Al-Dacwah Art

Al-Dacwah Art Al-Dacwah Art wa bar logu talagalay in Dacwada lagu faafiyo iyo muxaadaraadka qaab farshaxan eh Art

04/04/2024

Walaalkeyga iyo Walaasheyda Muslimada ah Ma la socotaa in 30kan qodob Nabi Muxamed csw Kuu diiday inaadan Mar dambe Sameeynin Marka Laguu Sheego Wixii Ka dambeeyo Waajib tahay in Aad Ka fogaato:

1: Nabi Muxamed Waxaa Uu Kaaga digayaa inaad Raashiin Cunto Adigoo janaabo qabo janaabadas Hakaaga timaado galmo Xalaal ah Oo adiga iyo Zowjadada idiin dhax martay ama Hakaaga timaado gacan Ama Riyo Dhamaan Adigoon Ka qubeysan Ha isku taaban Raashiin
Sababtu Waxeey tahay Waxeey Ku dhaxal siineysaa faqiirtinimo iyo Saboolnimo

2: Waxaa Kale Oo Lagaaga digayaa inaad Ku dul Kaadiso Geed Miro Leh Amaba Aad Wadada Dad Weeynaha Adeegsado Ku dhax kaadiso Waa Akhlaaq Xumo Meeshii Ugu dambeeysay

3: Lama Ogolo inaad bidixdaada Ku Cunto Sido Kale Waxaa ayadane Mamnuuc ah inaad Jiif Ama Sateecsi Wax Ku Cunto iska jir Caafimad ahaan Ma Wanaagsano

4: Dumarka Looma Ogola in ay Janaazada Meydka Raacaan
5: Nabiga Waxaa Uu Kaaga digayaa Sawirada Maxaa yeelay berri Qiyaamaha Waxaa Lagu Oranayaa Ruux Ku afuuf inteed Ruux Ka keeni

6: Waxaa La Ogoleen in Ruux Dab lagu gubo ilaa Uu Ka dhinto Ha ahaado Beni Aadam Ama Xayawaan Labadaba Lama Ogolo

7: Waxaa Uu Kalo Ka digay Nabiga in Diinta La Caayo Allah Wax Laga sheego Ama Nabiga Ama guud ahaan Diinta islamka

8: Waxaa Laguu diiday inaad Ku Cawo Barido Meelaha Qashinka lagu daadiyo Maxaa yeelay Waa Goob ay Shayaadiintu Ku Caweeyaan

9: Waxaan La Ogoleen Gabadha Muslimada Xaaska ah ineeysan Ka bixin gurigeed ayadoon Ka idin qaadan Zowjkeeda Haddii ay baxdo Fasax la' aan Waxaa lacnad Ku riday makhluuq samada Saaran iyo Waxa Makhluuq dhulka saaran Xitaa geedaha iyo jinka ayaa lacnaday ilaa ay guriga Ku laabato

10: Gabadha Xaaska ah Lama Ogolo in ay isku qurxiso Waxaan Ninkeeda aheeyn Kaliya Asiga ayeey isku Qurxin Kartaa

11: Waxaa Kale Uu Nabiga Kaa reebayaa inaad Dadka Kale Xamato Ama Qof La Xamanaya dhageysato

12: Waxaa Kale Oo laguu Ogoleen inaad Dadka isku dirto Ama dhageysato " لا يدخل الحنة النمام"

13: Weelasha Ka Sameysan Dahabka iyo Qalinka Nabiga Waa diiday in Wax lagu Cuno ama lagu Cabo

14: Waxaa Kale Oo Rasuulka diiday khamrada in la cabo la iibiyo la beero laga ganacsado qofka khamrada ballan iyo marqaati ma galo

15: Waxaa Sido kale lacnad dusha looga tuuray Kuwa Ribada cuna Marqaati beenaa lah

16: Waxaa Kale Uu Rasuulka csw diiday in Xayawaanada Wajiga laga garaaco

17: Waxaa Kale Uu Nabiga diiday Qofka muslimka ah in Uu fiiriyo walaalkiisa kale Cowradiis

18: Gabadha muslimada ah ma banaano in ay daawato cowrada Walaasheed kale Ee muslimada ah

19: Lama Ogolo inaad afuuftid Raashiinka Ku hor yaallo Ama biyo Wax Kaaga dhaceen Kaliya Sug inta raashiinka Kaaga qaboobo Ama Biyaha iska saar Waxa Kaaga dhacay
Mar Ha Afuufin goobta Aad Sujuuda dhigeysid Markaad Salaada Ku jirtid.

20: Waxaa la diiday in Qofka Ku dukado Xerada geela Kacbad Korkeed jidadka Waayen iyo Waadiyaasha biyo mareenka ah

21: Nabiga ma Ogoleen in shinnada la dilo
22: Waxaa Mamnuuc ah in Allah Wax aan aheeyn lagu dhaarto Ma banaano inaad Ku dhaarato Hooyada ama Aabahaa
وقال: " من حلف بغير الله فليس من الله في شيء."

23: Waxaa aydane Xaaram ah in La Hadlo Maalinta Jimcada ayado Khudbada Imaamka Socoto Qofka Ku dhax hadlo Maalintaa jimco Uma jirto.

24: Lama Ogolo in Salaad La dukado Marka Qorraxda Soo baxeyso ilaa ay ka soo Kor noqoto Waran Cabirkiisa in la eg.

25: Waxaa Kale uu Nabiga Diiday in Lix maalmood La soomo Waxaa Ka mid ah Maalinta Ciida fidriga , Maalinta Shaki Ka jiro dhalashada bisha , Maalinta Ciida Al-Adhxa iyo Sadaxda Maalin Ee Loo yaqaano
' ayaamu tashriiq "

26 Lama Ogolo in Xusulada Wax Lagu Cabo Waxaa Ka Fiican Inaad Labadaada gacmood Wax Ku Cunto Haddaad Awood U leedahay.

27: Waxa Kale Oo banaaneyn inaad Ruux Shaqaaleysiiso Adigoon U sheegin Waxa Uu Ku shaqeeynay Qarash ahaan

28: Waxaa Kale Oo Nabiga diiday Ragga in ay Saraawiishood Dhaafiyaan Canqawga hoostiisa Waxaa Ku soo aroortay Waciid Shadiid ah

29: Nabiga Waxaa Kale Uu lacnaday Ragga Dumarka isku Shabaha iyo Dumarka Ragga isku Shabaha Sido kale lama Ogolo inaad istaag biyo Ku Cabto Ama Ku dhex Neefsato Koobka biyaha Ku Cabeysid.

30: Ugu dambeeyn Nabiga Waxaa Uu Diiday in Ma'muumiinta Imaamka Gadaashiisa istaagan aygoo taagan imaamkiina fadhiyo.
وصدق الرسول الكريم حينا قال: { بلغو عنى ولو اية } :
Waan Ku Soo gaarsii Adigane gaarsii Walaalahaa Kale Ajar Aan Ka dhamaan doonin ilaa Markaad Dhimato ka dib Kuu Soconaya.
Markad dhameyso aqriska Allah Ka bari in Uu Calaamo Kulul Oo dag dag ah Ka Soo Muujiyo Kuwa Nabiga Aflagaadeeyo Ee gaalada ah.

Imaamka Masjid Al-Xaram, Shaykh Abdur Rahman Al Sudeysi  ayaa soo jeediyay qaacido aad u wanaagsan oo aad kaga faaideysa...
31/03/2024

Imaamka Masjid Al-Xaram, Shaykh Abdur Rahman Al Sudeysi ayaa soo jeediyay qaacido aad u wanaagsan oo aad kaga faaideysan karta tobanka dambe ee Ramadaan maadama ay ku jirta leylatul qadriga

1. Ku deeq hal dollar (ama ka badan) habeen kasta, haddii ay habeenkaa ku beeganto Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar la eg 84 sano oo sadaqa ama Kun bilood! adiga oo sadaqeysayay.

2. Tuko laba rakcadood Ama ka badan oo sunno ah habeen kasta, haddii ay habeenkaa ku beeganto badhtamaha Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar ah in aad laba rakcadood oo sunno ah habeen kasta tukato ilaa 84 sano.

3. Akhri suuradda Ikhlaas habeen kasta saddex jeer, haddii ay habeenka ku beeganto badhtamaha Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar ah in aad dhameysay Qur’aan ka karimka maalin kasta 84 sano.

Waxa kale oo uu yidhi dadka ku faafi hadalladan, kuwii hadalkaaga dhegaysan doona ee camal fala, idinkuna waxaad heli doontaan ajar la mid ah camalkooda, inshaa allaah. Maxaa yeelay Rasuulku (scw) wuxuu yidhi: “Qofkii hanuuniyo camal wanaagsan wuxuu helayaa ajar la mid ah kan camal fala, laakiin wax la’aani maayo ajarkiisa”. (Muslim, 2674)

Alle ha ina waafajiyo dhammaan camalka aan qabanno.
Aamiin.🥀🤲❤️

08/07/2022

KHUDBADII KHUDBOOYINKA: Khudbadii u dambaysay ee uu Nabi Muxamed (NNKH) ka jeediyay Banka Carafa sagaalkii (9) bisha xurmaysan ee Eebbe ee Dul Xijah.

Sanadkii tobnaad (10) ee Hijriyada ayay ahayd markii uu Rasuulkeennii suubbanaa (NNKH) uu aadamiga oo dhan uu jeediyay khudbad ay mudan tahay in qof walba muslim ah ama aan muslim ahaynba ay akhriyaan. Waxay ahayd xajkiisii ugu horeeyay uguna dambeeyay ee rasuulku soo guto. Waxaynu oghayay in Nabi Muxamed (NNKH) uu afar jeer soo cumraystay, ha yeeshee uu hal mar kaliya soo gutay waajibaadka xajka.

Khudbadii uu Rasuulku maalintaas jeediyay waxay ahayd, fatriin muhiim ah oo ay waajib tahay in qof walba oo muslim ah oo ugu yaraan hal mar akhriyo kalmadihii uu Rasuulku maalintaas sheegay. Waxaad halkan hoose ka heli doontaa khudbadii oo uu qof walaalaha ka mid ihi Af Soomaali u tarjumay - Eebbe abaal tiro badan ha ka siiyee.

FADLAN MARKII AAD AKHRISO SII GUDBI.

'' Dadyohow i dhegaysta, ma garanayo in sanadkaan ka dib aan mar dambe halkaan soo istaagi doono. Sidaa daraaddeed si fiican u dhegaysta warka aan idiin sheegayo, una sii gudbiya kuwa aysan u suurto galin inay halkaan nala joogaan.

Meeshaan barakaysan, maalintaan barakaysan iyo bishaan barakaysan darteed, xasuusnaada in aad dhabtii abuurihiinna (rabbi) la kulmi doontaan, camalladiinnana laydinka xisaabin doono, haddaba digtoonaada. Dadyohow dhiiggiina iyo maalkiinnu, waa idinka xaaraansan yahay. Midkii idinka mid ah ee ammaano haya, ha u celiyo qofkii iska lahaa. Ribbo (Dulsaar) dhammaanteed waa mamnuuc, ha yeeshee faa’iidadiinna idinkaa iska leh.

Qofna ha dulmiyin adigna laguma dulmin doonee. Ha iska aargoosanina, Dhiiggii aad iska daadiseen waqtigii jaahilyadda.Dadyohow iska ilaaliya shaydaanka, wuxuu isku dayi doonaa in uu idinku khaldo waxyaalo yar yar, uga digtoonaada shaydaanka diintiina darteed.

Raggoow ogaada in dumarkiinu xaq idinku leeeyihiin, idinkuna aad iyaga xaq ku leedihiin. Xasuunow in aad ku guursatay, Ogolaanshaha ilaahay iyo rumaysnaantiisa. Haweenkiinu waxay xaq idiinku leeyihiin, inaad si naxariisleh u quudisaan uguna labistaan. Ula dhaqan marwadaada si wanaagsan oo naxariis leh, sababtoo ah waa lammaanaagii nolosha iyo mid mar walba ku caawin doonta.Dadyohoow si wanaagsan ii dhagaysta.

Caabud Allah (SWT) oo kaliya, si joogta ah u tuko shantaada salaaddood, Soon bisha barakaysan ee soonqaad, ka bixi hantidaadda sakada, soo gudo waajibaadka xajka hadii aad awoodid.

Bini Aadamka oo dhammi waxay ka yimaadeen Aadam iyo Xaawo, Carabtu k**a sarayso kuwa aan carabta ahayn, kuwan aan carabta ahayna k**a sareeyaan carabta. Dadka Caddaanka ahi k**a sareeyaan kuwa Madoow, Dadka madoowga ahina k**a sareeyaan kuwa cad. kaliya waxaa lagu kala sareeyaa waa camaladiina.

Ogaada Muslimiinta oo dhammi waa walaalo, IslaamniMaduna waxay ku dhisantahay walaaltinimo.

Dadyohoow Ogaada ma jiro Rasuul ama Nabi aniga gadaashayda imaan doona, sidaa daraadeed si fiican u dhuuxa warkayga, waxaan idiinka tegay laba waxyaalood oo kala ah, Quraanka iyo Sunnadayda. haddii aad labbadas ku dheganaataan waligiin lumi maysaan. Intiinnna i dhegaysanaysaay warkayga u sii gudbiya inta aan nala joogin, waxaa laga yaabaa kuwa warkaygu gaaro inay ka fahmi ogyihiin kuwa toos u dhagaysanaya.

Intaas kadib Rasuulka ( NNKH ) wuxuu khudbadiisii raaciyay Aayaad Quraan ah oo markas toos ugu soo degay oo ay ka mid ahayd:

(الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا

“Maanta ayaan idiin dhamaystiray diintiinna, waxaanan ku ebyay korkiina barwaaqadayda, Islaamka ayaanan diin ahaan idiin oggolaaday.”

Ugu dambayna gabagabadii khudbadiisa ayuu Rasuulkeenii Suubannaa (NNKH) isagoo codka kor u qaadaya wuxuu yiri ''Eebboow ka markhaati noqo in aan fariintaadii u gudbiyay dadkaaga.

Maalintaan Carafa ee barakaysan darteed, la wadaag qoraalkaan asxaabtaada kale, dhammaanteenna aynu is cafino.

~Adam Aw Xirsi.

07/07/2022

maalinta jumcada oo ku beegan maalinta carafo soonkeeda yaan la moogaanin 2 sano danbiyadooda ayaa lagu dhaafaa.
kaligeedna waa la soomi karaa waayo sabab ayay leedahey oo waa carafo nimada.
carafo labo ma ah ee waa hal maalin.
تقبل الله منا ومنكم صالح الاعمال.

26/06/2022
Walaalkeyga iyo Walaasheyda Muslimada ah Ma la socotaa in 30kan qodob Nabi Muxamed csw  Kuu diiday inaadan Mar dambe Sam...
25/06/2022

Walaalkeyga iyo Walaasheyda Muslimada ah Ma la socotaa in 30kan qodob Nabi Muxamed csw Kuu diiday inaadan Mar dambe Sameeynin Marka Laguu Sheego Wixii Ka dambeeyo Waajib tahay in Aad Ka fogaato:

1: Nabi Muxamed Waxaa Uu Kaaga digayaa inaad Raashiin Cunto Adigoo janaabo qabo janaabadas Hakaaga timaado galmo Xalaal ah Oo adiga iyo Zowjadada idiin dhax martay ama Hakaaga timaado gacan Ama Riyo Dhamaan Adigoon Ka qubeysan Ha isku taaban Raashiin
Sababtu Waxeey tahay Waxeey Ku dhaxal siineysaa faqiirtinimo iyo Saboolnimo

2: Waxaa Kale Oo Lagaaga digayaa inaad Ku dul Kaadiso Geed Miro Leh Amaba Aad Wadada Dad Weeynaha Adeegsado Ku dhax kaadiso Waa Akhlaaq Xumo Meeshii Ugu dambeeysay

3: Lama Ogolo inaad bidixdaada Ku Cunto Sido Kale Waxaa ayadane Mamnuuc ah inaad Jiif Ama Sateecsi Wax Ku Cunto iska jir Caafimad ahaan Ma Wanaagsano

4: Dumarka Looma Ogola in ay Janaazada Meydka Raacaan
5: Nabiga Waxaa Uu Kaaga digayaa Sawirada Maxaa yeelay berri Qiyaamaha Waxaa Lagu Oranayaa Ruux Ku afuuf inteed Ruux Ka keeni

6: Waxaa La Ogoleen in Ruux Dab lagu gubo ilaa Uu Ka dhinto Ha ahaado Beni Aadam Ama Xayawaan Labadaba Lama Ogolo

7: Waxaa Uu Kalo Ka digay Nabiga in Diinta La Caayo Allah Wax Laga sheego Ama Nabiga Ama guud ahaan Diinta islamka

8: Waxaa Laguu diiday inaad Ku Cawo Barido Meelaha Qashinka lagu daadiyo Maxaa yeelay Waa Goob ay Shayaadiintu Ku Caweeyaan

9: Waxaan La Ogoleen Gabadha Muslimada Xaaska ah ineeysan Ka bixin gurigeed ayadoon Ka idin qaadan Zowjkeeda Haddii ay baxdo Fasax la' aan Waxaa lacnad Ku riday makhluuq samada Saaran iyo Waxa Makhluuq dhulka saaran Xitaa geedaha iyo jinka ayaa lacnaday ilaa ay guriga Ku laabato

10: Gabadha Xaaska ah Lama Ogolo in ay isku qurxiso Waxaan Ninkeeda aheeyn Kaliya Asiga ayeey isku Qurxin Kartaa

11: Waxaa Kale Uu Nabiga Kaa reebayaa inaad Dadka Kale Xamato Ama Qof La Xamanaya dhageysato

12: Waxaa Kale Oo laguu Ogoleen inaad Dadka isku dirto Ama dhageysato " لا يدخل الحنة النمام"

13: Weelasha Ka Sameysan Dahabka iyo Qalinka Nabiga Waa diiday in Wax lagu Cuno ama lagu Cabo

14: Waxaa Kale Oo Rasuulka diiday khamrada in la cabo la iibiyo la beero laga ganacsado qofka khamrada ballan iyo marqaati ma galo

15: Waxaa Sido kale lacnad dusha looga tuuray Kuwa Ribada cuna Marqaati beenaa lah

16: Waxaa Kale Uu Rasuulka csw diiday in Xayawaanada Wajiga laga garaaco

17: Waxaa Kale Uu Nabiga diiday Qofka muslimka ah in Uu fiiriyo walaalkiisa kale Cowradiis

18: Gabadha muslimada ah ma banaano in ay daawato cowrada Walaasheed kale Ee muslimada ah

19: Lama Ogolo inaad afuuftid Raashiinka Ku hor yaallo Ama biyo Wax Kaaga dhaceen Kaliya Sug inta raashiinka Kaaga qaboobo Ama Biyaha iska saar Waxa Kaaga dhacay
Mar Ha Afuufin goobta Aad Sujuuda dhigeysid Markaad Salaada Ku jirtid.

20: Waxaa la diiday in Qofka Ku dukado Xerada geela Kacbad Korkeed jidadka Waayen iyo Waadiyaasha biyo mareenka ah

21: Nabiga ma Ogoleen in shinnada la dilo
22: Waxaa Mamnuuc ah in Allah Wax aan aheeyn lagu dhaarto Ma banaano inaad Ku dhaarato Hooyada ama Aabahaa
وقال: " من حلف بغير الله فليس من الله في شيء."

23: Waxaa aydane Xaaram ah in La Hadlo Maalinta Jimcada ayado Khudbada Imaamka Socoto Qofka Ku dhax hadlo Maalintaa jimco Uma jirto.

24: Lama Ogolo in Salaad La dukado Marka Qorraxda Soo baxeyso ilaa ay ka soo Kor noqoto Waran Cabirkiisa in la eg.

25: Waxaa Kale uu Nabiga Diiday in Lix maalmood La soomo Waxaa Ka mid ah Maalinta Ciida fidriga , Maalinta Shaki Ka jiro dhalashada bisha , Maalinta Ciida Al-Adhxa iyo Sadaxda Maalin Ee Loo yaqaano
' ayaamu tashriiq "

26 Lama Ogolo in Xusulada Wax Lagu Cabo Waxaa Ka Fiican Inaad Labadaada gacmood Wax Ku Cunto Haddaad Awood U leedahay.

27: Waxa Kale Oo banaaneyn inaad Ruux Shaqaaleysiiso Adigoon U sheegin Waxa Uu Ku shaqeeynay Qarash ahaan

28: Waxaa Kale Oo Nabiga diiday Ragga in ay Saraawiishood Dhaafiyaan Canqawga hoostiisa Waxaa Ku soo aroortay Waciid Shadiid ah

29: Nabiga Waxaa Kale Uu lacnaday Ragga Dumarka isku Shabaha iyo Dumarka Ragga isku Shabaha Sido kale lama Ogolo inaad iataag biyo Ku Cabto Ama Ku dhex Neefsato Koobka biyaha Ku Cabeysid.

30: Ugu dambeeyn Nabiga Waxaa Uu Diiday in Ma'muumiinta Imaamka Gadaashiisa istaagan aygoo taagan imaamkiina fadhiyo.
وصدق الرسول الكريم حينا قال: { بلغو عنى ولو اية } :
Waan Ku Soo gaarsii Adigane gaarsii Walaalahaa Kale Ajar Aan Ka dhamaan doonin ilaa Markaad Dhimato ka dib Kuu Soconaya.
Markad dhameyso aqriska Allah Ka bari in Uu Calaamo Kulul Oo dag dag ah Ka Soo Muujiyo Kuwa Nabiga Aflagaadeeyo Ee gaalada ah.

Xigasho ;- Saciid osman

Webiga Furaat ayaa bilaabey inuu gudho waxaana dhawaan bilaaban doonta in buurtii Dahabka ahayd ee Rasuulku Sallallaahu ...
25/05/2022

Webiga Furaat ayaa bilaabey inuu gudho waxaana dhawaan bilaaban doonta in buurtii Dahabka ahayd ee Rasuulku Sallallaahu Calayhi Wasallam uu sheegy ay soo baxdo.

Buurta dahabka ah ee webigan kolkuu gudho soo baxaysa waa la isku layn doonaa Rasuulkeenu Sallallaahu Calayhi Wasallam wuxuu dardaarmey in qofka soo gaadha inuusan buurtaas Dahabka ah waxba ka qaadan.

Sidoo kale wuxuu Suubanuhu Sallallaahu Calayhi Wasallam noo sii sheegey sida loogu dagaalami doono, "Qiyaamadu dhici mayso ilaa webiga furaat uu gudho oo buur Dahab ahi ay ka soo dhex baxdo, Dadkuna ay isku dilaan, boqolkii qofba 99 ka mid ah ayaa la dili doonaa ninkasta wuxuu is odhan waxaa laga yaabaa inaan noqdo ninka badbaadaya" (ee Boqolaad).

Aduun xaaalkiisu waa kaas.

Xigasho: Mustafe

14/03/2022

Wakhtiga ay bilaabmayso iyo wakhtiga ay dhamanayso Ramadaan.🌙

1st Ramadan, 3 April,
2nd Ramadan, 4 April,
3rd Ramadan, 5 April,
4th Ramadan, 6 April,
5th Ramadan, 7 April,
6th Ramadan, 8 April,
7th Ramadan, 9 April,
8th Ramadan, 10 April,
9th Ramadan, 11 April,
10th Ramadan, 12 April,
11th Ramadan, 13 April,
12th Ramadan, 14 April,
13th Ramadan, 15 April,
14th Ramadan, 16 April,
15th Ramadan, 17 April,
16th Ramadan, 18 April,
17th Ramadan, 19 April,
18th Ramadan, 20 April,
19th Ramadan, 21 April,
20th Ramadan, 22 April,
21th Ramadan, 23 April,
22th Ramadan, 24 April,
23th Ramadan, 25 April,
24th Ramadan, 26 April,
25th Ramadan, 27 April,
26th Ramadan, 28 April,
27th Ramadan, 29 April,
28th Ramadan, 30 April,
29th Ramadan, 081 May
30th Ramadan, 02 May.

Alle swt dhamaanteen nabad ha inagu gaadhsiiyo.📝❤️🤲

Caalamadaha Aad ku garan karto khaatumada wanaagsan waxaa ka mid ah.Calamada 1aad, ;  Qofka muslimka ah in Uu geeriyoodo...
06/03/2022

Caalamadaha Aad ku garan karto khaatumada wanaagsan waxaa ka mid ah.

Calamada 1aad, ; Qofka muslimka ah in Uu geeriyoodo isagoo dhabanada ka dhididayo Rasuulka csw waxa uu yiri:
[موت المؤمن بعرق الجبين].

Calamada 2aad, ; Qofka in Uu ruux baxo habeen jumca ah ama maalin jumca ah Rasuulka csw waxa uu yiri; "Qof muslim ah majiro Oo geeriyoda maalin jumca ah ama habeen jumca ah hadduu jiro ilaahey waxa uu ka bad baadiya cadaabul qabri
[ ما من مسلم يموت يوم الجمعة او ليلة
الجمعة الا وقاه الله من فتنة القبر].

Calamada 3aad, ; Kalmada towxiidka in Uu ku dhawaaqo ka hor inta uusan geeriyoonin.
Rasuulka csw waxa uu yiri
[من كان ءاخر كلامه من الدنيا لا اله الاالله دخل الجنة].

Calamada 4aad, ; in uu shahiid ahaado shahiidka kaliya ma aha in uu jihaad kaliya ku dhintay Rasuulka csw ayaa yiri qofka gubtay qofka biyo ku maashooday qofka daacuun u dhintay qof naftiisa iyo sharafkiisa difaacaya Oo sidaa ku dhintay, dhamaan waa shuhado.

Calamada 5aad, ; in Uu geeriyooda qofka isagoo salaad ku jira ama isagoo Sooman ama muxaadaro diini ah U socda.

Rasuulka csw ayaa yiri markuu alla qofka kheyr la doona qalbigiisa ayuu dhaahiriyaa geeridiisa ka hor " zaxaabadii ayaaa ku yiri rasuulkii allow waa maxay qalbi daahirinta..?
Rasuulka csw waxa uu ugu jawaabay ; camal wanagsan ayuu alla qofka ku il haaminaa ilaa uu ruuxda ka qabto.

Markaad dhameyso aqriska waxaad qortaa ducadaan si qalbi wanag ah
(اللهم أرزقني حسن الخاتمة) ءامين
Dadka kaa danbeeya la wadaag si ay uga faa,ideystan.

01/02/2022

Allah ku siyaadiyo qabiyadena jacayl Nabiga Nabadgalyo iyo Naxaris korkisa ha ahaate

18/12/2021

Amen

13/12/2021

𝗗𝗨𝗠𝗔𝗥𝗞𝗨 𝗪𝗔𝗔 𝟯𝗗𝗗𝗘𝗫
Dumarka Maanta Nooli Qaybteey Ubadan Yihiin? Sh Xuseen Cali Xafidahullah.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al-Dacwah Art posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share