Wacyikaab Somali tv

Wacyikaab Somali tv Pagekan waxaad kala socon doon taan talooyin iyo tusaalayaal maan gal ah

15/02/2026

Ubadka in lagu barbaariyo waddaniyad wa arrin muhiim ah saaranna barayaasha

05/02/2026
05/02/2026

Waa maxay waddaniyad ?

Waddaniyadu waa jacayl,
daacadnimo, iyo masuuliyad qofku u hayo dalkiisa
Ma aha hadal kaliya, waa ficil iyo dhaqan.

03/02/2026

Dardaaran ku Socda Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhalinyarooy, inaku waxaynu nahay laf-dhabarta maanta iyo rajada berrito.
Ummad aan dhalinyaro wacyi leh lahayn, ma leh mustaqbal la hubo.
Sidaas awgeed, waxaan idiin jeedinayaa dardaaran ka soo burqanaya qalbi daacad ah, kana tarjumaya masuuliyadda ina saaran.
Marka h**e, ilaaliya diinteenna.
Diintu waa iftiinka hagaya nolosha qofka iyo tan bulshada.
Waa tiirka sharafka, akhlaaqda, iyo cadaaladda.
Ku dheganaada cibaadada, barashada diinta, iyo ku dhaqankeeda.
Ka fogaada xagjirnimo iyo dayac labadaba, waayo diintu waa naxariis, iyo xikmad.
Marka labaad, aynu ilaalinno dalkeenna.
Dalkeenu waa hoygeena waa dhulkii aynu ku barbaarnay, kuna leenahay taariikh iyo dhaqan.
Difaaca dalku ma aha oo keliya hub qaadasho, ee waa ilaalinta midnimada, nabadda, sharciga, iyo ka shaqaynta horumarkiisa.
Ha noqonina kuwo burburiya, balse noqda kuwo dhisa, wax ku dara, oo u taagan horumar waara.
Marka saddexaad, ilaaliya dadka.
Dadku waa hantida ugu qaalisan ee ummad leedahay.
U naxariista waayeelka, u hiiliya ka tamarta yar, una noqda tusaale wanaagsan jiilasha soo socda.
Ka fogaada dulmi, qabyaalad, iyo nacayb.
Ku dadaala wada noolaansho, is-ixtiraam, iyo walaaltinimo.

Dhalinyarooy, ogaada in ficilkiinna maanta uu sawirayo mustaqbalka berri.
Ha yareysanina doorkiinna.
Haddii aad saxdaan, ummaddu way toosi doontaa; haddii aad dayacdaan, cawaaqib xumo ayaa iman doonta.

Ugu dambayn, noqda dhalinyaro diintooda ku faanta, dalkooda jecel, dadkoodana u adeegta.
Taasi waa sharaf, taasi waa guul, taasi waa badbaado.

Ilaahay ha ina waafajiyo waddada toosan, hana inaga dhigo kuwo dalkooda, diintooda, iyo dadkooda anfaca.

Eng Hanuuniye

22/01/2026

Dalkeena Yaa Umaqan oo Inoo Hagaajinaya?

Mar kasta oo aan eegno xaaladda dalkeenna, qalbiga waxaa ku soo dhacda su’aalo murugo iyo fakar xanbaarsan: yaa naga maqan oo inoo hagaajinaya dalkan?
Maxay tahay sababta aynu uga diiri la’nahay dhibkan 40 ka sano Ina haysta?!

Dalkeennu ma ahan mid ka madhan kheyraad, dad aqoon leh, ama taariikh fac weyn. Waxaase muuqata in uu ka arradan yahay midnimo dhab ah, hoggaan daacad ah, iyo shacab xil iska saara masiirkiisa.
Inta badan waxaan sugnaa in qof kale” yimaado hoggaamiye mucjiso ah ama gargaar shisheeye laakiin mar walba waan illoownaa in isbeddelku ka bilaabmo nafteena.

Jaallayaal waa iga su’aale sidee ugaadhnaa badhaadhe aynu ku nasano?

24/11/2025

Qiso Cajiiba nin cibaado badnaa

24/11/2025

Sh.Maxamuud Xaliike

25/10/2025

Mustaqbalka ummaddu ma aha wax la sugo ee waa wax la dhiso. Ummad walba oo horumar iyo sharaf gaadha waxay ku gaadhaa marka ay dhalinyaradeedu ku fekeraan sidii ay berri uga dhigi lahaayeen mid ka wanaagsan maanta.
Haddii aynu doonayno in mustaqbalkeennu iftiimo, waa in aynu maanta beerno geedka aqoonta, wadajirka, iyo cadaaladda.
Ummad aan qorshe lahayn waa sida dooni aan hage lahayn — halka dabayshu u riddo ayay u dhacdaa.
Aan noqono jiil dhisa, ma aha jiil dhaxla kaliya. Mustaqbalka ummaddu wuxuu ku jiraa gacmaheena maanta.

04/10/2025

I’m Somali

Qorshe yeelashadu waa furaha guusha. Qof aan qorshe lahayn wuxuu la mid yahay markab badda ku socda oo aan jiheeye lahay...
29/09/2025

Qorshe yeelashadu waa furaha guusha. Qof aan qorshe lahayn wuxuu la mid yahay markab badda ku socda oo aan jiheeye lahayn, halka qof leh qorshe cad uu si fudud u gaadho halkuu doonayo. Qorshuhu wuxuu qofka barayaa sida loo kala hormariyo hawlaha, loogana fogaado waqtiga iyo tamarta lagu khasaareeyo wax aan muhiim ahayn, isla markaana la helo yool nololeed oo muuqda.
Kaalinta uu qorshuhu ku leeyahay horumarinta nafta waa mid aad u weyn: wuxuu kobciyaa kartida, kalsoonida, iyo isku-filnaanshaha.
wuxuu qofka barayaa inuu qiimeeyo horumarkiisa; wuxuuna dhiirrigeliyaa inuu had iyo jeer horay u socdo. Sidaas darteed, qorshe joogto ah iyo ku-dhaqaaqistiisu waa aaladda ugu muhiimsan ee qofku naftiisa ku horumarin karo.

22/09/2025

Waddaniyaddu waxay dhiirrigelisaa qofku inuu u diyaarsanaado difaaca dalkiisa’dadkiisa iyo diintiisa

07/05/2025

Hadii aan fagaaraha diblumaasiyadda baryo kamaqnaa hada waan soo laabtay shaadh aan leeyahay oo danbe wiil yari isku eegi maayo.

Address

Laascaanood
LAASCAANOOD

Telephone

+252634939344

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wacyikaab Somali tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share