Sheekh Muuse Xasan Kadle

Sheekh Muuse Xasan Kadle Puplic

25/10/2024

๐€๐ฃ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐จ ๐ฅ๐šโ€™๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐š๐›๐ซ๐จ!
Nin ansaarta ka mid ah ayaa rasuulka sallalaahu calayhi wasallam ku yiri, rasuulkii allow shaqo isii sida aad hebelba shaqo u siisay?
Wuxuu ku yiri haddaad ansaar tihihiin waxaa la kulmaysaan gadaashay b**b (mansab iyo maalba) ee sabra illaa aad darka igula kulantaan.
๐—๐š๐๐๐ข๐ข๐ญ๐ก๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฐ๐ž๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐›๐ฎ๐ค๐ก๐š๐š๐ซ๐ข.
Xaddiithka wuxuu iftiiminayaa in ay waajib tahay in uu qofku ku sabro wixii uusan Alle siinin, xoog iyo carana uusan ku raadinin.
Sidoo kale wuxuu iftiiminayaa in uu nabiga sallalaahu calayhi wasallam uu ku yiri ansaar waxaad gadaashay la kulmi doontaan qof idin ka dooranaya dad kale xagga xoolaha iyo xilalka, kaasoo siinaya dadka kale wax uusan idinka idin siinaynin, shaqooyin iyo xilalna siinaya idinkana idin siinaynin ee sabra wixii aad arrintaas kala kulantaan illaa aad qiyaamo darka igula kulantaan idinkoo nabad ah oo aan tartan iyo caro adduun ku raadinin markaas ayaa ajir weyn Alle agtiisa la idin ka siin doonaa ee.
ู…ุฑูู‚ ุดุฑุญ ุงู„ุญุฏูŠุซ ๐ŸŽ€
ุฃู†ู‘ูŽ ุฑูŽุฌูู„ู‹ุง ู…ูู†ูŽ ุงู„ุฃู†ู’ุตูŽุงุฑู ู‚ุงู„ูŽ: ูŠุง ุฑูŽุณูˆู„ูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ูุŒ ุฃู„ูŽุง ุชูŽุณู’ุชูŽุนู’ู…ูู„ูู†ููŠ ูƒู…ุง ุงุณู’ุชูŽุนู’ู…ูŽู„ู’ุชูŽ ููู„ูŽุงู†ู‹ุงุŸ ู‚ุงู„ูŽ: ุณูŽุชูŽู„ู’ู‚ูŽูˆู’ู†ูŽ ุจูŽุนู’ุฏููŠ ุฃูุซู’ุฑูŽุฉู‹ุŒ ููŽุงุตู’ุจูุฑููˆุง ุญุชู‘ูŽู‰ ุชูŽู„ู’ู‚ูŽูˆู’ู†ููŠ ุนู„ูŽู‰ ุงู„ุญูŽูˆู’ุถู.
ุงู„ุฑุงูˆูŠ : ุฃุณูŠุฏ ุจู† ุญุถูŠุฑ | ุงู„ู…ุญุฏุซ : ุงู„ุจุฎุงุฑูŠ | ุงู„ู…ุตุฏุฑ : ุตุญูŠุญ ุงู„ุจุฎุงุฑูŠ
ุงู„ุตูุญุฉ ุฃูˆ ุงู„ุฑู‚ู…: 3792 | ุฎู„ุงุตุฉ ุญูƒู… ุงู„ู…ุญุฏุซ : [ุตุญูŠุญ]
๐ŸŒท ุดุฑุญ ุงู„ุญุฏูŠุซ ๐ŸŒท
ู†ู‡ุงู†ุง ุงู„ู†ู‘ูŽุจูŠู‘ู ุตู„ู‘ูŽู‰ ุงู„ู„ู‡ู ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู‘ูŽู…ูŽ ุนูŽู†ู ุงู„ุชู‘ูŽู†ุงููุณู ููŠ ุงู„ุฏู‘ูู†ูŠุงุŒ ูˆุฃุฑุดุฏูŽู†ุง ุฅู„ู‰ ุฃู†ู‘ูŽ ุงู„ุขุฎูุฑุฉูŽ ู‡ูŠ ู…ุญู„ู‘ู ุงู„ุชู‘ูŽู†ุงููุณู ูˆุงู„ุชู‘ูŽุณุงุจูู‚ุ› ูู‡ูŠ ุฏุงุฑู ุงู„ู‚ุฑุงุฑู ูˆุงู„ุญู‚ูŠู‚ุฉูุŒ ูˆู…ุง ุงู„ุฏู‘ูู†ูŠุง ุฅู„ู‘ูŽุง ู…ุชุงุนู ุงู„ุบูุฑูˆุฑูุŒ ูุงู„ูˆุงุฌุจู ุนู„ู‰ ุงู„ู…ุณู„ู…ู ุฃู†ู’ ูŠูŽุตุจูุฑูŽ ุนู„ู‰ ู…ุง ุญูุฑูู…ูŽ ู…ู†ู‡ ููŠ ุงู„ุฏู‘ูู†ูŠุงุ› ุฑุฌุงุกูŽ ุซูŽูˆุงุจู ุงู„ุขุฎุฑุฉู ูˆุฑุฌุงุกูŽ ุงู„ู†ู‘ูŽุนูŠู…ู ุงู„ู…ู‚ูŠู…ู ููŠู‡ุงุŒ ูˆููŠ ู‡ุฐุง ุงู„ุญุฏูŠุซู ู„ูŽู…ู‘ูŽุง ุฌุงุกูŽ ุฑุฌู„ูŒ ุฅู„ู‰ ุงู„ู†ู‘ูŽุจูŠู‘ู ุตู„ู‘ูŽู‰ ุงู„ู„ู‡ู ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู‘ูŽู…ูŽุŒ ูˆู‚ุงู„ ู„ู‡: ุฃู„ูŽุง ูŽุชูŽุณุชุนู…ู„ูู†ูŠ ูƒู…ุง ุงุณุชุนู…ู„ู’ุชูŽ ูู„ุงู†ู‹ุงุŸ ุฃูŠ: ุทู„ูŽุจูŽ ู…ู†ู‡ ุฃู†ู’ ูŠุณุชุนู…ู„ูŽู‡ ููŠ ูˆุธูŠูุฉู ุฃูˆ ูˆู„ุงูŠุฉู ูƒู…ุง ุงุณุชุนู…ู„ูŽ ุบูŠุฑูŽู‡ุŒ ูู‚ุงู„ ู„ู‡ ุตู„ู‘ูŽู‰ ุงู„ู„ู‡ู ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู‘ูŽู…ูŽ: ยซุณุชูŽู„ู‚ูŽูˆู† ุจูŽุนู’ุฏููŠ ุฃุซุฑุฉู‹ุŒ ููŽุงุตุจุฑููˆุง ุญุชู‘ูŽู‰ ุชู„ู‚ูŽูˆู’ู†ูŠ ุนู„ู‰ ุงู„ุญูŽูˆุถูยปุŒ ุฃูŠ: ุณุชุฌุฏูˆู†ูŽ ุจูŽุนู’ุฏูŠ ู…ูŽู† ูŠููุถู‘ูู„ู ุนู„ูŠูƒู… ุบูŽูŠุฑูŽูƒู… ููŠ ุงู„ุฃู…ูˆุงู„ู ูˆุบูŠุฑูู‡ุงุŒ ููŽูŠูุนุทููŠู‡ู… ู…ุง ู„ุง ูŠูุนุทููŠูƒู…ุŒ ูˆูŠูŽุณุชุนู…ู„ูู‡ู… ููŠ ุงู„ูˆุธุงุฆูู ูˆุงู„ูˆู„ุงูŠุงุชู ู…ุง ู„ุง ูŠุณุชุนู…ู„ููƒู…ุ› ูุงุตุจุฑููˆุง ุนู„ู‰ ู…ุง ุชู„ู’ู‚ูŽูˆู’ู†ู‡ ููŠ ุงู„ุฏู‘ูู†ูŠุง ุญุชู‘ูŽู‰ ุชู„ู’ู‚ูŽูˆู’ู†ูŠ ุนู„ู‰ ุงู„ุญูˆุถู ููŠ ุงู„ู‚ูŠุงู…ุฉู ุณุงู„ูู…ูŠู†ูŽ ู…ูู†ูŽ ุงู„ุชู‘ูŽู†ุงููุณู ูˆุงู„ุชู‘ูŽุจุงุบูุถู ููŠ ุญูุทุงู…ู ุงู„ุฏู‘ูู†ูŠุงุŒ ูุนู†ุฏู‡ุง ุชููˆูู‘ูŽูˆู†ูŽ ุฃูุฌูˆุฑูƒู… ู…ูู†ูŽ ุงู„ู„ู‡ู ุชุนุงู„ู‰.

๐๐ž๐›๐ข ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ž๐›๐ข ๐‡๐š๐š๐ซ๐ฎ๐ฎ๐งNebi Haaruun wuxuu geeriyooday walaalkiis nebi Muuse hortiis xilligii ay wareerka (tiiha) ku ...
24/10/2024

๐๐ž๐›๐ข ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ž๐›๐ข ๐‡๐š๐š๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ง
Nebi Haaruun wuxuu geeriyooday walaalkiis nebi Muuse hortiis xilligii ay wareerka (tiiha) ku jireen, wey is raaceen waxay aadeen meel godad leh nebi haaruun ayaa geeriyooday kadibna nebi muse wuu aasay.
Nebi Muuse reer benii israaโ€™iil ayuu ku soo noqday wuxuuna u sheegay in walaalkii haaruun uu geeriyooday uuna soo aasay !
Waxay yiraahdeen adiga ayaa dilay waxaadna ogeyd in aan jecelnahay! reer benii israaโ€™iil aad ayey u jeclaayeen nebi haaruun.
Nebi Muuse, Alle ayuu baryey iskuna dulleeyey kadib alle ayaa u waxyooday wuxuuna yiri tag qabriga nebi haaruun waan soo nooleynayaa ee (isaga ayaa markaas u sheegayee) wuu waday qabrigii ayuu dul geeyey wuu u dhawaaqay wuu soo baxay isagoo boorka iyo carada iska jafjafayo, Nebi Muse ayaa suโ€™aal weydiiyey aniga miyaa ku dilay ? wuxuu yiri maya ee si caadi ah ayaan u geeriyooday kadib ayuu ku yiri ku noqo meeshaadi weyna iska soo wada baxeen iyagoo soo qancay.

Xigasho: Tafsiirka Baqawi โ€“ Suuradda Maaโ€™ida.

Talo: Tafaasiirta quraanka hala dhageysto oo wax ha la barto!

Nin reer baadiye ah ayaa iibsaday addoon u ad-adeega, ninkii uu ka iibsanayey ayuu weydiiyey ceebtiisa? Wuxuu yiri ceeb ...
18/10/2024

Nin reer baadiye ah ayaa iibsaday addoon u ad-adeega, ninkii uu ka iibsanayey ayuu weydiiyey ceebtiisa? Wuxuu yiri ceeb ma leh laakiin gogoshuu ku kaadiyaa!
Wuxuu yiri taasi ceeb ma ahan! Haddiiba uu gogol iga helo ha ku kaadiyo
Xogasho: #ุงู„ุนู‚ุฏ ู„ุงุจู† ุนุจุฏ ุฑุจู‡

Ducada oo lagaa aqbali waayi ayaa mar mar dan kuu ah.Ibnu Jowzi ayaa wuxuu yiri nin dadka wanaagsan ka mid ahaa ayaa ALL...
18/10/2024

Ducada oo lagaa aqbali waayi ayaa mar mar dan kuu ah.

Ibnu Jowzi ayaa wuxuu yiri nin dadka wanaagsan ka mid ahaa ayaa ALLE ka baryi jiray in ku daro liiska dadka jidka alle ku jihaada. Muddo badan ayuu ALLE sidaas ka baryey mana uusan arkin wax jihaad ah.
Habeen ayuu seexday isagoo ka muragaysan arrintaas, isagoo hurdo ayaa waxaa uu riyo ku arkay qof ku dhahayo haddii aad jihaado waa lagu qafaalanayaa, haddii lagu qafaashana waan gaalab**baysaa.
Haddaba!
Ducada oo lagaa aqbali waayo ayaa mar mar dan kuu ah ee wixii uu ALLE kuu dooray ku qanac.

Nin reer baadiye ah ayaa neef geel ah qashay, xaaskiisii ayuu ku yiri hooyadey bowdada sii? Waxay tiri bowdada wey hilib...
16/10/2024

Nin reer baadiye ah ayaa neef geel ah qashay, xaaskiisii ayuu ku yiri hooyadey bowdada sii? Waxay tiri bowdada wey hilib badan tahay! Wuxu yiri garabka sii? Waxay tiri garabku wuu hilib macaan yahay ee qoorta sii ? wuxuu yiri qoorta adiga qaado reerkiinana aad wuuna furay.
Run ayuu sheegay ninkii yiri naagta carrabka dheer waxaa gaabta inta ay ninkeeda is qabayaan.

Nin ayaa lagu yiri waxaan aragnay dad ku amaannayo iyo dad ku caayaya mana ogin kuwa runta sheegayo ee waa sidee?Wuxuu y...
16/10/2024

Nin ayaa lagu yiri waxaan aragnay dad ku amaannayo iyo dad ku caayaya mana ogin kuwa runta sheegayo ee waa sidee?
Wuxuu yiri labadooduba run ayey sheegeen!
Kuwa i amaanaya waan wanaajiyey oo karaameeyey sidaas ayey igu ammaaneen, kuwa i caayayana waan iska indha tiray sidaas ayey igu caayeen.

100 Diinnaar ayey nin ka dhacday oo ka dhuntay, dadkii ayuu u dhawaaqay wuxuuna yiri ninkii ii soo helo waxaan siinayaa ...
15/10/2024

100 Diinnaar ayey nin ka dhacday oo ka dhuntay, dadkii ayuu u dhawaaqay wuxuuna yiri ninkii ii soo helo waxaan siinayaa 20 diinaar oo abaal marin ah, nin ayaa helay oo la soo aaday wuxuuna ku yiri waa tanaa 100kii diinaar ee isii 20kii diinaar ee aad ballan qaadday! Wuxuu yiri lacagta iga dhacday waxay aheyd 120 diinaar ee 20kaaga qaado ee 100keyga isii!.
Wey isku qabsadeen waxay isula tageen qaalliga Fudaalata bin Cubayd.
Qaalligii wuxuu ku yiri ninkii ay lacagta ka dhuntay saw lacagtaadu ma aheyn 120 diinaar sidaa aad hadda sheeganaysid? Wuxuu yiri haa!
Kii kale wuxuu ku yiri adiga lacagta aad heshay waa 100 diinaar saw ma ahan ? wuxuu yiri haa !
Wuxuu yiri hay oo ha siinin ma ahan lacagtiisii illaa aad ka hesho nin ay ka dhacday oo ka dhuntay 100 diinaar.

Xigasho: Kitaabka Siyar Aclaam โ€“ Annubalaa ee Dahabi

Albaabada kaa xiran haddaad ogaan laheyd waxa gadaashooda ah Alle ayaad in badan ku shukrin laheyd in ay kaa xirnaadaan ...
12/10/2024

Albaabada kaa xiran haddaad ogaan laheyd waxa gadaashooda ah Alle ayaad in badan ku shukrin laheyd in ay kaa xirnaadaan oo aysan kuu furmin darteed.
Haddaba ninkaan wuxuu la xarbinayaa albaab ka xiran, waxaa albaabka gadaashiisa taagan libaax haddii uu u furmo libaaxaas ayaa cunaya laakiin Alle ayaa ka hor taagan.

Afarta madhab ee waaweyn ee Islaamka waa kuwan hoos ku xusan:1. Madhabka Xanafiyada (Madhabka Abuu Xaniifa)Madhabkan wax...
12/10/2024

Afarta madhab ee waaweyn ee Islaamka waa kuwan hoos ku xusan:
1. Madhabka Xanafiyada (Madhabka Abuu Xaniifa)
Madhabkan waxaa aasaasay Imaam Abuu Xaniifa Nu'maan ibn Thaabit. Waa madhabka ugu faafitaanka badan dunida Muslimka, gaar ahaan wadamada sida Turkiga, Pakistan, Bangladesh, iyo qeybo badan oo ka mid ah Bariga Dhexe.
2. Madhabka Maalikiyada (Madhabka Imaam Maalik)
Madhabkan waxaa aasaasay Imaam Maalik ibn Anas. Waa mid si weyn loogu dhaqmo gobolada Waqooyiga Afrika, sida Morocco, Algeria, Tunisia, iyo qeybo ka mid ah Afrika galbeed.
3. Madhabka Shaaficiyada (Madhabka Imaam Shaafici)
Waxaa aasaasay Imaam Maxamed ibn Idriis Ash-Shaafici. Madhabkan waxaa laga isticmaalaa guud ahaan Malasiya, Indonisiya, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, iyo qeybo ka mid ah Masar iyo Yemen.
4. Madhabka Xanbaliyada (Madhabka Imaam Axmed ibn Xanbal)
Waxaa aasaasay Imaam Axmed ibn Xanbal. Waxaa si gaar ah looga isticmaalaa Sucuudiga iyo wadamo kale oo ka tirsan Khaliijka Carabta.
Madhab walba waxay leedahay faham u gaar ah oo ku saabsan sida loo adeegsado Qur'aanka iyo Sunnada si loo helo xeerarka shareecada.

Siddeed arrimood oo aan laga fakan karin inay ku dhacaan qofka noloshiisa: - 1. Farxad2. Walbahaar ama murugo  3. Wadaji...
03/10/2024

Siddeed arrimood oo aan laga fakan karin inay ku dhacaan qofka noloshiisa: -
1. Farxad
2. Walbahaar ama murugo
3. Wadajir
4. Kala tag
5. Fudayd
6. Culeys
7. Xanuun ama Jirro
8. Caafimaad

Xaasasow ka ducaysta nimankiina aad is jeceshihiin!Waxaa la wariyay in Ummu Salama (Alle ha ka raalli noqdee) ay u soo j...
02/10/2024

Xaasasow ka ducaysta nimankiina aad is jeceshihiin!
Waxaa la wariyay in Ummu Salama (Alle ha ka raalli noqdee) ay u soo jeedisay ninkeeda ballan ah in uusan guursan haddii ay dhimato iyadana aysan guursan haddii uu dhinto.
Wuxuu yiri ma i adheecaysaa? Waxay tiri haa! wuxuu yiri haddii aan hortaa dhinto guurso! Wuxuuna yiri Allow umu salama ku irsaaq qof aniga iga wanaagsan kaasoo aan murugeynin aana dhibin, Markuu dhintay waxaa guursaday Nabiga sallalaahu calayhi wasallam.
Xigasho: ๐Ÿ“‘ ุณูŠุฑ ุฃูŽุนู„ุงู…โฉ ุงู„ู†ุจู„ุงุก ูข/ูขู ูฃ
Xaasasow ka ducaysta nimankiina aad is jeceshihiin!

Qaado talada reer baadiyaha!nin reer guuraa ah oo da' weyn ah ayaa la weydiiyay:"Sideed tahay maanta?"Markaasuu ku jawaa...
02/10/2024

Qaado talada reer baadiyaha!
nin reer guuraa ah oo da' weyn ah ayaa la weydiiyay:
"Sideed tahay maanta?"
Markaasuu ku jawaabay: "Laba wanaagsan ayaa iga tagay, waxaana ii haray laba xun!"
Way weydiiyeen: "Maxay yihiin labada wanaagsan?" Wuxuu ku jawaabay: "Cuntada iyo Galmada."
Markaasay yiraahdeen: "Maxay yihiin labada xun?" Wuxuu ku jawaabay: "Hergab iyo Dhuuso."
Wuxuuna yiri "Ka faa'iidaysta labada wanaagsan (cunista iyo galmada) ka hor inta aysan idin soo weerarin labada xun!" Hergebka iyo dhuusada.

Address

Mogadishu

Telephone

+252615500700

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sheekh Muuse Xasan Kadle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Place Of Worship

Send a message to Sheekh Muuse Xasan Kadle:

Share