22/04/2023
وَٱسْتَعِينُواْ بِٱلصَّبْرِ وَٱلصَّلَوٰةِ ۚ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلَّا عَلَى ٱلْخَٰشِعِينَ.
#"Kaashada samir iyo salaad; salaadduna way ku culus tahay addoomaha kuwa khushuuca mooyaane"
waa adduunyo oo waa hoyga falashada ee ma ahan hoyga hanashada, waa hoyga imtixaanka ee ma ahan ka abaalmarinta. uu Alle mariyo addoomihiisa waxa ka mid ah; in uu ku rido masiibooyin. aynu jeclayn oo aynu waynaa waa masiibo, hanti la'aantu waa masiibo, deriska xun, lammaanaha liita iyo maamulaha dulmi falaha ahina waa masiibooyin.
adkeysta wuu ku guulaystaa imtixaanka, ka caroodaana wuu ku dhacaa.
Majiro qof ka badbaadaya hadimooyinka adduunka, xitaa nabiyada ayaa ugu imtixaan badnaa.
waxa soo weriyaan; Dulqarnayn Ayaa aad u bukooday mar uu tagay magaalada Baabila. "Nin weyni wadkii wuu yaqaanaa ee wuxuu garwaaqsaday in ay is hurran yihiin wadkii".
ayuu xasuustay oo uu doonayaa in uu niyadda u dhiso.
weyn ayuu u diray, waxa uuna kula dardaarmay; "Hooyo, marka aan dhinto gawrac wankan, hilbihiisana kari, keddibna ugu yeer qof aan weligii balaayo ku habsaamin ama aan waayin qof uu jeclaa".
Ammintii uu Alle oofsaday, Hooyadii wiilkeedii ayay u fulisay dardaarankiisii, balse waxaa fajiciso ku noqotay in aanu qofna u iman; waayo lama helayo guri ka badbaaday balaayo. Hooyadii way fahantay dbambaalkii wiilkeeda, ayada oo u ducaynaysana waxa ay tiri; "Alle hakuu naxariisti, waad ii samafashay if iyo aakhiraba'e."
Qore/Qalinle Haaji Abdi.....
Buugga; Dhambaalka Qur'aanka.
Boggaga; 15 iyo 16.
Walaal hadii aad soo gaartey ilaa dhamaadka igula sali xabiibkeena muxamed scw scw scw.