Wacyikaab Somali tv

Wacyikaab Somali tv Pagekan waxaad kala socon doon taan talooyin iyo tusaalayaal maan gal ah

29/05/2026

Sheekh Kaariye oo si adag uga hadlay arinka qudus iyo somaliland

08/04/2026

Markii uu xilka la wareegay, wuxuu u muuqday maamule leh aragti fog iyo himilo cad.
Maamulkii uu qabtay wuxuu ahaa meel h**e u liidatay, balse si tartiib ah ayuu u hagaajiyay wuxuu dhisay nidaam, wuxuu xoojiyay kalsoonida dadweynaha, wuxuuna dejiyay qorsheyaal mustaqbalka lagu tiigsanayo.
Muddo kooban gudaheed, waxaa la dareemay isbeddel muuqda oo dhinacyo badan ah.

Laakiin sida dhacda marar badan, marxalad kasta waxay leedahay imtixaanadeeda.
Waxyaabihii h**e u socday si xawli leh ayaa bilaabay inay gaabis noqdaan.
Go’aamadii ayaa dib u dhac galay, hawlihii la qorsheeyayna waxay u ekaadeen kuwo istaagay meel dhexe.
Dadkii ku xeernaa ayaa noqday kuwo kala aragti duwanaaday, halka jihadii h**e u caddayd ay bilaabatay inay mugdi gasho.

Gaabiskii wuu sii dheeraaday, wuxuuna isu beddelay daal muuqda.
Maamulkii oo h**e u ahaa mid firfircoon ayaa noqday mid caga jiid ku socda.
Talaabo kasta waxay u baahatay waqti dheer, go’aan kasta wuxuu u ekaaday mid la isku mari la’yahay.
Waxaa yaraaday firfircoonidii iyo himiladii h**e.

Markii danbe, xaaladdu waxay u gudubtay marxalad ka sii qoto dheer.
Waxa muuqday in wax badan ay gudaha ka burbureen, inkastoo dusha sare wax walba sidii h**e loo muujinayo.
Kalsoonidii ayaa si tartiib ah u daciiftay, rajadii h**ena waxay isu beddeshay su’aalo aan jawaab lahayn.
Marka dib loo eego, sheekadani ma aha mid ku kooban maamul oo keliya waa tusaale muujinaya sida wax kasta oo si qurux badan u bilowda ay u wajahaan isbeddel, iyo sida adkeysigu u go’aamiyo halka uu ku dhammaanayo safarku.

Eng:Hanuuniye

20/03/2026

Duqsi ururay Aagaan marido waana oriyaaye

Xigasho

15/02/2026

Ubadka in lagu barbaariyo waddaniyad wa arrin muhiim ah saaranna barayaasha

05/02/2026
05/02/2026

Waa maxay waddaniyad ?

Waddaniyadu waa jacayl,
daacadnimo, iyo masuuliyad qofku u hayo dalkiisa
Ma aha hadal kaliya, waa ficil iyo dhaqan.

03/02/2026

Dardaaran ku Socda Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhalinyarooy, inaku waxaynu nahay laf-dhabarta maanta iyo rajada berrito.
Ummad aan dhalinyaro wacyi leh lahayn, ma leh mustaqbal la hubo.
Sidaas awgeed, waxaan idiin jeedinayaa dardaaran ka soo burqanaya qalbi daacad ah, kana tarjumaya masuuliyadda ina saaran.
Marka h**e, ilaaliya diinteenna.
Diintu waa iftiinka hagaya nolosha qofka iyo tan bulshada.
Waa tiirka sharafka, akhlaaqda, iyo cadaaladda.
Ku dheganaada cibaadada, barashada diinta, iyo ku dhaqankeeda.
Ka fogaada xagjirnimo iyo dayac labadaba, waayo diintu waa naxariis, iyo xikmad.
Marka labaad, aynu ilaalinno dalkeenna.
Dalkeenu waa hoygeena waa dhulkii aynu ku barbaarnay, kuna leenahay taariikh iyo dhaqan.
Difaaca dalku ma aha oo keliya hub qaadasho, ee waa ilaalinta midnimada, nabadda, sharciga, iyo ka shaqaynta horumarkiisa.
Ha noqonina kuwo burburiya, balse noqda kuwo dhisa, wax ku dara, oo u taagan horumar waara.
Marka saddexaad, ilaaliya dadka.
Dadku waa hantida ugu qaalisan ee ummad leedahay.
U naxariista waayeelka, u hiiliya ka tamarta yar, una noqda tusaale wanaagsan jiilasha soo socda.
Ka fogaada dulmi, qabyaalad, iyo nacayb.
Ku dadaala wada noolaansho, is-ixtiraam, iyo walaaltinimo.

Dhalinyarooy, ogaada in ficilkiinna maanta uu sawirayo mustaqbalka berri.
Ha yareysanina doorkiinna.
Haddii aad saxdaan, ummaddu way toosi doontaa; haddii aad dayacdaan, cawaaqib xumo ayaa iman doonta.

Ugu dambayn, noqda dhalinyaro diintooda ku faanta, dalkooda jecel, dadkoodana u adeegta.
Taasi waa sharaf, taasi waa guul, taasi waa badbaado.

Ilaahay ha ina waafajiyo waddada toosan, hana inaga dhigo kuwo dalkooda, diintooda, iyo dadkooda anfaca.

Eng Hanuuniye

22/01/2026

Dalkeena Yaa Umaqan oo Inoo Hagaajinaya?

Mar kasta oo aan eegno xaaladda dalkeenna, qalbiga waxaa ku soo dhacda su’aalo murugo iyo fakar xanbaarsan: yaa naga maqan oo inoo hagaajinaya dalkan?
Maxay tahay sababta aynu uga diiri la’nahay dhibkan 40 ka sano Ina haysta?!

Dalkeennu ma ahan mid ka madhan kheyraad, dad aqoon leh, ama taariikh fac weyn. Waxaase muuqata in uu ka arradan yahay midnimo dhab ah, hoggaan daacad ah, iyo shacab xil iska saara masiirkiisa.
Inta badan waxaan sugnaa in qof kale” yimaado hoggaamiye mucjiso ah ama gargaar shisheeye laakiin mar walba waan illoownaa in isbeddelku ka bilaabmo nafteena.

Jaallayaal waa iga su’aale sidee ugaadhnaa badhaadhe aynu ku nasano?

24/11/2025

Qiso Cajiiba nin cibaado badnaa

07/05/2025

Hadii aan fagaaraha diblumaasiyadda baryo kamaqnaa hada waan soo laabtay shaadh aan leeyahay oo danbe wiil yari isku eegi maayo.

Address

Laascaanood
LAASCAANOOD

Telephone

+252634939344

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wacyikaab Somali tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share