Fidinta kheirka.

Fidinta kheirka. walalyal hadafkenu waa istusida kheirka.

26/12/2025

Kulan aqoon kororsi daartaa oo noso idlaaday.

Dhammantina salan sare.



Diinta aan haysano maanta iyo dhaqanka suuban  waxaa asal u ahaa culimada Dhariiqada suufiyada waana hooyada culimada,ca...
21/07/2024

Diinta aan haysano maanta iyo dhaqanka suuban waxaa asal u ahaa culimada Dhariiqada suufiyada waana hooyada culimada,caalim kastoo wayn cilmiga wuxuu kasoo cabay isha culimada suufida.

Taa Waxaa dheer in ay culimada suufida ku asteysan yihiin xalaal quudad aan xaaraanta shaqo kulahayn,hanti agoon iyo mid masaakiin aan quudin awlaadooda,ma ahayn kuwa lug kulahaa hurinta colaadaha iyo kumilanka qabyaaladda.

Waxaan xasuusataa marka laga reebo abtiyaasheey oo qaadiriya ubadnaa iyo adeeradeey oo axmadiya ubadan,anigana aan inbadan waqtigayga kusoo qaatay Xertii cabdalla iyo cawareer xamar xariryaale ama geed jacayl inta aan jaamacadda aadin,haddana mar walbo aan daawado xadrada soo xasuustaa jawi nabadeed iyo kalgacal ay bulshada isku qabeen berisamaadkii intaan duul qariban oo sirdoono dhambaalo usoo dhiibay nagu kalagayn sunta isnacayb iyo khilaafaadka si ay ubanaystaan dhiiga xurmada leh ee muslimiinta.

Culimada sharafta lahaa ee xalaal quudadka ayuu haldoor u ahaa Alle ha janeeyee Sheekha wayn ee Sh.Cusman xidig,haddana iyadoo lagu guda jiro munaasabadda duugistiisa in lagu xadgubo waa wax ka dhashay maangaabnimo,jahli iyo garaad sabool ka ah dhaqanka suuban ee diintayna xaniifka ah.

Kutubada tiro beelka ah ee uu alifay sheekha ee waxtarka uleh umadda waan aragnay ee kurayga hadlay majiraan hal kitaab uu alifay si ay umadda kaga faaโ€™idaysato.

Kuwa soo aqristay kutubada yaryar ee aan fahamka ka haysan usuusha diinta iyo fiqigeedaba ee seef laboodka ah maaha kuwa ku cusub jismiga umadda muslimka ah oo waa soo jireen ah qaarkoodana ay gacan ku dhiigleyaal noqdeen ugu dambayn.

Qofka fahmi waayey alifbeetada diinta ee nabiga yiri abuu-jahal oo aabaha gaalada ahaa markuu dhintay โ€œha caayina maydka abuu jahala waayo waxay dhibaysaa qofka nool oo wiilkiisii cikrama ahaaโ€,bal suurayso caalim qiimihiisa bulshada dhexdeeda intaa la eg ninka isagoo geeriyooday ku gabood falay.

Xitaa haddaan dhihi laheyn ardayda sheekha dood diini ah hala gasho, ma uqalmaa in dood lala galo qof fahmi waayey qiyamta iyo ixtiraamka aadanaha iskaba daa culimadee!!!.

Ayadoo khliaafka diineed mar weliba jiray,jirina doono haddana waxaa intaas ka sareeya ilaalinta qiyamta iyo ixtiraamka cida aad la doodayso xitaa haddaad kala diin tihiin iskaba daa inaad masaaโ€™il qaar ku kala duwantihiinee.

Aqoon horteeda edeb yeelo,cilmi hortiisana caasi hanoqon,culimada hilibkooda cisi iyo sharaf mooyee caay maleh.

Mar kale Alle haka raali noqodo raxmaddiisana huwiyo janadiisana ugu bishaareeyo sheekh Cusmaan xidig.

Ina lilahi wainaa ilaahi raajicuun Allah hau naxariisto sheikh cusman xigig.
20/07/2024

Ina lilahi wainaa ilaahi raajicuun
Allah hau naxariisto sheikh cusman xigig.

MARKA AY DUNIDU CIRIIRI KUGU NOQOTO, QISADAN XASUUSOToddoba carruur ah buu dhalay; saddex wiil iyo afar hablood:- Wiilki...
02/04/2024

MARKA AY DUNIDU CIRIIRI KUGU NOQOTO, QISADAN XASUUSO

Toddoba carruur ah buu dhalay; saddex wiil iyo afar hablood:

- Wiilkiisii curadka ahaa (Al-Qaasim) waxa uu saqiiray isaga oo jira laba sano iyo dhawr bilood.

- Wiilkiisii labaad (Cabdullaahi) waxa uu saqiiray isaga oo saddex sano iyo bilo jira.

- Wiilkiisii saddexaad (Ibraahiim) waxa uu saqiiray isagoo siddeed iyo toban bilood jira oo weli naaska hooyadiis nuugaya.

- Hablihiisa inantii ugu weynayd (Zaynab) waa ay guursatay, hase yeeshee waxa ay geeriyootay iyadoo 29 jir ah.

- Keddib, inantiisii labaad (Ruqiyah) waa ay guursatay, waxana ay geeriyootay iyada oo 21 jir ah.

- Keddib, inantiisii saddexaad (Umu-Kulthuum) waa ay guursatay, waxayna geeriyootay iyadoo 27 jir ah.

Sidaas waxa uu, isagoo nool, ku waayay lix carruurtiisii toddobada ahayd ka mid ah.

Markii uu geeriyoonayay, hal gabar uun baa nolol uga dambaysay (Faaduma), iyaduna lix bilood keddib waa ay ka daba tagtay.

Marka ay musiibo kugu dhacdo ama aad imtixaan la kulantid, qisadan xasuuso.

Miyaad garatay qofka ay qisadu ku socoto?

Sabriye Musse

Scw,  scw
28/09/2023

Scw, scw

27/09/2023

DHALASHADA NABI MUXAMAD SCW

Waxaan umadda Islaamka Ah Gaar ahaan umadda Soomaaliyeed ugu Hambalyaynayaa Dhalashada suubanaheena Maxamed [SCW]

Malinta oo kale, Sanad walba waa Munaasabada dhalashada (๐— ๐—ผ๐˜„๐—น๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ) ๐—ก๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ป๐—ฎ ๐— ๐˜‚๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ฆ๐—–๐—ช oo ku beegan ๐Ÿญ๐Ÿฎ-ka bisha ๐—ฅ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—ถ๐—ฐ๐˜‚๐—น ๐—”๐˜„๐˜„๐—ฎ๐—น oo ah habeenka uu dhashay Nabigena maxamed Nabad galiyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee Maalintaan oo kale ayaa ah Munaasabadaha diiniga ah ee ugu Muhiimsan dunida Islaamka.

Hadaa waxyar ka sheekeeyo tariiqdii suubanaheena maxamed Scw,

dhalashada nabigeena mohamed scw
wuxuunku dhashay Magaalada maka al-mukarama magaalada lagu magacaabo caamul fiil Bisha rabiicul awal ama looyaqaan mawliid 12keeda Habeen isniin ah oo ay tariikhdu ahayd 571 miilaadi intii uuyaraa waxa naasnuujiyay hooyooyin badan,

Waxa ka mid ah xaliimatu sacdiya oo iyada heysay nabiga scw Ilaa uu kagaaray 4 sano ka dib waxay ugaysay hooyadiisa Aaamina, waxau haysay ilaa 6 sano dabadeed hooyadis aamina way dhimatay Ka dibna waxa kafaalo qaadey awowgiis C-mudalib, Awoowana wuu dhintay isagoo nabigu scw jira 8 sano hadana
Waxa kafaalo qaadey adeerkiisa abuu-daalib.

Abuu daalib wuu jeclaa nabiga scw sifiicana wuu usoo koriyay ma uusexan jirin ilaa dhiniciisa jiifsado Nabiga scw haduu meel aadayana wuu wadan jiray Nabiga scw,

Nabigu scw markii uugaadhey 25 sano ayuu guursadey Haweeney la yidhaahdo khadiija bintu khuweylid oo ahayd Haweeney aad usharaf badan maal badana Lahayd waxee jirtay 40 sano waxayna udhashay 6 caruur ah Nabigu markuu gaadhay 40 sano ayaa ladirey oolaga dhigay RASUUL.

Allaahu Akbar
Aan ku salino xabiibkeyna Muxamad (NNKH)
โ€Žุงู„ู‡ู… ุตู„ู‰ ุนู„ู‰ ุณูŠุฏู†ุง ู…ุญู…ุฏ

Address

Mogadishu

Telephone

+252612372936

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fidinta kheirka. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Place Of Worship

Send a message to Fidinta kheirka.:

Share