09/08/2021
:
اللهم لك الحمد حتى ترضى ولك الحمد إذا رضيت ولك الحمد بعض الرضا.
الحمد لله الذي هدانا لهذا وما كنا لنهتدي لولا أن هدانا الله
💌 💛HAMBALYO💜......💙HAMBALYO💚......💟HAMBALYO💖 💌
Alxamdulilah🕋, ilaah baa ku mahadsan oo ina soo gaarsiyey sanadkaan cusub🌙 inagoo caafimaad qabna.
Allow inoo dhaaf gafkii Inaga dhacay sanadkii tagay ma.😯
Allow u naxriiso intii inaga dhimatay sanadkii tagay😱😱.
Allow Caafimaad sii inta xanuun la jiifta🤕🤢 iyo inta la socotaba🤧
Allow inta guur-doonka😍 ah guur xalaal ah sii.
Allow inta guursataynta oo caruur la,aan haysa caruur baari ah ku irzaaq👩❤️👨 .
Allow inta aad caruur siiseyna u hagaaji oo baari uga dhig👨👩👧👦.
Allow inta daymaysan daynta ka gud😣 inta rizaqa ciriiri uga jirana meel fudud u soo dhig.
Allow inta kurbeysan,walwalsan😔 ama caajis la dhaqaaqi la,😩 ka qaad oo farxad iyo firfircooni ugu badal.
Allow inta muraad leh u sahal muraadkooda😇 inta dhibaataysanna dhibaatada ka dulqaad😣
Allow inta la dulmiyey xaqooda u soo celi😢.
Allow dalkeena iyo madaxdeenaba inoo hagaaji🤑.