21/08/2026
Jacaylka iyo Weyneynta Nabiga ﷺ
Dabaaldegga dhalashada Nabigeenna Muxammad ﷺ ma aha habka ugu wanaagsan ee lagu muujiyo jacaylka iyo weyneyntiisa. Jacaylka dhabta ah waxaa lagu muujiyaa raacidda Sunnadiisa, ku dhaqanka hanuunkiisa, iyo ku dayashada akhlaaqdiisa.
Saxaabadii Rasuulka ﷺ waxay ahaayeen kuwa ugu jacaylka iyo xushmadda badan, haddana ma aysan u dabaaldegin dhalashadiisa. Sidaas darteed, haddii aynu dhab u jecelnahay Nabiga ﷺ, aynu ku weynayno raacidda Sunnadiisa iyo ku dhaqanka amarkiisa, waayo Alle wuxuu yiri:
﴿قُلْ إِن كُنتُمْ تُحِبُّونَ اللَّهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللَّهُ﴾
“Waxaad dhahdaa: Haddii aad Alle jeceshihiin, i raaca; Alle wuu idin jeclaanayaa.” [Aal-Cimraan: 31]