25/05/2026
Maxaad ka taqaanaa maalinta carafo
Oo ah beri oo talaado ah 26.05.2026.
1) hadii laylatul qadarka la qariyey oo habeenada ugu fadliga baddan,maalinta carafo waa la shaaciyey oo waa beri
2) hadii habeenka laylatul qadriga ay soo dagaan malaa'igutu , maalinta carafo ilaahay ayaa soo daga , soo dagid ilaah u qalanta oo aan la mid ahayn tan makhluuqa
3) soonka maalinta carafo waxaa lagu dhaafaa danbiyada labo sanno,sannadkii tagay iyo sannad soo socda
《 صيام يوم عرفة أحتسب على الله أن يكفر السنة التي قبله، والسنة التي بعده 》
3) duco la ducaysto waxaa ugu khayr baddan ducada la ducaysto maalinta carafo
4) maalinta carafo waa maalinta ugu baddan ee ilaahay adoomadiisa naar ka xoreeyo
《 ما من يومٍ أكثرَ من أن يُعتِقَ اللهُ فيهِ عبدًا من النارِ، من يومِ عرفةَ. 》.
5) maalinta carafo waa maalinta diinta islaamka la dhamastiray
6) waa maalinta ay xujaydu taaganyihiin banka carafo oo ilaahay malaa'ikta ugu faano adoomadiisa oo ilaahay danbigooda dhaafo
7) maalinta carafo waa maalin duco siiba wakhtiga sawaalka ilaa qoraxdu dhacdo
《 خيرُ الدُّعاءِ دعاءُ يومِ عرفةَ، وخيرُ ما قلتُ أَنا والنَّبيُّونَ من قبلي: لا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وحدَهُ لا شريكَ لَهُ، لَهُ الملكُ ولَهُ الحمدُ وَهوَ على كلِّ شَيءٍ قديرٌ 》
8)adaabta ducada loomaro si ducadaada loo aqbalo waxaa kamid ah
1)Qofku inuu soo waysaysto
2) Inuu qiblada u jeesto
3)Inuu gacmahaha kor utaago
4)Inuu ilaahay ku mahadiyo, amaantiisana badiyo kadibna nabiga scw ku salliyo
5)inuu ducaysto isagoo qalbiga soo xaadirinaaya oo yaqiinsan inuu ilaahay ka aqbalaayo ducadiisa
6) inuu qofku aanu ku ducaysan waxyaalo xad-gudb ah sida ilaahaw nafta ha iga qaadin oo aduunka iidaa, ilaahaw aduunka aan kugu arko iyo wax badan oo lamid ah
7) inaadan jawaabta ducaadada aan dagdagsan
Maxaa yeelay ducadu saddex mid kamid ah ayey noqotaa
1)Inuu ilaahay ku siiyo ducadaada
2)Inuu ilaahay balaayo soosocta kaaga xijaabo
3)In aakhro lagugu kaydiyo
Aan ka faa 'iidaysano fursada uu ilaahay nasiiyey maalinta carafo lagayaabaa fursadaas oo kale inaadan dib u helin
Aan ducada baddino ilaahay waydiiso dhamaan baahiyaahaga aduun iyo aakhiro iyo culayskasta oo ku haysta inuu ilaahay kaa qaado
Caawana suxuurta aan diyaarsano oo soon aan u diyaar garawno
Mahadsanidiin