08/05/2026
BISHAARO ! BISHAARO ! BISHAARO!
Waxaa habeenkii xalay laga daah-furay masaajidka Nuur ee magaalada Jigjiga Macahdka Al Minhaaj Al Islaami oo noqon doona haddi Rabbi SWT idmo mashruuc mug wayn oo awoodda saari doona sugidda cilmigii masjidka lagu yaqaannay een ku soo dhaqannay iyo ka faa'iidaysiga waxyaabaha cusub ee uu ardayga xilligan jooga u baahan yahay.
Xogta machadkan linkigan hoose ka fiiri:
https://www.facebook.com/share/p/1BEcFaZULf/
See les
Hagaha Kooban Ee Xogta Machadka Al Minhaaj Al Islaami Ee Magaalada Jigjiga.
Warbixin kooban oo ku saabsan machadka:
1⃣ Magaca machadka:
Al Minhaaj Al Islaami
2⃣Qeexidda machadka:
Waa machad sharci ah oo aan dowli ahayn kana jira magaalada Jigjiga, kana shaqayn doona baridda culuumta shareecada Islaamka iyo luuqadda carabiga , isaga oo isku daraya asalnimada waxtarka leh iyo casriyeynta faa’iidada leh. Aqoonta uu bixin doono waxay u dhigmi doontaa daraasaadka sare ee tacliinta.
3⃣Farriinta machadka:
Machadka Al Minhaaj Al Islaami wuxuu ku dadaalayaa faafinta cilmiga shareecada ee wiilasha iyo gabdhaha muslimiinta, si loogu diyaariyo xanbaaridda shareecada Islaamka.
4⃣Himilada machadka:
Soo saarista aqoonyahanno ku takhasusay culuumta shareecada, si ay uga qayb qaataan waxbaridda, qorista iyo wacyigelinta bulshada.
5⃣Ujeeddooyinka machadka:
Ujeeddada guud:
Faafinta cilmiga shareecada iyada oo loo marayo dhabaha cilmiga iyo akhlaaqda suuban.
6⃣Ujeeddooyinka gaarka ah:
Waxaa ka mid ah:
1- In la dhiso faham cilmiyeed oo dheellitiran oo ku saabsan arrimaha diinta iyo nolosha.
2- In la soo saaro arday ku hubaysan culuumta shareecada, awoodna u leh la jaanqaadka baahiyaha bulshada.
3- In laga qayb qaato wacyigelinta jiilasha maanta si ay door wax ku ool ah uga qaataan kobcinta bulshada iyo diyaarinta mustaqbalka.
7⃣Muddada waxbarashada:
Muddada machadku waa afar sano.
8⃣Qaabka waxbarashada:
Galinka h**e oo keliya ayaa hadda la dhiganayaa. 8:00am illaa 12:00pm.
9⃣Shuruudaha gelitaanka machadka:
1- Ardaygu waa inuu dhammeeyey Qur’aanka Kariimka ah, ugu yaraanna xifdiyey shan juz oo kamid ah quraanka, waxna uga billaabanyihiin culuumta sharciga.
2- Waa inuu leeyahay akhlaaq iyo dhaqan wanaagsan.
3- Waa inuusan lahayn cillado ka hor istaagaya waxbarashada.
4- Waa inuu si buuxda ugu diyaar garoobaa waxbarashada machadka.
5- Waa inayna da'diisu ka yarayn sano hadduuna xifdisnayn quraanka oo dhan.
🔟Qiyamka machadka:
Runta iyo ikhlaaska, cilmiga iyo camalka, raacidda Sunnada, hufnaanta iyo hal-abuurka, xifdinta iyo fahamka, qadarin iyo ixtiraam, iyo ugu yeeridda dadka xagga Alle wakhti kasta iyo meel kastaba.
Isdiiwaan-galintu waxay ka furmi doontaa dabaqa 1aad ee Masjid Nuur, maalinka sabtida ah ee 9 May, laga billaabo 9:00am subaxnimo illaa 12:00pm Ee duhurnimo.
Wixii Faahfaahin ah hoos kala xidhiidh:
📞Taleefan: +251915206300
📱WhatsApp: +251915206300
📧Email: [email protected]