faafinta diinta islaamka

Directions Website

faafinta diinta islaamka Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from faafinta diinta islaamka, Religious organisation, abu shagara Park, sharjah, Sharjah.

12/02/2023

🥺🥺ilaahay quraanka qulubteena haku qooyo❤

05/02/2023

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa cali binu abii daalib (RC) iyo wiilkiisii xasan isku raaceen suuqa si ay wax uga soo iibsadaan, ka dib wuxu...

Cabdilaahi binu jacfar (RC) ayuu wuxuu ku luganayay dhul kaymo ah ilaa markii danbe uu yimid meel b**r ah oo uu ka shaqa...
05/02/2023

Cabdilaahi binu jacfar (RC) ayuu wuxuu ku luganayay dhul kaymo ah ilaa markii danbe uu yimid meel b**r ah oo uu ka shaqanayay wiil yar oo ka mid ahaa adoonkii cabaasiyiinta ka dib qof ayaa wiilkii yaraa cunto u keenay isla markii loo keenay ayaa waxa soo ag istaagay ay dawaaf ah oo aan meesha hour u jooji jirin!!!
Wiilkii yaraa wuxuu u tuuray aygii jab roodhiya, eygii ayaa cunay roodhidii balse meeshii k**a uusan dhaqaaqin, mar labaad ayuuna jab roodhi ah hadana uu u tuuray eygii ayaa cunay, hadana jabkii roodhida ahaa ee kale, balse meesha k**a uusan dhaqaaqin, weli sidaas ayayna ku socotay ilaa uu siiyay dhamaan cunto maalmeedkiisii iyo aysan wiilkii usoo hadhin wax cunto ah!!!

Cabdilaahi binu jacfar (RC) oo arintaa daawanayay ayaa wiilkii weydiiyay maalintii imiso xabo oo roodhiya ayaad heshaa?

Wiilkii ayaana ku jawaabay sadex xabo oo roodhida sidaad imikaba arkaysay!!!

Cabdilaahi binu jacfar (RC) ayaa hadana weydiiyay wiilkii yaraa maxaad naftaada uga doorbiday ayga oo aad u siiyay dhamaan sadexdii roodhi ee aad haysatay, wiilkii yaraana ayaa waxa uu ugu jawaabay cabdilaahi binu jacfar (RC) meelahan wax eey ahi ma joogaan, eygana wax aka muuqata inuu safar dheer soo galay si uu halkan usoo gaadho, aad ayuu u gaajaysan yahay sidaa darteed waxa ceeb ila noqotay, inaan diro aniga oo aan siin wax cunto ah!!!

Cabdilaahi binu jacfar ayaa hadana wiilkii yaraa weydiiyay, manta maxaad cunto ka dhiganaysaa, wiilkii yaraa ayaa hadana waxa uu ugu jawaabay, manta cunto la’aan ayaan ahaan, waxbana k**a qabo, cabdillahi binu jacfar (RC) ayaa naftiisa ku yidhi dadku waxay igu sheegaan inaan si xad dhaaf ah wax u bixiyo, balse wiilkan yar oo adoonka ah ayaa iga deeqsisan, intaas ka dibna cabdilaahi binu jacfar waxa uu ku laabtay magaaladii, ka dibna waxa uu ka iibsaday ninkii mulkiilaha ahaa wiilkii yaraa ee adoonka u ahaa.

Beertii iyo dhamaan wixii b**rta yaalay oo dhan cabdilaahi binu jacfar (RC) wuxuu xoreeyay wiilkii yaraa, waxaanu hadyad ahaan b**rtii uu ka shaqayn jiray!!!

Marwalba waxa wanaagsan same una same alle dartii, allaah wuu ka abaal mariyaa, in uu qofku ilaahay dartii waxa u qabtaa waa shay aad u qiimo badan oo midho dhal fiican aad ka helayso, waxaynu taariikhda ku haynaa gabadh jidhkeeda ka ganacsan jirtay ay quudisay bisad janada ay ku gashay, inaad dadka anfacdaa waa arimaha diinta islaamka ugu waaweyn, waxaanu yidhi nebigu (scw) dadka waxa u waxtar badan ka dadka anfaca.

Walaal waxaan kugu boorinayaa inaad hayaraato ha badnaato aad noqoto qof umada waxtara oo dadka anfaca, dadkuna ku daydaan beri ka maalina ay dadku ku xasuustaan waxyaabo fiican oo ajarkooguna kuu socdo, balse taa kasoo horjeedkeeda waa inaad iska ilaalisaa inaad dadka dhibaato gaadho, wanaagaaguna yaraado, markasta waxa inoo balana ha ahaato mid weyn iyo midyarbaba inaynu ka dhaqan dhigano diinteena suuban ee islaamka.

Address

Abu Shagara Park, Sharjah
Sharjah

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when faafinta diinta islaamka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share