tahay oo siyaado(uur) ii leh. Runtii maalintaas way iiga duwanaan laheyd maalmaha kale ee caadiga ah. Waxaan dhunkasho naxariis leh dhunkan lahaa caloosha oorideyda aan jeclahay. Sidoo kale waxaan ciyaarsiin lahaa cunug yar ee hadda naftii lagu beeray. Marwalba waxaan ku oran lahaa, intaan caloosheeda dhegta u dhaweeyo, "aabbe macaane ii soo dhakhso oo dunida guudkeeda iyo gurigan lagaa jecel yahay nabad iyo caafimaad ku imow”. Sidoo kale habeenkaas xaflad weyn ayaan gurigeenna ku dhex dhigan laheyn. Ugu dambeyn waxaan la dhici lahaa sujuud, si aan ugu xamdi-naqo Eebbe SWT.

Boorsadaaas aad u jeeddaan waxaa ka buuxo waa daawooyin kala nuuc ah oo aanan weligey arag ama il saarin. Waxaan ka soo bixiyay boorso weyn oo ay xaaskeygu leedahay ee ay dharka gashan jirtay. Runtii waxaan ka qaaday fajac iyo amakgaag!! Sidoo kale waxaa igu beermay shaki aad u weyn.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa iyada oo aanan wax war u heynin ayaan waxaan dawooyiinkii h**ey ugu sii qaatay goobteyda shaqada, keddibna maamulihii ayaan intaan fasax ka qaatay waxaan u geeyay dhakhtar aan saaxiibbow dhow aheyh. Mid mid ayuu u akhriyay, xoogaa keddbina isaga oo aad u yaabban wuxuu ii sheegay in dawooyinkani ay yihiin kuwa looga hortago uurka, qaar lagu soo rido ilmaha iyo kuwa leysku caddeeyo intaba.

Runtii afka ayaan gacanta saartay oo aad baan ula fajacay!! Intii aan jidka soo socday, waxaan keligey niyadda iska dhahayay oo weliba mararka qaar xitaa cod la maqli karo ku lahaa, “uurka looga hortago aaaa, i,maha lagu soo rido aaaa, maba dhici karto ee riyo ayaad ku jirtaa”!!

Gurigii ayaan imid, tarriibteyda waan iska qadeeyay, qeylo iyo buuq midna kuma furin. Abbaaro tobankii habbeeninnimo oo qaddar daqiiqqdaha dhimman oo xoogaa yar kahor ay BBC-du ka baxday ee aan aniguna fadhiyo qolka fadhiga ayaan intaan u yeeray waxaan ku iri, "Xaawooo, arrin muhiim ah ayaan kaala hadli rabaa ee kaalay halkan soo fariiso". Waa ii timid. Waxaan ku iri, "maxaa kugu khasbay in aad sidan oo dhan ii khiyaanto"?, aniga oo boorsadii suntu ka buuxdayna gacanta ku haya oo iyada tusaya. Indhaha ayay mirig-mirig ka siisay, keddibna inta istaagtay oo boorane isku ridday ayay igu tiri, "MAXAAD KA HADLEYSAA WARYAA, YAASE BOORSADEDYDA KUU DHIIBAY,"? "Horta soo fadhiiso, is deji, waxba ha qeylin, waa xilli dambe oo darisku yuusan nagu soo bixin, ee waxaan ku weydiiyay, jirro ama xanuun ku hayay oo aadan ii sheegin miyaa jira"? "MAYAA, HEE, CAAWA MAXAAD DAMACSAN TAHAY BAL II SHEEG, MISE HOOYADAA IYO GABDHIHII DULMIGA BADNAA EE KULA DHASHAY AYAA IGU KAA SOO DIRDIRAY''? ayay si qeylo dheer ah iyo xanaaq isugu jira iigu jawaabtay. Aniguna isma waalin ee waxaan si deggan u weydiiyay, "ok, waa kheyr batay, alxxamdulillaah, een, daawadaan tira badan yaa leh”? Markan aad ayay isugu naxday runtii, keddibta inta ay bacdii daawadu ka buuxday iga daftay(hurgufff) ayay igu tiri, "waryaa waskhaanyahow yaa alaabteyda baadhbaadh kugu yiri, edeb iyo anshax midna ma lihide, nacala washag”, waana iga sii dhaqaaqday oo qolka jiifka ayay h**ey u sii gashay.

Dhowr daqiiqadood ayaan u sugay, keddib ayaan qolkii uga daba-tagay, mise waaba tan ku barooraneysa, “Alla hoogayey, ba’ayeey, siduu ku keenay in uu sidii tuugadii boorsadeyda soo qufo, hadda i fur oo warqaddeyda isii, wabaa”.

Waxaan ku iri, “sidii qof weyn ma iila hadleysaa mise.....”?. “Hadalkaga ma rabo ee madaxeyga isii'' ayay si xoog leh iyo canaan ah iigu soo celisay.

Cabbaar ayaa ka aamusay, keddibna waxaan ku iri, “ubad iyo uur haddii aadan diyaar u aheyn, waxaa habbooneyd in aad marh**e ii sii sheegto, balse in aad khiyaano igula noolaato, runtii wax aan kaa filayay marnaba ma aheyn, waase dhacday"!!

Qeylo ayay afka labadiisa furatay, waa is waashay, keddibna jikada ayay inta ku carartay waxay ii soo qaadatay kal weyn, mindi, gacanta kalena waxay ku wadatay digsi. Digsigii ayay igu soo halgaadday, waan u gooyay, haddana kashii ayay igu soo tuurtay, kellida midigta ah ayay iiga dhacday, runtii aad baan uga xanuunsaday oo kaar iyo xanuun ayaan dhulka la fariistay. Intaas iigama harine mindidii ayay dhankeyga la soo aadday, markan fadhi iima yaall, intaan xanuunkii dhan hilmaamay oo si degdeg u kacay ayaan miiskii qadada oo ii dhawaa gabbaad ka dhigtay, marba dhinac ayay iga soo martaa, ugu dambeyn mindidii waa ila heshay, balse Alle mahaddii garabka ayay iiga dhufatay, weerarkii labaad ayaan gacantii ay mindida ku heysatay iska qabtay, keddibna ka maroojiyay, iyadiina halmar dhulka ku kala tuuray. Xanuunkii kasha kellida iiga dhacday weli waa i hayaa, garabkana waxaa iga socda dhiig fara badan, haddana guriga waa labadeenna keliya, walow albaabka h**e ee guigeenna in muddo ah la gargaraacayo, mindhaa waa dariskii ku soo baxay buuqeenna.

Albaabkii guriga ayaan furay, waxaa noo soo gurmaday Xaaji Cali iyo xaaskiisa Barni, waxay aad uga naxeen xaaladda aan ku sugannahay iyo dhiigga iga baxaya. Xaaskeygu garbosaar ma wadato, madaxu waa u feydan yahay, weliba waa sii qeylineysaa oo miir maleh.

Xaaji Cali ayaa isla markiiba dib u laabtay oo gaari duq ah oo uu shaqada ku tegi jiray si degdeg ah isbitaal iigu qaaday. Garabkii waxaa leyga tolay lix qodob. Kellidiina baaritan dheer keddib waxaa la saaray kombiyuutar ama iskaan, dhakhtarkiina wuxuu igu yiri, "nabar daran ayaa gaaray oo halis caafimaad ayay kugu keeni kartaa”.

Cadaadis ba'an oo qoyskeyga iiga yimid iyo ciilkii faraha badnaa ee aan anigu h**e u qabay oo isku key biirsaday awgood, xaaskeygii aan saa'idka u jeclaa sidii ayaan isku deynay oo ku kala dhammaanay, gurigiinna dib dambe uguma laaban, dharkeygiina waxaaisbuuc keddib ii keenay Xaaji Cali, kheyr fara badan Allaha siiyo'e.

Sheekada haddii aan idinku dheereeyay iga raalli ahaada, weliba wax badan ayaan ka soo kala boodbooday oo qisada waan idiin soo koobay.

FG. Haddii aadan guur, dhaqan iyo awlaad intaba diyaar u aheyn, fadlan ummada islaameed ha luggoyn oo ha khiyaamin.

W/Q. Abdiwahab Awale

SIRTA FARXADDA...Ma dooneysaa in aad marweliba iska faraxsanaatid?1. Qof murugeysan ka farxi.2. Dadka kaalmada u baahann...
09/08/2021

SIRTA FARXADDA...

Ma dooneysaa in aad marweliba iska faraxsanaatid?

1. Qof murugeysan ka farxi.
2. Dadka kaalmada u baahanna caawi.
3. Salaadda wakhtigeeda ku tuko.
4. Saddaqada qarsoon badso.
5. Ilmaha/ubadka la ciyaar.
6. Agoonta madaxa u salaax.
7. Dariskaaga marmar booqo.
8. Asxaabta ay kuugu baxdo wakhti la qaado.
9. Hooyo iyo aabbe lugaha u riixriix, dhabannada iyo foolkana ka dhunko.
10. Akhriska qur'aanka caado ka dhigo.

FG. Haddii aad la dhacday asxaabtaada la sii wadaag, keddibna halmar dhoolacaddey 😊

~ Abdiwahab Awale

QAAR KA MID AH ASTAAMAHA LAGU GARTO QOFKA SIDA DHABTA AH KUU JECEL:-1. Si kasta oo uu qofku mashquul u yahay, marnaba wa...
09/08/2021

QAAR KA MID AH ASTAAMAHA LAGU GARTO QOFKA SIDA DHABTA AH KUU JECEL:-

1. Si kasta oo uu qofku mashquul u yahay, marnaba wakhti kuuma weynayo.

2. Si sahlan kaagama caroonayo, haddii ay dhacdana kaama tagayo.

3. In uu ku raalligeliyo wax sidaa u weyn ama buuran lama ahan.

4. Xaaladdaada, caafimaadkaaga iyo tan qoyskaaba intaba si fiican ayuu ula socdaa.

5. Inkasta oo inta badan daruufaha leysku naco, haddana qofka sida dhabta ah kuu jeceli marnaba kaagama tegayo.

6. Been, laablaab iyo wax-is-dabamarsiin ugu iman meysid.

7. Run sheegista iyo daacadnimadu waa u dhaqan iyo astaan.

8. Farxaddaadu waa farxaddiisa.

9. Murugadaadu waa murugadiisa.

10. Horumarkaagu waa horumarkiisa.

11. Guushaadu waa guushiisa.

12. Wixii ku dhiba ayaa isna dhiba.

13. Marwalba wuxuu aad u jecel yahay ama xoogga saarayaa, in uu adiga ku farxad geliyo.

14. Muran, dacwo iyo eedeyn midna kuula iman mayo.

15. Markasta qalbigaaga wuxuu ku abuurayaa yididdiilooyin wanaagaan iyo rajooyin cusub.

FG. Haddii qofkaas oo kale aad nasiib u yeelato, fadlan ilaasho waa dheeman dhar wato'e.

~ Abdiwahab Awale

09/08/2021

The father of the Prophet ﷺ was Sayyiduna 'Abdullah. He was known to be the most handsome man in Makkah al-Mukarramah and was extremely praised. Whilst he was on the way to get married, he was approached by two women who said, 'Marry us and we will give you the dowry!' But he refused them and said, 'I will not disobey the wishes of my father.' He then married Sayyidah Aminah al-Zuhriyya, the pure, blessed and chaste one.
After the marriage, Sayyiduna 'Abdullah walked past this exact women and it was asked, 'Why do you now not seek him in marriage?' They replied, 'The light which was upon his forehead has been transferred to another person.' What light and noor was this? This was the noor of Sayyiduna Muhammad ﷺ . Some of the scholars of Tafsir said this was the light in the forehead of Prophet Adam and it was for this reason that the angels were told to prostrate out of honour and respect. It was through his light that Sayyiduna Nuh was saved, that Sayyiduna Ibrahim was protected from the fire, and it was through this light that Madinah was illuminated on the day he entered. Allah created billions of people but He chose two parents and two blessed people to carry the light of Sayyiduna Muhammad ﷺ . Peace and blessings be upon all the Prophets, Messengers and chosen servants of Allah. Send the salution upon our PROPHET S. A. W

Gabadh baa waxay soo iibsatay Telefon qaali ah,ka dib Aabaheed ayaa ku arkay Talefonkii markaasuu ku yidhi!"Aabbo markaa...
01/08/2021

Gabadh baa waxay soo iibsatay Telefon qaali ah,ka dib Aabaheed ayaa ku arkay Talefonkii markaasuu ku yidhi!
"Aabbo markaad Talefonka soo iibsatay wixii ugu h**eeyey ee aad samaysay muxuu ahaa?"

Gabadhii baa ku jawaabtay;
"Waxaan soo galiyay Qolof (cover) sarre oo Talefonka difaac u noqonaya, kana ilaalinaya in uu jabo.
Aabbihii baa ku yidhi; "Cid kugu qasabtay miyaa jirta in aad sidaa samayso?
Gabadhii; "Maya Aabbe, layguma qasbin, laakiin aniga ayay i anfacaysaa in aan sidaas sameeyo si Talefonku usan iiga jabin.
Aabbihii; "Waa tahay, Qolofku miyuu qiima tirayaa Talefonka?Gabadhii; "
Maya Aabbbe, lkn Difaac ayuuba u yahay Talefonka, in uu jabo buu ka ilaalinayaa, ilayn haddii uu jabo waa uu qiima beelayaaye.
Aabbihii; "Miyuu foolxumo usoo kordhiyay Qolofkaasi Talefonka?Gabadhii; "Aragtidayda maya qurux mooyee, fool xumo uma soo kordhinayo.
si fiican u soo eegay buu ku yidhi, "Aabbo macaan Xijaabkuna waa sidaa oo kale ee ku dhaganow had iyo goorba oo ha tuurin aabo.
Masha Allah.❤️

Mshallaah

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when WAANO IYO WACDI posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share