13/12/2020
Ha ka dhigin qalbigaaga hoy murugo u ah ka fikirida bani'aadanimka, kana ilaali waxkasta oo dib u dhac iyo xumaanku abuuraaya qalibigaagan nadiifnta ah, hadii kale Waxaa uu noqondoonaa mid wasakhaysan oo xiqdi, xaasidnimo iyo munaafaqnimo buux-dhaafisay si xuna u fikira.
Ogoow qalbigaagu waa hage iyo jiheeye wanaagsan sidoo kale waa muraayad qaaliya hadii aad nadiif ka dhigato noloshaaduna waxay noqondoontaa mid iftiin ah oo wanaagsan.
Hadaba si qalbigaagu u noqdo mid wanaagsan oo si wanaagsan u fikira nadiifna ka noqda xanuunada kasta oo aan dawo lahayn sida xaasidnimada, nacayba, beenta, cadaawada iyo munaafaqnimada ka dhig qalbigaaga hoy ku camiran cibaadada Alle, dikriga iyo istiqfaarta, quraan akhriska ,cabsida Alle iyo xuskiisa.
Intaas hadii uu helo qalbigaagu oo aad uga dhigto quut (cuno) joogta ah maalin kasta waxaa uu noqon doonaa mid wanaagsanaada, maxaa yeelay waxaad siisay quudkii ku haboona. Ogoowna hadii uu qalbigaagu wanaagsanaado waxaa fiicanaanaya dhamaan qofnimadaada jidh ahaaneed.