Quraanul kariim

Quraanul kariim sow dhawaada asxaabta

22/04/2025

رَبَّنَا لَا تُزِغْ قُلُوبَنَا بَعْدَ إِذْ هَدَيْتَنَا وَهَبْ لَنَا مِن لَّدُنكَ رَحْمَةً ۚ إِنَّكَ أَنتَ الْوَهَّابُ
Tafsiir Muyasar Somali
(8) Waxa ay leeyihiin: rabbiyow haka leexin quluubteenna iimaankaaga, ka dib marka aad nagu galladeysatay ku hanuunidda diintaada, nooguna deeq fadligaaga awgii naxariis waasac ah, adiga uunbaa wax hibeeya oo fadli iyo deeq badan, cidda aad doontana xisaab la'aan ayaad siisaa.

17/04/2025

كِتَابٌ أُنزِلَ إِلَيْكَ فَلَا يَكُن فِي صَدْرِكَ حَرَجٌ مِّنْهُ لِتُنذِرَ بِهِ وَذِكْرَىٰ لِلْمُؤْمِنِينَ( 2)
7:2
Tafsiir Muyasar Somali
(2) Rasuulow, qur'aankan waa kitaab wayn oo uu Alle kugu soo dejiyay ee yuusan kaa gelin shaki in xagga Alle laga soo dejiyay, oo ha dhibsanin inaad dadka gaarsiisid uguna digtid, waxa aan kuugu soo dejinnay; si aad gaalada ugu baqdin gelisid uguna waanisid mu'miniinta.

03/03/2025

Su’aalaha Guusha iyo Horumarka

"Waa maxay talada ugu wanaagsan ee aad abid maqashay?"

"Maxaad samayn lahayd haddii aad ka baqi laheyd guuldarro?"

"Sidee ayaad naftaada u dhiirrigelisaa marka aad niyad jabto?"

"Maxay tahay caqabadda ugu weyn ee aad la kulantay, sideese uga gudubtay?"

Rasuulkii Alle (Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa Ha Ahaatee) wuxuu ugu bishaareyn jiray asxaabtiisa imaanshaha bisha Ram...
03/03/2025

Rasuulkii Alle (Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa Ha Ahaatee) wuxuu ugu bishaareyn jiray asxaabtiisa imaanshaha bisha Ramadaan, isagoo leh:

“Waxaa idiin yimid bisha Ramadaan; waa bil barakaysan, Alle wuxuu idinku waajib yeelay soonkeeda. Bishaas waxaa la furaa albaabada jannada, waxaa la xiraa albaabada naarta, shayaadiintana waa la xidhaa. Waxaa ku jirta habeen ka khayr badan kun bilood; ruuxii laga dhumiyana kheyrkeeda, dhab ahaantii waa laga dhumiyay.”

03/03/2025

Wax walbo haku hadlin hadal walbo afkaga ka sow baxo ogow in la qoraayo oo maalin manta eheyn lago xisaabinaayo ka firso intadan hadlin

Mararka qaar nolosha waxay noqon kartaa mid adag, laakiin Allah wuxuu noogu bishaareeyay samir iyo guul. Ha quusanin, si...
26/02/2025

Mararka qaar nolosha waxay noqon kartaa mid adag, laakiin Allah wuxuu noogu bishaareeyay samir iyo guul. Ha quusanin, sii wad dadaalka, waayo Allah wuxuu la jiraa kuwa sabra!"

📖 Aayada Qur’aanka:
"إِنَّ مَعَ ٱلْعُسْرِ يُسْرًا"
"Xaqiiqdii, dhib kasta kadib waxaa jirta fudayd" (Surah Al-Inshirah 94:6).

Address

Nairobi

Telephone

+252614172912

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Quraanul kariim posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Place Of Worship

Send a message to Quraanul kariim:

Share