22/04/2026
إنا لله وإنا إليه راجعون إِنَّ لِلَّهِ مَا أَخَذَ، وَلَهُ مَا أَعْطَى، وَكُلُّ شَيْءٍ عِنْدَهُ بِأَجَلٍ مُسَمًّى، فَلْتَصْبِرْ وَلْتَحْتَسِبْ
Waxaan si tiiraanyo leh uga tacsiyaynaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Shiikh Daawuud Xirsi Siyaad, oo ahaa caalim weyn, fakiih, Geerida culimadu waa masiibo weyn oo ku timid guud ahaan umadda Soomaaliyeed iyo dunida Islaamkaba, waayo "Geerida Caalimku waa Geerida Caalamka."
Shiikh Daawuud wuxuu ahaa tiir ka mid ah tiirarka cilmiga, isagoo noloshiisa u hibeeyay faafinta diinta iyo hanuuninta dadka. Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu hawshii adkayd ee uu soo qabtay miisaanka qabriga ugu daro.
Illaahey naxariistii Janno ha ka waraabiyo, qabrigana ha u nuuriyo, ehelkii, qaraabadii iyo ardaydii uu ka tagayna samir iyo iimaan ha ka siiyo. Jannatul Firdowsa Ilaahay ha ka waraabiyo Shiikha.
إنا لله وإنا إليه راجعون
بِبَالِغِ الْحُزْنِ وَالْأَسَى، وَبِقُلُوبٍ مُؤْمِنَةٍ بِقَضَاءِ اللهِ وَقَدَرِهِ، نَنْعَى إِلَى الْأُمَّةِ الْإِسْلَامِيَّةِ رَحِيلَ الْعَالِمِ الرَّبَّانِيِّ وَالْفَقِيهِ الْوَرِعِ، الْوَالِدِ الشَّيْخِ: دَاوُود حِرْسِي سِيَاد.
لَقَدْ كَانَ الشَّيْخُ مَنَارَةً لِلْعِلْمِ، وَرُكْنًا مِن أَرْكَانِ الْفِقْهِ، قَضَى عُمْرَهُ فِي طَاعَةِ اللهِ وَخِدْمَةِ دِينِهِ، فَكَانَ لِلْجَاهِلِ مُعَلِّمًا، وَلِلْحَائِرِ مُرْشِدًا. إِنَّ فَقْدَ الْعُلَمَاءِ ثُلْمَةٌ فِي الدِّينِ لَا تُسَدُّ، وَمُصِيبَةٌ لَا تُجْبَرُ إِلَّا بِعَظِيمِ الصَّبْرِ.
اللَّهُمَّ اغْفِرْ لَهُ وَارْحَمْهُ، وَأَسْكِنْهُ فَسِيحَ جَنَّاتِكَ، اللَّهُمَّ اجْزِهِ عَنِ الْإِسْلَامِ وَأَهْلِهِ خَيْرَ الْجَزَاءِ، وَارْفَعْ دَرَجَتَهُ فِي الْمَهْدِيِّينَ، وَاخْلُفْهُ فِي عَقِبِهِ فِي الْغَابِرِينَ. إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ