26/09/2023
Masjidka Xaaji Cumar (Baqare) waxa la dhisay sanadkii 1985-kii magaalada Boorama, Xaafada Saybeeriya ee Sheekh Cali Jowhar oo ahayd dhul miyi ah oo aan wakhtigaas wax horumar ahi ka jirin, sidoo kalena aan lahayn dugsiyo lagu barto diinta islaamka iyo aqoonta kale toona sidoo kale ma jirin masaajid ay ku tukadaan dadka nool deegaankaas oo dhalinyaro iyo dad waawaynba lahaa.
Allaha u Naxariistee waxaa Masaajidkii iyo Madarasadii Quraan ee u horaysay ka hirgaliyay Xaaji Omer ( Baqare) oo ahaa shakhsigii ugu horeeyay ee deegaankaas ka horgaliya mid ka mid ah baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada.