13/01/2023
MUCJISOOYINKA QU‘RAAN KA☝🏽
سورة المسد
waa suurad ka kooban 5 aayadood, waxayna ku soo dagtay makka al-mukarama, waana suurada 111 ee rartiibka quraanka marka kor laga soo bilaabo,waxayan ku jirtaa juska ³⁰aad ee cama,waana 29 kalmadood iyo ⁸¹ xaraf.
Sababta ay u soo dagtay waxaa ay tahay in ay cadayso masiirka ama waxa u dambayn doona cabdil-cusaa binu cabdi mudhalib loona yaqaan Abii lahab iyo xaaskiisa midaas oo ah in ay naar galayaan
Ma ogtahay in abii lahab uu noolaa 10 sano kadib intay suuradaas soo dagtay, oo hadii uu islaamnimada qaadan lahaa ay gaaladu fashili lahaayeen oo dhihi lahaayeen hada wuu islaamay cadaabna gali mayo.
waana suuradii ugu horaysay ee dad khaas ah loogu sheegay yoolka sugaya, waxaana ku xigta suurada القلم loona yaqaan نون
taas oo tilmaamtay sida u dambaysa Waliid binu muqiira