30/08/2026
Maalin Khamiis ah, oo taarikhduna tahay 14-ka bisha Mowliid 1448 Hijriyada, waafaqsana 27-ka bisha August 2026, ayaa si rasmi ah u bilaabmay Qur’aan aqris iyo fidoow loogu duceynayo caalimka weyn, Alcalaamah Al-Sayid Aabe Sheekh Maxamed Xuseen Sheekh Cabdi Aabe Sheekh Maxamed Raamoole, رضي الله عنه.
Qur’aan aqriskan iyo fidoowga ayaa socon doona muddo hal toddobaad ah, iyadoo maalmahaas lagu guda jiro ducooyin iyo xus loo samaynayo caalimkan weyn.
Barnaamijkaasi ayaa lagu soo gabagabayn doonaa isu-imaatin aad u weyn, kaas oo ay ka soo qayb geli doonaan culimada, mashaa’ikhda iyo hogaamiyeyaasha Duruqada Suufiyada ee ku sugan dalka Kenya iyo marti sharaf ka imanaysa daafaha kala duwan ee caalamka.
Dhammaan hawlahaas ayaa hordhac u ah Ziyaarada weyn, taas oo qorshuhu yahay inay dhacdo maalinta 23-aad ee bisha Mowliid, Insha Allah.
Warbixinada, munaasabadaha iyo dhammaan wixii ku saabsan Ziyaaradan weyn waxaad kala socon doontaan warbaahinada ka shaqaya arrimaha diinta, gaar ahaan JAMA'ATULNUUR TV iyo warbaahinada kale ee kashaqeya arimaha diinta
Wakan alcalaamah alsayid aabe sheikh cabdinuur cabdullahi xafiduhullah oo inoofuray ziyaarada