Ahmed Maalin

Ahmed Maalin nagu soo biir🫡

05/12/2025

Nicmada ugu wayn ee Jannada

Raali ahaanshaha Rabbi:

Ruuxa mu’minka ah markuu jannada galo ee uu arko nicmooyinka Ilaahay ku manaystay, waxa loogu darayaa nicmo kale oo sii dhamaystiraysa barwaaqada iyo farxada ehelka jannada, nicmadaasina waa raali ahaanshaha Ilaahay iyo inaanu waligood ka cadhoonaynin.

Si kasta aduunyada hadii aad nicmooyin u haysato oo Ilaahay aanu raali ka ahayn waa mid la isaga daba imanayo oo durabdii dhamaanaysa. Ilaahay (swt) isagoo ka warramaya raali ahaanshihiisa wayn wuxuu yidhi:

وَعَدَ اللَّهُ الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا وَمَسَاكِنَ طَيِّبَةً فِي جَنَّاتِ عَدْنٍ ۚ وَرِضْوَانٌ مِّنَ اللَّهِ أَكْبَرُ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ (72)

”Waxa Ilaahay ugu yaboohay mu’miniinta (nimanka) iyo mu’minaatka (haweenka) jannooyin ay soconayso hoosteeda wabiyoyaalkii ayagoo ku waaraya dhexdeeda iyo deegaan wanaagsan oo ku yaala jannada cadan, iyo raali ahaanshaha rabbi ee wayn, taasi waa guul aad u wayn”[1]

جَزَاؤُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّاتُ عَدْنٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا ۖ رَّضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ ۚ ذَٰلِكَ لِمَنْ خَشِيَ رَبَّهُ (8)

”Abaalgudkooda Ilaahay agtiisa ay ku leeyihiin waa jannooyinka cadan ee ay soconayso hoostooda wabiyoyaalkii ayagoo ku waaraya dhexdooda waligood, Ilaahay raalibuu ka noqday ayaguna raalibay ku noqdeen, taasna waxa iska leh cidii rabbigood ka cabsata”

17/08/2020

Xikmaddii_Ugu_Yaabka_Badnayd...!

Address

Mogadishu

Telephone

+252612720954

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ahmed Maalin posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share