Al-Qudus Islamic Online

Al-Qudus Islamic Online Religious Islamic Online school

29/10/2023

Imaamu Xaramayn
Cabdimaalik Binu Cabdillaahi Al-Juwayni Sheikh La Odhan
Jiray Ee Naanaystiisuna Ay Ahayd Imaamu Xaramayn Ayay Ka
Warrameen Laba Sheikh Oo La Kala Odhan Jiray Ibnu Casaakira
Iyo Taaju Sabku Waxay Yidhaahdeen Imaamu Xaramayn Waxa
Caado U Ahaan Jirtay Inaanu Waligii Seexan Isagoo Lulooda
Mooye Waxna Ma Cuni Jirin Illaa Ay Gaajo Qabato Mooyee

28/10/2023

Waan Ku Salaamay Saaxiib
Saaxiib; laba kasta oo isjecel waxa u dhexeeya miiq dun ah.
Dadka sida dhabta ah isu jecel mar kasta oo ay iskhilaafan,
miiqoodaasi wuu gijismaa oo xogaysmaa, sidii horana
ka sii adkaadaaba

Waan Ku Salaamay SaaxiibSaaxiiib; qof kasta oo niyadda kuu dhisaaba murugo   k**a madhna, ee laga yaabaa in uu si dhab a...
28/10/2023

Waan Ku Salaamay Saaxiib
Saaxiiib; qof kasta oo niyadda kuu dhisaaba murugo
k**a madhna, ee laga yaabaa in uu si dhab ah u garanayo
dhibaataada ay leedahay in uu qofku murugoodo,
oo uu waayo qof niyadda u dhisa oo garab qabta.
Nabaadino Saaxiib.

28/10/2023

Hadii aad doonayso inaad quraanka ku xifdiso mudo /waqti ku siman 1/2 Sano dugsiga Alqudus Islamic Online waxa kuu suurta galinayaa Rumaynta riyadaada iyadoo lagu siinayaa Jadwal sanad le ah oo aad quraanka dhamaantiis aad ku xifdin karto ➡️hadaba Hada is Diiwaan Geli faahfaahin laxidhiidh : +252 63 6640507

Ramadaan horteed maxaa innala gudboon:1. In aynu ujeedkeenna iyo niyadeenna Allaah daraaddii aynu  ka dhigno, camalka su...
17/03/2023

Ramadaan horteed maxaa innala gudboon:

1. In aynu ujeedkeenna iyo niyadeenna Allaah daraaddii aynu ka dhigno, camalka suubban iyo cibaadadana Allaah dartii aynu u gudanno
"إنما الأعمال بالنيات"، "نيةُ المؤمنِ خيرٌ من عملِه"
2. In aynnu qalbiga kusii gunudno ka faaiidaysiga bishaa Ramadaan, qalbi iyo jidh ahaanba oo aynu udiyaar garawno.
{فَلَوْ صَدَقُوا اللَّهَ لَكَانَ خَيْرًا لَهُمْ} [ محمد:21 ]
3.Toobadkeenka inaynu ku dadaallo mar walba.
(وَتُوبُوا إِلَى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَ الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ) [النور: 31]،
4. In aynu sii laba jibaarno cibaadooyinka kala duwan
{وَفِي ذَلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ الْمُتَنَافِسُونَ} (26) سورة المطففين

Sida:
a) Salaadaha faralka ah oo aynu jamac ku tukanno
" من صلى لله أربعين يوماً في جماعة ، يدرك التكبيرة الأولى ، كتب له براءتان: براءة من النار ، وبراءة من النفاق "
b) sunnayaasha faralka ka horreeya ama ka danbeeya oo aynu ku dadaallo.
«مَن صلَّى ثِنتَي عشرةَ رَكْعةً ، في يومٍ وليلةٍ ، بنَى اللَّهُ لَه بيتًا في الجنَّةِ»
c) quraan akhriska oo aynu badinno.
«من قرأ حرفًا من كتاب الله فله به حسنة، والحسنة بعشر أمثالها»
d) Sadaqada iyo wax bixinta oo aynu badsanno
"اتقوا النار، ولو بشق تمرة"
e) Samafalka waalidka oo lagu dadaalo.
{ وقضى ربك ألا تعبدوا إلا إياه وبالوالدين إحسانا إما يبلغن عندك الكبر أحدهما أو كلاهما فلا تقل لهما أف ولا تنهرهما وقل لهما قولا كريما}

f) qaraabo xidhiidhinta oo aynu xoojinno
{مَن أحبَّ أن يُبْسَط له في رزقه، وأن يُنسأ له في أثره فليصل رحمه}
g) Xuska Allaah oo aynu badsanno.
(سبَق المفردون، قالوا: وما المفردون يا رسول الله، قال: الذاكرون الله كثيرًا والذاكرات)
h) Ducada oo aynnu ku dadaallo xilliyad ay samadu furantahay,
«الدعاء سلاح المؤمن، وعماد الدين، ونور السماوات والأرض».
i) Mahadnaqa Allaah in aad marwaba aad ugu mahad-celisid galladaha kala duwan ee uu kuu galay.
﴿ وَمَا بِكُمْ مِنْ نِعْمَةٍ فَمِنَ اللَّهِ ثُمَّ إِذَا مَسَّكُمُ الضُّرُّ فَإِلَيْهِ تَجْأَرُونَ ﴾

😭😭😭QISO AAD U XANUUN BADAN😭😭😭Qisadan waxay ku dhacdey Aabe muslim ah balse Aabahaas wuxuu muslimiinta kaCodsaneyaa in da...
07/08/2022

😭😭😭QISO AAD U XANUUN BADAN😭😭😭

Qisadan waxay ku dhacdey Aabe muslim ah balse Aabahaas wuxuu muslimiinta ka
Codsaneyaa in dadka muslimiinta meel kastoo ay joogaan usoo Duceeyaan gabadhiisa .

Aabahaan wuxuu dhaley Gabar ay Hooyadeed dhimatey balse isagu wuxuu Guursadey xaas kale oo ay Caruur u dhashey isagu wuxuu aad u jeclaa Gabadhiisa gabadhaan waxaa ay ku nooleyd guriga Eedadeed oo u Aabaheed ilmaha u dhashey balse Eedada gabadha waa ay necbeyd waxeyna ula dhaqmi jirty sida qof shisheeye oo kale

Maalin maalmaha kamid ah aabihii wuxuu isku diyaarinaayey safar oo uu dibada ku aadaayo wuxuuna u sheegey gabadhiisa in mudo uu soo maqnaanayo wuxuna u shegey marwalbo inuu soowici doono una soo diri doono lacag iyo wax walbo oo ay u baahantahy kadib aabihii wuxuu aadey safarkiisa shaqo

maalmo yer kadib gabadhii waxa mobilekeeda kaqaadey eedadeed waxeyna u sheegty hadii ay aabaheed u sheegto iney baahi kudili doonto marwalbo aabaheed lahadleyso eedada ayaa ku qasbi jirty iney u sheegto aabahed nolol fcn iney ku nooshahay lacagtii uu aabaheed usoo diro waxaa ka qaadan jirey caruurta eedadeed gabadhii midabkeedii wuu isbedeley baahi darteed hal waqti oo kaliya ayaa wax lasiin jirey

5 sano kadib aabihii ayaa soo baxey waliba isagoo hadiyado faro badan usoo iibiyey qoyskiisa balse safarkiisa uma uusan usoo sheegin qoyskiisa lama filaan ayuu ugu soodhigey markii uu guriga imaadey xaaskiisa magalada ayey ku maqneyd waxaa guriga joogey caruurtiisa oo kaliya wuxuu weydiiyey aawey gabadheyda caruurtii waxaa ay tuseen gabadhiisa oo qol kaligeed ku xiran wuu fiirin waayey gabadhiisa oo sidaan loogaley oo midabkeedii isbedeley wuxuu weydiiyey maxaa sidaan kuu galey aabo balse iyada ma hadli kareyn kaliya waa ay ilmeysey aabihii ayaa kuyiri caruurta maxa kudhacey balse iyaga ayaa u sheegey

kadib hosptal ayuu geeyey waxana loo shegey gabadhiisa iney mudo sanado badan ay cunto fcn aysan cunin ayna halis kujirto waxana looshegey wixii dadaal ah iney bixin doonaan balse uu ka codsado muslimiinta duco si iyaguna ugu fududaato qaliinka 😢😢

Aabihii ayaa Qof walbo oo muslim ah oo fariintiisa arko uu kasoo codsadey iney usoo duceeyaan gabadhiisa isagana ugu duceyn doono inuu Alle janada ugu abaal gudo😭

Runtii waa wax laga xumaado balse hadii aad kamid noqotey dadka nasiibka leh oo ay fariintaan soo gaartey fadlan u Duceey siina Faafi Oo gaarsii qof walbo oo muslim ah adigana ajar ayaad kaheli doontaa.

Aguu Media Center

𝗧𝗮𝗴𝗿𝗶𝗳𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗮𝘄𝗼𝗼𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗻, 𝘁𝗮𝗯𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘁𝗮𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗹𝗶𝗶𝗱𝗮𝘁𝗮.Guud ahaan, hannaanka qaranimo ee Somalila...
06/08/2022

𝗧𝗮𝗴𝗿𝗶𝗳𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗮𝘄𝗼𝗼𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗻, 𝘁𝗮𝗯𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘁𝗮𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗹𝗶𝗶𝗱𝗮𝘁𝗮.

Guud ahaan, hannaanka qaranimo ee Somaliland wuxuu ku dhisanyahay hay’adaha kala duwan, kuwaas oo qaarkood yihiin rukumo saldhig u ah qaranka sida: Baarlamaanka, Garsoorka, Fulinta iyo Xisbiyada oo ah nidaamka lagu gaadho hogaanka ama dhala ee ay ka timaado dawladdu, halka qaar kalena yihiin gacmaha fuliya sharciga isla markaana ilaaliya xuquuqda muwaadinka sida Booliiska. Sidaa darteed, Booliiska ayaa looga baahanyahay in uu noqdo saaxiibka bulshada, dhawraha, fuliyaha iyo ilaaliyaha sharciga. In kasta oo ay haboonayd in uu ahaado hay’ada madax banaan, waxaa Dastuurka qodobadiisa 123aad iyo 124 jiritaanka Booliiska saldhig uga dhigay in uu yahay mid ka mid ah sadexda ciidan “Ciidanka Booliisku waxa uu u xilsaaran yahay ilaalinta nabadgelyada iyo dhaqangelinta xeerarka; qaab-dhismeedkoooda iyo waajibaadkoodana xeer ayaa qeexaya”. Dhinaca kale, Xeerka Booliiska ayaa sheegaya qaab dhismeedkiisa, waajibaadka saaran iyo sida uu u hawlgelayo kaas oo odhanaya, “Booliisku waa u adeegaha bulshada, isaga oo ka madaxbanaan loolanka siyaasadeed, dhexna u ah xisbiyada ama Ururada siyaasadeed ee Qaranka iyo bulshadaba” (eeg Qodobka 5 aad, faqradiisa 2 iyo 3 aad Xeerka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland Xeer Lr 63/2013 wax-ka-badelkiisa 2019).

In kasta oo sharcigu caddeeyay hab-raaca shaqo ee Booliiska, hadana waxaa muuqata in hab-dhaqankoodu ka duwan yahay sidaas, kaas oo sababay in bulshadu dhibane u noqoto qaabka uu u shaqaynayo iyo macaamilka qalafsan ee uu ku qaabilo cid kasta oo hawl shaqo dhex marto, sidaa darteed ayaan u qoray maqaalkan, si aynu dhinacyo kala duwan isaga taagno xaqiiqada jirta iyo dhibaatooyinka ay shacabku kala kulmeen. Waxaana iga afeef ah, in ujeedada qormadani tahay keliya tilmaanta khaladaadka jira, tusaaleyaal dunida ah, aragtiyaha sharciga laga dheehan karo iyo hogotusaalayn qofkii doonaya sixitaana u noqonaysa xog uu ku hawlgalo, sidoo kale waa qaabka aan ka doonayno Booliiska in Qaranka Somaliland u qaabeeyo mustaqbalka insha allaah. Hadii qalooca jiraa sii socdo waxay sababi kartaa in halkii Bookiisku ka ahaa gacanta sharciga u adeegta in uu noqdo gacanta siyaasiyiintu adeegsadaan oo uu gaadho meel aan waxba laga qaban karin oo qaranimada ku keeni kara dhaawac sababi kara halis wayn, waxaana Booliisku jireen muddo dheer oo lagu horumarin karo ama isbedel lagu samayn karo balse waxaa suurtagal ah in qaar badan oo madaxda soo maray ama joogaa u arkaan in sidani saxdii tahay ama aan wax khaladi jirin, waana halka sartu ka qudhuntay ee dhibaatada saldhiga u ah ee akhriste ila dhugo nuxurka qormadani xambaarsantahay waana sidan:

𝐔𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐫𝐚𝐲𝐧, dhismaha Ciidanka Booliiska waxaynu ka dhaxalay rajiimkii uu horkacayay Genaral Maxamed Siyaad Barre, kaas xiligiisii xooga saaray dhismaha Meleteriga iyo ciidamo ku magacaaban Booliis basle dabeecad meleteri leh, kuwaas oo ku barbaaray sharciga oo ah wixii ka soo baxa madaxweyne keligii taliye ah. Waxaa jiray tiro yar oo loo tababaray Booliis xiligii gumaysiga ama wakhtigii koobnaa ee dawladii shicibka ahayd, laakiin hoos joogay rajiimkaa aynu soo sheegnay oo aan wax saamayn ah lahayn. Arrintan waxay Somaliland dhaxalsiisay in khaladaadka Booliisku samaynayaa ay noqoto wax iska caadiya oo weligii soo jiray, qofka diidana lala yaabo ama talaabo laga qaado, tusaale ahaan: marka Booliisku qof qabanayo waxaa iska caadi ah in xoog loo adeegsado isaga oo aan qofkiiba diidin, la hadido ama la garaaco, waa sharci-darradii oo sharci laga dhigay, waxaa ka sii daran masuuliyiinta xasaanadda leh oo la garaacayo, lana xidhayo sifo sharci daro ah, bal ila dhugo dhacdadan (https://youtu.be/lJbko0l-F0w )

𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗹𝗮𝗯𝗮𝗮𝗱, fahamka iyo aragtida militariyaysan ee ay Ciidanku Booliiska madaxdoodu qabto ayaa loo aanayn karaa habdhaqanka taban ee ciidanka Booliiska, iyo sida uu u hooseeyo heerka is-faham ee u dhexeeya iyaga iyo shacabka. Booliisku waa ciidan nabadgalayo, ma aha ciidan dagaal oo loogu talogalay in ay awood xad-dhaaf ah oo bur-burin ah in ay adeegsada sida ciidamada militariga, waayo Booliiska wuxuu la macaamilaa shicibkiisa halka Meleterigu ka hortago cadawga dalka, saraakiishan meletriyaysan ayaa keenaysa in ay shicibka ula dhaqmaan sidii cadawga, tanina waa dhacdo kale oo naxdin leh, waa gabadh ciidanku qabtay oo gacantooda ku jirta ee bal ila dhugo oo ha yaabin (https://www.youtube.com/watch?v=JArkUkUhWyg)

𝗧𝗮𝗻 𝘀𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅𝗮𝗮𝗱, Boolisku waa fuliyayaasha sharciga, sidaas darteed ayaa laga rabaa in ay ilaalinta iyo ixtiraamka sharciga iyaga laga helo iyo in ay noqdaan tusaalihiisa koowaad ee ay tahay in lagaga daydo. Mana aha in qofkii loogu talogalay ilaalnta sharcigu in uu isaga laftiisii ka xad-gudbo sharciga. Xasaannadda iyo maamuuska uu ciiddan ahaan huwanyahay sarkaalka Booliiska ahi, ma aha mida uu ku helayo lebbiska ama direyska uu xidhanyahay, balse waa mid ay tahay in uu ku kasbado sharciga iyo hadba sida uu isagu u tixgaliyo xeerarka dalka, oo ay ugu horreeyaan xeerarka habraaca ah ee u dhexeeya isaga iyo shacabka, bal sida Booliiska dunidu ula dhaqmaan arriamaha siyaasadda ila dhugo, si aad keena u barbar dhigto (https://youtu.be/heDGha25f9w)

𝗧𝗮𝗻 𝗮𝗳𝗿𝗮𝗮𝗱, Meesha koowaad ee dawladda iyo dadku ay iska soo gaadhaan waa Booliiska, iyaga iyo shicibkuna waa laba qeybood oo is-hurran, haddii ay wada-shaqayn tahay iyo haddii kala-tabasho tahayba. Sidaa darteed waxa muhiim ah in ay hay’ad ahaan Booliisku u diyaarsanyihiin oo ay ku tababaran yihiin sida ay u waajahayaan caqabadaha kaga iman kara bulshaweynta ay u adeegayaan. Waa in ay bartaan sida xiisadda loo dejiyo ee aan lii soo kicin, sida mushkiladaha loo yareeyo saamayntooda ee aan loo sii buun-buunin, looguna maarayn karo xaalad kasta oo jirta iyada oo la adeegsanayo xeeladda ugu wanaagsan iyo xoogga ugu yar. Waxa aynu aragnay sida ay Booliisku usoo dhexgaleen golaha wakiilada ee ay khatar u galinyeen xildhibaannadii iyo shaqaalihii kale ee aqalka, iyada oo aanay jirin xaalad amni-darro oo keensanaysay in ay tirada iyo hubka intaas leeg ay kusoo galaan gudaha Golaha Wakiilada, taas oo uu sheegay shirgudoonku in aanay u yeedhan ciidamada Booliiska ah ee golaha soo galay, isla markaana aanay jirin baahi keenta arrintaa, bal dhacdadan ila dhugu oo halkan kaga bogo si aad u fahanto (https://www.youtube.com/watch?v=BaR2CPoWFOs)

𝗧𝗮𝗻 𝘀𝗵𝗮𝗻𝗮𝗮𝗱, Ma aha Booliisku in ay gacanta adeegsadaan ka hor inta aanay afka adeegsan. Waxa ay markaaba bilaabaan in ay qofka xoog iyo jujuub ula tagaan iyaga oo ku qancin kariyay inuu iskii u raaco, waana halka uu isku-dhaca iyo jidh-dilku ka bilaabmo. Sidoo kale, Booliisku ma tixgaliyaan dhawrsanaanta xorriyadeed ee muwaadinku leeyahay, oo waxa ay qofka ku xidhaan Waaran la’aan. Qofku xorriyaddiisa waxa uu ku waayi karaa oo kaliya amarka ama oggolaansho maxk**adeed, taasi oo aad mooddo in ay guud ahaanba iska indho-tiraan booliisku had iyo goor, garsoorka laftiisuna aanu kula xisaabtamin. Awoodda ay Booliisku u leeyihiin in ay qofka waaran la’aan qabtaan, waa mid sharcigu xaddiday oo ku kooban xaalado gaar ah. Sidaa darteed ayay tallaabada koowaad ee qofka lagu qabanayaa, ay u noqonayaa xad-gudubka koowaad ee laga galo xorriyaddii qofka. Tani waxa ay keentay in lagu deg-dego qof kasta oo aan la caddeyn karin in uu dambi galay iyo in kale, isla markaana keentay in ay tiro-dhaafaan dadka saldhigyada iyo jeelasha ku jira ee eed-sugayaasha ah. Halkan aan kaga bogono muwaadiniin tiradoodu dhantahay 60 kuwaas oo la kulmay xadhig wadareed iyada oo aan wax waaran ah loo goosan, sharcina looma marin qabashadooda, sharcina looma marin sii dayntooda ee waa sida taliyaha iyo madaxdiisu doonaan, isla markaana xildhibaankii degaankaa ka soo jeeday markii uu ka hadlay dulmiga ay ku xidhan yihiin, wuxuu sheegay in taliyuhu ugu hanjebay dil, waatan dhacdadii oo muuqaal ah ee halkan kaga bogo (https://www.youtube.com/watch?v=pbcdBNXZ4RA)

𝗧𝗮𝗻 𝗹𝗶𝘅𝗮𝗮𝗱, Si ay u noqdaan Booliisku gacmihii sharciga, waxa laga rabaa in ay aqoon ku filan u leeyihiin shuruucda dalka, xuquuqaha maxbuusku uu leeyahay inta ka horreysa eed-oogista (Pretrial rights). Xuquuqaha muwaadinku leeyahay ee ka bilaabmaya saacadda xorriyada laga qaado, ayaanay haba yaraatee wax tixgalin ah siinin saraakiisha ka mas’uulka ah goobaha dadka la soo qabto lagu hayo, ha noqdaan saldhigyo, xarumaha dambi-baadhista. Xuquuqahaas oo ay ka mid yihiin, xaqa ah inuu helo maxbuusku, la xidhiidho oo uu arko ehelkiisa iyo asxaabtiisa, in uu helo qareen difaaca sida ugu dhakhsaha badan , isla markaana helo xaqa uu u leeyahay in uu ka aamusi karo Booliiska oo aanu wax wareysi ah bixin inta aanu qareen helin, Cawil Galaydh oo dhaawacyo kala duwani soo gaadheen, wuxuu sheegay in aan dheg loo jalaq siin taladii dhakhtarku ku taliyay oo ahayd in si degdeg ah dhakhtar takhasus u leh indhaha loo geeyo, si loola tacaalo dhaawaca isha ka soo gaadhay, waxaa in mudo ah lagu hayay saldhigii ilaa uu ku dhawaaday in uu ishii beelo, waxaanay sababtay in labo jeer la qalo, ilaa hadana uu dhibaatadii la tacaalayo, waxaa taa ka daran taliyaha Booliiska oo ku tiiqtiiqsanaya dhibaatada ay shicibka u gaysteen ayaa ka hadlay, waana kan isaga oo dhacdadaa ka waramaya ee bal ila dhugo (https://youtu.be/f5G_4Xa5KhA)

𝗧𝗮𝗻 𝘂𝗴𝘂 𝗱𝗮𝗺𝗯𝗮𝘆𝘀𝗮, Waxa xusid mudan in aanay saldhigyada xaafadaha ku dhexyaalla ay xaaladdoodu nololeed ay aad u liidato. Taasi oo la odhan karo waxba ma dhaanto in aad ku dhexjirto jidh-dil joogto ah oo qofka ku socda. Maadaamo oo ay nadaafaddoodu hoosayso, cidhiidhi yihiin, oo heerka ogsajiintu uu hoos u dhacayo oo aanay lahayn hawo ku filan, taasi oo ay maxaabiistu kaarboonkooda iyo shiirkoogu ku xidhanyahay oo ku neef-qabatoobaan. Jidh-dilkuna ma aha kan gacanta Booliiska ka dhaca oo keliya, balse macnihiisu wuu ka ballaadhanyahay, in xaaladaha noocaas oo kale ah qofka la galiyo, oo uu waayo jiif hagaagsan, cunno, biyo, hawo iyo cadceed, iyo meel daahira oo u cibaadadiisa ku guto oo ka fayaw kaadi iyo nijaas, waxa ay u dhigtantahay ciqaab nidaamsan oo si joogto ah uu ugu jiro qofka maxbuuska ahi. Saldhigyada qaarna waxa la sheegayaa in xaaladaha nadaafad darro ay sababto in ay ku dhashashaan ceyayaanka dhiiga jaqa ee habeenkii laga seexan waayo (bed bugs). Warbixinta Hay’adaha xuquuqal aadamaha ayaad ka heli kartaa xogo badan. Saldhigyadu malaha adeegyo sharci oo joogto ah, k**a jiraan xafiisyo laga heli karo qareenno difaac, ama goobo loogu talogalay in uu qareenku kula kulmo qofka maxbuuska ah oo uu ku wareysan karo isaga oo gooni ah. Looguma talogalin in adeeg sharci ay helaan maxaabiistu, isla markaana ay goobaha ay ku xidhanyihiin ay kula kulmaan qareenno difaaca. Fahamka Booliiska ee xaqa difaacu waxa uu ku koobanyahay waqtiga eed-oogisto bilaabanto in uu maxbuusku heli karo qareen difaac oo maxk**adda uga hor dooda. Halka uu xaqa difaacu uu sharciyan ka bilaabmayo daqiiqadda ugu horreysa ee qofka laga qaado xorriyaddiisa, isla markaana uu xaq u leeyahay inuu maxbuusku qofka ugu horreeya ee u warramayo uu noqdo qareenkiisa, ka hor inta aanu Booliisku wareysan. Waxa meesha ka baxay doorkii Maxk**addu ay ku lahayd in ay kula xisaabtanto, iyo awooddii ay u lahayd in aan la hor keenin la-tuhunsane xidhan, oo isaga laftiisii dhibane ah oo xuquuqdiisii iyo xorriyaddiisii lagu tuntay. Waxaanay Maxk**aduhu inta badan noqdeen miis laga xalaalaysto xadhig markiisii h**e aan laga xalaalaysan oo aan lagu qancin maxk**adda, waaranna looga qaadan. Waana xad-gudub joogto ah oo ay muwaadiniintu la kulmaan. Haddii daraasad lagu sameeyo maxaabiista saldhigyada ku jira oo la weydiiyo inta waaran lagu soo xidhay, waxa la ogaan lahaa heerka ay taaganyahay xorriyad ku tumashada muwaadinku. La yaabna kuma aha Booliisku in ay u arkaan xaqa qareen-helidda maxbuuska farogalin, inta ka h**eysa eed-oogista ee ay baadhistu socoto. Waayo, khibradda iyo waayo-aragnimdeena bilaysnimo ee ku waajahan xuquuqaha xorriyadlaawaha ayaa aad u yar. Waxa ay badiba ay saraakiishooda waayo-aragga ahi ay wax ku soo barteen kuna soo hoos-shaqeeyeen nidaamkii kalitaliska ee ku shaqeeynayay xukunki militariyaysnaa ee dawladdii Kacaanka. Nidaamkaasi oo ku hawlgali jirey xukunka degdegga ah iyo maxk**addii la baxday bed-baadada qaranku midkoodna wax tixgalin ah ma siin jirin xaqa difaac-helidda ee maxbuuska. (Warbixinta Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha ee kala duwan)

𝗛𝗮𝗱𝗱𝗮𝗯𝗮, nidaamka dawladeed ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland uu salka u dhigayaa wuxuu mustaqbalka u baahanyahay Booliis iyo Garsoor isla jaanqaadaya oo sharcigu saldhig u yahay. Waxa la rabaa in la hirgaliyo nidaam dawaladeed oo ay waajib tahay in uu isku dheellitiro ilaalinta xuquuqaha muwaadinka iyo fulinta sharciyada guud ee u yaalla dawladda. Lamana xaqiijin karo hanka iyo hiraalka ummadeed ee la rabo in dawladnimada casriga ahi horseedo, haddii aan fikirka iyo falsafadda hay’adaheena sharciga-fuliya wax laga beddelin. Waxaana hay’adahaasi u horreeya Booliiska oo ah barta koowaad ee ay xuquuqaha qofka shacabka ah iyo awoodda dawladdu uu iska soo gaadho. Waana muraayadda koowaad ee laga dheehan karo, halka ay xilkasnimada dawladeed iyo xaqdhawrka loo hayo muwaadinku uu taaganyahay. Booliisku ma aha in loo arko ama laga dhigo fuliyayaasha amarrada saraakiishooda iyo siyaasiyiinta xilalka u magacaaba. Booliisku waa fuliyaha Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka, taasi oo waajibinaysa in aanay qaadan wixii amarro khaldan ah ama fulin wixii hawlgallo ah ee ay si cad u arki karaan in ay ka hor imanayaan sharciga, nuxurkii ama ujeedadii sharciga iyo xikmaddii ay u jirtay Booliisnimaddu hay’ad ahaan. Waxa xusid mudan, in Booliiska la siyaasadeeyo, xukuumaduhuna ay caadaysteen in ay awoodddooda u adeegsadaan cabsi-galinta iyo cabudhinta muwaadiniinta. In saraakiisha dambi-baadhistu lagu amro in ay u yeedhaan ciddii laga dareemo fir-fircooni siyaasadeed oo lidi ku ah danaha siyaasadeed ee hadba cidda talada haysa. Waxaana ay isa siiyeen awood yeedhiseed aanu sharcigu siin, iyaga oo u soo dira muwaadiniinta qoraallo haddidaad ah oo ay ku sheegayaan in ay tallaabo xooggan ku fulin doonaan haddii ay soo ajiibi waayaan yeedhmadooda. Iska daa muwaadiniinta caadiga ah, ee Xisbiyada Qaranka oo uu xeerku sheegayo In ay si xor ah u gudbiyaan afkaartooda siyaasadeed iyo in aan la cabudhin karin ayaa looga yeedhaa xarumaha dembi baadhista (CID) iyada oo wax laga waydiinayo dhaliil uu xukuumadda u jeediyeen, shakhsi ahaan ayaanay igu dhacday, iyada oo wax la iga waydiinayo Madaxweynaha oo aan dhaliilay, bal ila dhugo dhacdadan (https://youtu.be/wWD_BjDKzPI)

𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝗶𝘀𝗸𝘂 waxa ay u taaganyihiin ilaalinta xuquuqaha wadareed iyo kuwa shaqsiyeedba, ilaalinta nabadgalyada guud ee shacabka iyo ka-jawaabista cabashooyinka shaqsiyeed ee tirsanaya in lagu gefay. Waana sababta kaliya ee loo siiyay awoodda koowaad ee xidhista iyo qabashada ciddii ay u cadaato in ay halis ku tahay xuquuqahaasi. Sidaa si la mid ah ayuu waajib ka saaranyahay in ay ilaaliyaan xuquuqaha cidda ay awooddaasi u adeegsadeen, ee la-tuhunsanyahay oo aan isna lagu geffin karaamadiisa iyo dednimadiisa. In ay sharci-fulinayaanna kuma bannaysan karaan in ay ku xad-gudbaan dadkii loogu talogalay in uu isla sharcigaasi ilaaliyo xuquuqahooda. Haddii ay sidaa yeellaanna waxa ay noqonayaan laba xad-gudbe oo kii awoodda badnaa uu kii laga itaalka badnaa uu garsoorka horkeenayo. Warbixintani ayaa marag u ah warkaa aynu soo sheegnay bal ila dhugo (Warbixinta Hay’ada Xuquuqal Aadamaha 16, June 2022)

𝗚𝗲𝗯𝗮𝗴𝗲𝗯𝗮𝗱𝗶𝗶: Waxa dhacda in ay Booliiska saldhigyadu ay iska dhagomaraan amarrada maxk**adda ay ku sii dayso maxaabiista ay u aragto in uu xadhigoodu sharcidarro yahay. Waxaana kalifaya nidaamka la militariyeeyay ee ay u kala sarreeyaan madaxda iyo saraakiisha Booliisku ka mid yahay. Nidaamkani waxa uu ku khasbayaa in ay saraakiishu noqdaan canaan ka yaab oo ay qaadan kari waayaan go’aan mas’uuliyadeed oo la xidhiidha xilalkooga. Tusaale ahaan saraakiisha ka mas’uulka ah goobaha maxaabiistaasi lagu hayaa, ma fulin karaan amarkaasi maxk**adeed. Waayo waxa ay ka cabsiqabaan in ay xilkooda ku waayaan, ama ciqaab ahaan loogu beddelo meelo kale haddii ay ka horyimaaddaan amarka taliyahooda, oo ay qaataan amarka Maxk**adda. Sidaa si la mid ah ayuu Taliye kastaana uga cabsiqabaa fulinta sharciga, oo ugu dhago-nugulyahay awoodaha cidda magacawda. Waana meesha faham la’aantu ka jirto oo waxay ahayd in Booliisku ahaado sharci raace, halka Meleterigu ka yahay amar qaate, waana laba felsafadood oo kala duwan.

Waxa kale oo Booliiska ka muuqata in ay aaminsanyihiin in aanay maxk**adaha caadiga ahi wax tallaabo ah ka qaadi karin oo aanay awoodddaasi lahayn. Waxa ay u haystaan in direyska ay xidhanyihiin uu dhawrsanaan ka siinayo garsooraha ay maxaabiista hor keenaan aroor kasta. Taasi oo gabi ahaanba ah aragti khaldan. Maxk**addu ma aha mid keliya maxbuuska la hor keeno awood u leh, balse waa mid sidoo kale awood taas la mid ah u leh in ay tallaabo ka qaado dhinaca kale ee maxbuuska soo-qabtay. Haddii kale ma aha maxk**ad ay dhinacyada horteeda joogaa ay u simanyihiin, oo waxa ay noqonaysaa saldhig kale oo Booliiska la shaqeeya, waana meelaha ay ka soo bilaabanto cadaalad darradu. Xeerka Habka Ciqaabtu waxa awood u siinayaa garsooraha in uu tallaabo ku haboon ka qaadi karo, saraakiisha ay ku caddaato in ay ku gafeen xuquuqaha maxbuuska.

Maxk**addu awood ayay u leedahay in ay dhegeysato cabashada maxbuusku uu ka qabo Booliiska balse maanta arrintaasi ma muuqato. Waana in ay waydiiso maxbuuska sida loola dhaqmay, habka loo soo qabtay, muddada uu xidhnaa, iyo duruufaha uu ku suganyahay. Sidaa darteed macno samayn maayo dhegeysigaasi, haddii la yidhaahdo tallaabo k**a qaadi karto saraakiisha ay ku caddahay ee caadaysta xad-gudubyadaasi. Maxk**addu ma gudo-galayso xeerarka ciidanka u dhigan, amar-diiddooyinka, iyo nidaamka hawlgaleed ee ay ciidan ahaan farayso, taasi waa shaqadii ciidanka. Waxa ay se maxk**adda caadiga ahi awood u leedahay in ay qaado tallaabo-kasta oo ay u aragto in ay u dhiganto gefka habraac ee uu sarkaalku gelay ee wax-u-dhimaysa dedaalka caddaalad-raadinta iyo dhawrista xuquuqaha eedaysanaha/maxbuusku uu ku hoos leeyahay sharciga. Doodda ah Maxk**ad Ciidan oo kaliya ayaa Booliiska tallaabo ka qaadi karta, waxa ay sax noqonaysa marka ay tahay in ay shicibka ay soo-qabtaana ay maxk**addaasi hor geeyaan, si ay caddaalad uga helaan oo ay iskugu dhegeysato labada dhinacba. Caqliga ma gelayso, mana aha nuxurka garsoornimo ama cadaaladeed, in lagu doodo wax aan ku horgeyn karaa Maxk**ad aan tallaabo iga qaadi karin, oo kaligaa tallaabo ka qaadi kartaa.

𝗧𝗮𝗹𝗼 𝗦𝗼𝗼𝗷𝗲𝗲𝗱𝗶𝗻;

𝗗𝗶𝗯-𝘂-𝗵𝗮𝗯𝗮𝘆𝗻 𝗯𝗮𝗹𝗹𝗮𝗮𝗱𝗵𝗮𝗻: Waxa lagama maarmaan ah in dib-habayn baahsan oo ruux ahaan iyo hay’ad ahaanba uu u baahanyahay Booliisku. Dib-u-habayn wax ka bedesha qaabdhismeedkooda hay’adeed iyo hannaanka hoggaamineed ee ciidanka. Dib-u-habayntaasi oo sal illaa baar ah, ayaa loo baahanyahay in lagu tababaro fulinta Dastuurka, dhawrista xuquuqaha muwaadiniinta iyo ujeeddooyinkooda Booliiska.

𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝗯𝗮𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗻𝗶𝗱𝗮 𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮: Booliisku ma noqon karo hay’ad xirfadeed oo si madaxbanaan u gudata waajibaadkeeda, haddii la siyaasadeeyo qaabka loo magacaabayo, xilkana looga qaadayo taliskooda. Waxa ay tahay in lagu yimaaddo hoggaanka sare ee Booliiska hab daah-furan oo qiimeyn ah, oo ku xidhan muddadii ay saraakiishu kasoo hawlgaleen Booliiska. Taasi waxa ay keenaysaa in xilka hoggaaminta loo arko, mid qofku ku kasbaday dadaalkiisa, aqoontiisa iyo tacabakii uu hay’addani soo galiyay, oo aanu ku helin rabitaanka siyaasadeed hadba kooxda awoodda haysata. Waana in xil ka qaadista taliyaha Booliisku lahaato sabab oo aanay ku xidhnaanin hadbaa jacaylka iyo nacaybka ay u hayaan madaxda xukuumadda. Booliisku waa in ay yeeshaan miisaaniyad daah-furan, oo lagula xisaabtamo kari sida ay hoggaankoodu u kharash-gareeyaan, oo hanti-dhawrku la socon karo hufnaanteeda.

𝐀𝐰𝐨𝐨𝐝 𝐥𝐚-𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐝𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚: Waa in ay jirto Guddi ama Komishin madaxbanaan oo qaban kara cabashooyinka isla markaana dhegeysta cabashooyinka shacabku ka qabo Booliiska. Guddidaasi oo leh awood u dhiganta awoodaha garsoorka oo leh xasaanad isla markaana ay go’aannadoodu leeyihiin awood fulineed oo waajib ah. Waana in ay guddidaasi yeelato, hay’ad iyo dhisme joogto ah oo si joogto ah loo heli karo una shaqeeya oo aanay noqon guddi ka kooban xil-hayayaal ka kala tirsan hay’ado kale oo dawladeed (sida guddida Cadaaladda). Waa in ay noqdaan guddi joogto ah, oo muddo-xileed leh, isla markaana shaqadoodu ay ku koobantahay dhegeysiga cabashooyinkaas bulshada. Taasi oo u baahan in xeerka Booliiska wax laga beddelo.

𝐇𝐚𝐛𝐫𝐚𝐚𝐜 𝐟𝐮𝐝𝐮𝐝 𝐨𝐨 𝐜𝐚𝐛𝐚𝐬𝐡𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐫𝐨: La xisaabtanka Booliisku ma suurtogali karo, haddii aan la samayn habraac sugan oo ay tahay in uu qofku u raaco. Habraacaasi oo dammaanad qaadaya, sida uu ku helayo qofka (dhibanaha ah) ee ka cabanaya Booliiska dhaawac-muujinta haddii ay Booliisku u geystaan nabarro, waayo waxa dhacda in ay saldhigyadu ay qofka u diiddaan in uu helo dhaawac-muujintii uu xaqa u laha haddii uu u sheego in uu dhaawaca u geystay qof ciidan ahi. Habraacu waxa uu qeexi lahaa sida loo qabanayo cabashada iyo loona caddaynayo in laga qabtay iyo taariikhdii la qabtay, muddada ay tahay in lagaga jawaabo cabashada. Xaqa uu qofku u leeyahay in uu helo magaca iyo qeybta uu ka tirsanyahay sarkaalka uu ka cabanayaa, iyo waxyaabaha laga rabo in ay cabashadu ka koobnaato ama ay waafaqsanaato.

𝐗𝐚𝐝𝐠𝐮𝐝𝐮𝐛𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐧 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐞𝐫𝐚𝐚𝐝𝐨: in kasta oo aynu Booliisnimada si guud khalad uga fahansanahay, marka labaadna laga yaabo in saraakiishu askarta siiso waajibaad khaldan iyo amaro gurracan oo xadgudub keeni kara, shuruucdu way cadaysay dembiyada bulshada laga galo, kuwaas oo xaqiiqooyin dhacay iyo dhibanayaal kala duwan aynu xaga sare ku soo xusnay. Xeerka Booliiska, qodobka 33aad, sidan ayuu odhanayaa ee bal ila dhugo “ Ma banaana fal dambiyeed kasta oo ka dhan ah bani-aadanmimada sida jidh-dilka, Maskax ka dil iyo dhamaan faldambiyeedyada ku sifooba. Xubin kasta oo booliis ah ee ku kacda faldambiyeedyada ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan isaga ayaa ka masuul ah. Xubin kasta oo booliis ah oo ku sifawda farqada 1aad ee qodobkan waxaa lagu ciqaabayaa xadhig gaadhaya 5 ilaa 10 sanadood. Sidoo kale waxaad ogaataa diyaaradda miiga ah ee khayriyada ka taagani waxay calaamad u tahay Ciidamo dad shicib ah gumaaday oo dhibaato u gaystay, waxa kale oo aan ku xasuusinayaa in shareecada Islaamku xaaraantimaysay xadgudubyada guud ahaan iyo gaar ahaan in dadka la dhibaateeyo, Xadiis “Laa Darara Walaa Diraar”

Xirsi Cali X. Xasan, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani —05-Aug-2022—

Sh. Mustafe X. Ismaaciil
06/08/2022

Sh. Mustafe X. Ismaaciil

Muuqaalada Internetka ku jira kuwa ugu Cajiibsan waxaa kamid ah Sheekhan Waa Sheekh Magaciisu yahay Shaykh Asrar Rashid ...
06/08/2022

Muuqaalada Internetka ku jira kuwa ugu Cajiibsan waxaa kamid ah Sheekhan Waa Sheekh Magaciisu yahay Shaykh Asrar Rashid Wuxuu jooga Ingiriiska, wuxuuna dood kula jiray qolo Baadariyiin ah, Doodana waxay ka dheceysay Jaamacadda Manchester Waxaa lagu xujeystay inuu Sunta Dooliga (Jiirka) cabo, haddii uu hadalka Rasuulka Muxamed SCW Aaminsan yahay, kaasoo micno ahaan ah in qofka aysan maalintaasi sun iyo sixir waxba ka tareynin haddii uu Subixii 7 xabo oo timir ah cuno Waxay ku xujeeyeen inuu Xadiiskaas Xaqiijiyo,sun caadi ah oo tan Jiirka ahna cabo
Wuu Cabay suntii, illaa iyo maanta oo Dhacdadaas waqti laga joogana Sheekha waxba ma aysan gaarin Kawaran iimaankaasi awoodda badan Allahu Akbar Soo qor walal
Masha Allah Xaqa Allaha nagu sugo Sii Faafi Si Diintena Aan U weyneyno Oo Walalaha kale muslimiinta ah ayna ugu farxan oo Diintena

Al-Qudus Islamic Online

29/07/2022

Ku baro hab Online Qur'aanka kariimka & culuumtiisa adigoo jooga Gurigaaga hadaba is qoristu way socotaa kala xidhiidh Dhanka Whatsapp +252636640507

Address

M. MOOGE
Hargeisa
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al-Qudus Islamic Online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share