07/08/2022
Fadliga maalinka 10-aad ee bisha Muxarram – CAASHURAA.
Nabiga ﷺ wuxuu leeyahay: (إني أحتسب على الله أن يكفر السنة التي قبله)
“Waxaan Allaah ka rajaynayaa (Soonka maalinta Caashuraa) inuu ku dhaafo dambigii sanadakii la soo dhaafey”. رواه مسلم 1162
Walaal hal maalin oo aan soono ayaan waxaan ku heleynaa dambi dhaaf (1 Sano) oo la soo dhaafey. waxaa khasaarey qof maalinkaan nabad iyo caafimaad, ku soo gaarey ee aan soomin ama cudur daar soonka ka reeba haysan.
MARTABADAHA SOONKA CAASHURA:
• Sida ugu Dhameystiran: Waa in lasoomo maalin ka hor ama maalin kadib caashuuraa, oo ah soonka maalinta 9aad iyo 10aad iyo 11aad.
• Sida ku xigta: Soonka 9aad iyo 10aad.
• Sida ugu hooseysa: Soonka 10aad oo kaliya.
MAALINKA AY KU AADAN TAHAY- SANADKAAN 2022
Maalinka Caashuraa ee 10-ka bisha Muxarram waxay ku beegan tahay: 8/08/2022 oo Isniinta.
SADDEX QAABA AYAA LOO SOOMI KARAA:
1. In Aad Is Raacisid 9-Aad Iyo 10-Aad (Axad Iyo Isniin) Taasi waxay la macnahatay in aad soontid 7/8/2022 iyo 8/8/2022. Waa qaabka ugu fiican oo waa siduu Nabiga ﷺ damacsanaa. Lakiin ilaahay baa oofsaday inta uusan sanadkii kale gaadhin.
2. In Aad Soonto Maalinka 10-Aad Kaliya (Isniin) Waxaad soomi kartaa maalinka 10-aad oo kaliya oo ah maalinka ugu muhiimsan ee ajarka weyn leh waana maalinka ku aadan isniinta 8/8/2022.
3. In Aad Soonto Maalinka 10-Aad Iyo 11-Aad (Isniin Iyo Talaado) Waxaad soomi kartaa maalinka 10-aad iyo 11-aad, taas oo macnaheedu yahay in aad soontid 8/8/2022 iyo 9/8/2022.
Marka qof walba sadexda qeybood midkii u fudud ayuu qaadan karaa. Allaah nabad iyo caafmd ha inagu gaarsiiyo, kuwii sooma ee Dambi dhaaf (1 sano) ah hela Allaah ha inaga dhigo. Aamin