Sadam Yonis Ismail

Sadam Yonis Ismail Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Sadam Yonis Ismail, 252634540273, Hargeysa.

Da'deedu waa 24 jir, waa gabadh ku jirta waqtigii ugu wanaagsanaa nolosheeda.Waxay se la noolayd MADAX-XANUUN joogto ah,...
18/04/2024

Da'deedu waa 24 jir, waa gabadh ku jirta waqtigii ugu wanaagsanaa nolosheeda.
Waxay se la noolayd MADAX-XANUUN joogto ah, umase ay tagin diktoor ku haboon xanuunkeeda oo la tacaala.

Waxay si joogto ah u qaadan jirtay dawo xanuun biiye ah, waana dawada sawirka hoose ka muuqata.

Dhawaan ayaa pharmacy ka cabiray cadaadiska dhiiga oo uu u sheegay inay leedahay dhiikar (180/130).
Cisbitaalka oo ay noogu timid, shaybaadho kadib , waxaan ogaanay inay KELYUHU shaqada yareeyeen.

Sawir kelyaha ah oo la saaray ayaa cadeeyay in labada kelyood xajmi ahaan yaraadeen ( 6cm ).
Shaqada kelayaha hada waxay marayaan boqolkiiba 13%.

Ilaahay baa caafimadka hayee mustaqbalka gabadhani waa in dhiiga loo sifeeyo ( dialysis ) ama kali loo bedeli (renal transplantation).

Hargeisa pharmacy yada ku yaala dhibkooda ayaa ka badan dheeftooda.
Dhalinyarada gaar ahaan hablaha ha laga wacyi geliyo dhibka ay kiniinada xanuun biiyayaashu ku keeni karaan kelyaha.

WQ:

Dr abdirazak Yousuf kahin, family physician, Hargeisa group Hospital

09/10/2023

If we are Muslim people, we all stands Palestinian people, we are supporting Hamas and their Actions.

Waxay uga tagi jirtay ilmaheda yar Eey daacad u ah xiliyada ay goobaha dhaw aadayso, sida jimicsiga iyo goobaha dhaw mar...
10/05/2023

Waxay uga tagi jirtay ilmaheda yar Eey daacad u ah xiliyada ay goobaha dhaw aadayso, sida jimicsiga iyo goobaha dhaw marka ay kasoo dukaamaysanayso.
Maalin maalmaha kamid ah ayay aaday suuqa, oo ay Eygii uga tagtay canugeda yar, waxayna soo laabagay qolkii oo wada dhiig ah, markiiba waxay raadisay cunugii oo waxay aragtay dharkiisii oo jar jaran, xafaayadiisii oo meel gaar ah taal iyadoo dhiigu qariyay.
Dubra waxaa sariirta hoosteeda kasoo baxay Egyii oo markaas soo dhameestay cunista hilib fresh ah, taas oo aad moodo inuu aad ugu soo raaxeestay, waxay markiiba qaadatay ul' wayn oo waxay nafta ka jartay Eygii mudada daacada u'ahaa!!!
Iyadoo isleh ilmahaagii bal cad kamid ah inuu reebay eeg, ayay sariirta dhankeeda kale ku aragtay cunugeedii oo qaawan, dhoolla cadaynaya misna caafimaad qaba, iyo raqda Mas wayn oo halkaa lagu cunay, Eygii ay dishay ee daacada u ahaa ayaa badbaadiyay ilmaheda yar, kaas oo ladagaalamay Mas nuuca Jabisada loo yaqaan, oo uu halkaas Eygii ku dilay, kuna cunay qaar kamid ah Maskii☠️
Bal qiyaas sidaan dadka qaar u xukumno innagoo waxba hubsan, oo aan ku eedeeno wax aysan sameen. FADLAN HUBSO INTAADAN RUUX AMA XAWAYAAN DANBI DUSHA KA SAARIN.

21/08/2022

WAA KUMA MADAXWAYNAHA CUSUB EE JAAMCADA CAMUUD?

Professor Dr Mohamed Muse Jibril

Taarikhda iyo Waxbarashada, Dr. Mohamed Muse Jibril (1969-2022)

Dr Mohamed Muse waxa uu ku dhashay Tuulada Gorayacawl
Sandkii 1969.
Dugsiga Quraanka iyo dugsiga hoose dhexe waxa uu ku qaatay isla tuulada Goraya Cawl.

Dugsiyada sarena waxa uu kuqaatay Camuud iyo Sh Ali Jawhar.
Waxbarashada Heerka Jaamacadeed waxa uu ku qaatay
1. Jaamcada Camuud, Degree ga Koobaad
2. Fortehare University, Public Financial Management ee Dalka South Africa ayuu dhamaystay.

3. waxa uu ka qaatay Kambala International University, Second Degree
4. Hadana waxa uu kubiiray Ankara University, Turkish Language
5. Waxa uu shahadada ugu sareysa ee PhD Ka qaatay Uruda University, ee kutala Dalka Turkiga.

Waaya Aragnimadiisa dhanka shaqada:

1. Macalim Dugsi Hoose Dhexe
2. Gudoomiye Urur Aan Dawli Ahayn
3. Maamule dugsiga sare ee Ardaale
4. Iskuduwe wasaarada dib u dejinta Gobolka Awdal.
5. Gudoomiyaha Commission ka Doorashooyinka Gobolka AWDAL.

Xilalki u kasooqabtay Jaamacada Camuud.

1. Waxa uu ka noqday marki ugu horeysay Macalin (Lecturer)
2. Hormuudka Kuliyada Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ( Dean faculty of Business and Economics)
3. Diwaanhayaha Guud ee Jaamacada Camuud (Registrar)
4. Hormuudka Postgraduate School. (Dean of postgraduate and research)
5. Ugu danbayn waxa uu uhaa Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Waxbarashada (vicepresident of Acadamic affairs).

Dr, Mohamed Muse Jibril maanta waxa uu la wareegay xilka madaxwaynaha cusub ee Jaamcada Amoud.

WQ/ Mohamed Abdi Osman
Hormuudka kuliyada Beeraha iyo Deeganka ee jaamcada Camuud.

13/07/2022
13/07/2022
13/07/2022

More congratulations To all medical school graduates from Amoud University Borama Class of 2022.
I'm sending here especial Congratulation to 1st and 2nd Ranks OSCE honour.
Dr. Abdi Shakur Digale
And
Dr. Awatif Bashiir

Hambalyo dhmaantiin our senior Doctors.

Address

252634540273
Hargeysa
454

Telephone

+252634894616

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sadam Yonis Ismail posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Place Of Worship

Send a message to Sadam Yonis Ismail:

Share