مركز الإتقان لتفسير القرآن الكريم

مركز الإتقان لتفسير القرآن الكريم مركز دعوي مجاني لتفسير القرآن الكريم بنظام التعليم عن بعد

Bismillah.Xaflad lagu mamuusayay arday baranaysay Tafsiirka Qur'aanka Kariimka ah, oo dhigata Markaskul-Itqaan (مركز الإ...
06/11/2021

Bismillah.

Xaflad lagu mamuusayay arday baranaysay Tafsiirka Qur'aanka Kariimka ah, oo dhigata Markaskul-Itqaan (مركز الإتقان), ayaa habeenkii xalay ahaa ka qabsoontay aaladda "Zoom-ta", xafaladda waxaa ka soo qayb galay marti sharaf badan oo ay ka mid yihiin:
1. Shiikh Ismaaciil Gaacshe
2. Shiikh Nasruddiin Sh Axmed Dhakool
3. Shiikh C/raxman Cali Cismaan
4. Shiikh C/llaahi Sh C/raxman
iyo marti sharaf kale oo badan.

Ardaydaan oo dadaal badan soo bixisay, duruustana uu siinayay macalin Abdurahman Ahmed Dheeli, muddo 5 bilood ahna ay soo wadeen Tafsiirka Qur'aanka Kariimka ah, oo ay baranayeen qaybo (Ajzaa) ka mid ah, ayaa caawa soo afmeeray Mustawihii 2aad; iyada oo Markasku u abla-abaleeyay barashada Tafsiirka Qur'aanka qaab heerar ah, heer kastana uu leeyahay Imtixaam, iyo maamuusid gooni ah.

Markasku wuxuu shahaadooyin, iyo abaalmarinno kala duwan guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha sar-sare ka galay mustawaha 2aad.

Waxaana ay kala ahaayeen ardaydaas:

1. Hodan Abdirahman Aadam, keentayna buundo dhan 99.7%. Waxayna heshay shahaado-sharaf, iyo maamuus lacageed.

2. Amina Ali Maxamuud, keentayna buundo dhan 98.9%. Waxayna heshay shahaado-sharaf iyo maamuus lacageed.

3. Maryama AbdulkadirAbdulkarim, keentayna buundo dhan 97.6%. Waxayna heshay shahaado-sharaf iyo maamuus lacageed.

4. Hiba Mahdi Ibrahim, keentayna buundo dhan 97.6%. Waxayna heshay shahaado-sharaf, iyo maamuus lacageed.

Markasku wuxuu bogaadinayaa dhammaan ardayda ka soo gudubtay heerkan, si gaar ah ardayda Kaalmaha h**e galay, oo runtii wada ah gabdho, kaalintooda waynna muujinaysa.

05/11/2021

Mudane/Marwo waxaa Sharaf inoo ah in aad nagala soo qaybgasho Xafladda dhiirrigalinta Ardayda ka gudubtay mustawaha 2aad ee Tafsiirka qur'aanka kariimka ah.

Waa kan linkigii Xafladda

Zoom is the leader in modern enterprise video communications, with an easy, reliable cloud platform for video and audio conferencing, chat, and webinars across mobile, desktop, and room systems. Zoom Rooms is the original software-based conference room solution used around the world in board, confer...

04/11/2021
Xaflad lagu mamuusayay arday baranaysay Tafsiirka Qur'aanka Kariimka ah, oo dhigata Markaskul-Itqaan (مركز الإتقان), aya...
10/04/2021

Xaflad lagu mamuusayay arday baranaysay Tafsiirka Qur'aanka Kariimka ah, oo dhigata Markaskul-Itqaan (مركز الإتقان), ayaa habeenkii xalay ahaa ka qabsoontay aaladda "Zoom-ta", xafaladda waxaa ka soo qayb galay marti sharaf badan oo ay ka mid yihiin:
1. Shiikh Dr. Cali Abdi
2. Shiikh Dr. Ahmed Dheeli
3. Shiikh Cusmaan Maxamuud X. Dirir
4. Shiikh Ismaaciil Gaacshe, iyo marti sharaf kale oo badan.

Ardaydaan oo dadaal badan soo bixisay, duruustana uu siinayay macalin Abdurahman Ahmed Dheeli, muddo 5 bilood ahna ay soo wadeen Tafsiirka Qur'aanka Kariimka ah, oo ay baranayeen qaybo (Ajzaa) ka mid ah, ayaa caawa soo afmeeray Mustawihii 1aad; iyada oo Markasku u abla-abaleeyay barashada Tafsiirka Qur'aanka qaab heerar ah, heer kastana uu leeyahay Imtixaam, iyo maamuusid gooni ah.

Markasku wuxuu shahaadooyin, iyo abaalmarinno kala duwan guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha sar-sare ka galay mustawaha 1aad.
Waxaana ay kala ahaayeen ardaydaas:

1. Hodan Abdirahman Aadam, keentayna buundo dhan 98.8%. Waxayna heshay shahaado-sharaf, iyo maamuus lacageed.

2. Maymuun Mursal Jaamac, keentayna buundo dhan 97.7%. Waxayna heshay shahaado-sharaf, iyo maamuus lacageed.

3. Aamino Cali Maxammuud, keentayna buundo dhan 97%. Waxayna heshay shahaado-sharaf, iyo maamuus lacageed.

Markasku wuxuu bogaadinayaa dhammaan ardayda ka soo gudubtay heerkan, si gaar ah ardayda Kaalmaha h**e galay, oo runtii wada ah gabdho, kaalintooda waynna muujinaysa.

Address

Bosaso

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when مركز الإتقان لتفسير القرآن الكريم posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share