29/08/2020
JANNADA RAXMMAANKA.
HOYGA RASMIGA AH EE GUUD AHAAN MUMINIINTA.
Maaciz oo danbigii waynaa gubayo qalbigiisa ayaa u yimid Rasuulka (SCW) wuxuuna ku yiri:
Rasuulkii Ilaahayoow idaahiri, kolkaasuu Rasuulku (SCW) kasii jeestay, hadana Maaciz wuxuu ku celiyey erayadiisii, Rasuulkii Ilaahow waan zinaystaye i daahiri,
Markaasuu Nabigu dhahay (SCW): dhahay waar dib u noqo oo Ilaahay danbi dhaaf waydiiso,
Hadana Maaciz intuu tagay ayuu dib usoo laabtay markaasuu dhahay: Rasuulkii Ilaahayoow idaahiri,
Hadana Nabigu. (SCW) wuxuu ku dhahay: dib u noqo oo Ilaahay u toobad keen,
Hadana mar sadexaad ayuu uyimid, Nabiguna (SCW) wuxuu lahaa waar hoog kuu sugnaaye iska tag oo Ilaahay danbi dhaaf waydiiso,
Balse Maaciz markii afaraad ayuu soo laabtay markaasuu yiri: Rasuul Allow i daahiri, markaasuu Nabigu (SCW) dhahay:
Ninkan miyuu waalanyahay? Ma caqligiisa ayaan taam ahayn? waxay saxaabadii dhaheen Rasuulkii Ilaahayoow wuu fayo qabaa, wuu qabaa caqligiisa.
Hadana Nabigu (SCW) wuxuu dhahay: waar ma garanaysaa Zinadu waxay tahay? wuxuu dhahay:
Haa, Rasuulkii Ilaahayoow, waxaan u tagay gabar sida ninka iyo xaas is qabaa ay u dhex marto xirriirrka qoysnimo.
Markaasuu Rasuulku (SCW) dhahay: malaha khamri uu soo cabay ee bal ursada afkiisa, saxaabadiina afkiisa ayey ursaden waxayna dhaheen:
Muu cabin khamri, kadibna Nabigu. (SCW) markuu arkay in Maaciz afar jeer isku markhaati furay oo aanu ordina ayuu faray in la rajmiyo, waana la rajmiyey.
Kolkii uu dhintay saxaabigii ayaa laba nin waxay dhaheen: Ma aragtay kan Ilaahay intuu asturay aan naftiisa u joojin illamaa laga rajmiyey sida eyda oo kale!!
Nabigu (SCW) wuu maqlay hadalkodii kolkaasuu ka aamusay mudo yar, kadibna waxay soo mareen wado uu yaalo dameer bakhtiyey oo lugtiisu faaxday, markaasuu Nabigu (SCW) dhahay: aaway hebel iyo hebel? waxay dhaheen: waanakan Rasuulkii Ilaahow.
Wuxuu dhahay: Cuna dameerkaas bakhtiyey!! markaasay dhaheen: Nabigii Ilaahow yaa cuni kara bakhtigan?
Wuxuu dhahay: xantii aad xamateen walaalkiin Maaciz hada ayaa ka xun inaad cuntaan dameer bakhtiyey.
Markaasuu dhahay Nabigu (SCW): Ilaahbaan ku dhaartee Maaciz hada wuxuu ku dabaalanayaa wabiyada Jannada.
Ninkii madoobaa ee Jannada ku guulaystay:
عَنْ أَنَسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ ، أَنَّ رَجُلا أَسْوَدَ أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّمَ ، فَقَالَ : يَا رَسُولَ اللَّهِ ، إِنِّي رَجُلٌ أَسْوَدُ ، مُنْتِنُ الرِّيحِ ، قَبِيحُ الْوَجْهِ ، لا مَالَ لِي ، فَإِنْ أَنَا قَاتَلْتُ هَؤُلاءِ حَتَّى أُقْتَلَ ، فَأَيْنَ أَنَا ؟ قَالَ : ” فِي الْجَنَّةِ ” ، فَقَاتَلَ حَتَّى قُتِلَ ، فَأَتَاهُ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ : ” قَدْ بَيَّضَ اللَّهُ وَجْهَكَ ، وَطَيَّبَ رِيحَكَ ، وَأَكْثَرَ مَالَكَ “
Anas ibnu Maalik waxa laga wariyey in nin madow u yimid Nabiga (SCW) oo ku yiri:
Rasuulkii Ilaahayow, anigu waxaan ahay nin madow oo urtiisu qadhmuuntahay, wajigiisuna foolxunyahay, lacagna ma haysto, ee hadii aan la dagaalamo kuwaas ilamaa la i dilo, xageen tagayaa?
Wuxuu yiri: Nabigu (SCW) jannad. Wuu dagaalamay, waana la dilay, waxaana loo keenay Nabiga (SCW) wuxuuna yiri: ”Ilaahay wajigaagii wuu kuu nuuriyey, urtaadiina wuu udgooneeyey, xoolahaagana wuu badiyey”
Lasoco habeen kasta