25/09/2024
Ka soo qaad in aad dugsiga sare dhigatid. Maalin kasta waxa aad soo qaadataa duruus, laakiin kolka uu macallinku dersiga jeedinayo, dan k**a gashid in aad fahantid, kolka aad guriga timaadidna, buugagta meel baad iskaga tuurtaa oo dib dambe uma eegtid.
Marka aad sidaas nacasnimada ah u dhaqmaysid, waxa aad ogtahay dhawr xaqiiqo:
1. In sanad dugsiyeedka dhammaadkiisa imtixaan lagaa qaadi doono.
2. In imtixaanka aad ku dhici doontid haddii aanad dhaqankaaga wax ka beddelin, oo aanad duruusta fahamkeeda iyo aqriskeeda xil iska saarin.
3. In haddii aad imtixaanka ku dhacdid, lagu dili doono.
4. In haddii aad imtixaanka ku gudubtid, shaqada ugu fiican lagu siin doono.
Waxa aan shaki ku jirin haddii natiijadaasi inay kuu dambaynayso aad ogtahay, in aanad hal daqiiqo iska dayacdeen, balse habeen iyo maalin aqris baad ku jiri lahayd.
Bal ka warran, noloshan adduunyada oo iyada oo dhami 60-70 sano ah, qofka og in uu dhiman doono, Aakhirana inta la soo nooleeyo, wixii uu qaban jiray intii uu Adduunka ku noolaa laga xisaabin doono, dabadeedna Janno ama Naar lagu waarayo la geyn doono. Isagoo natiijadaas og, misana aan dan ka gelayn oo xoolaha agoonta, xanta, beenta, dhiigga muslinka iyo wax kasta oo xaaraan ahi ay u xalaal yihiin. Weliba intaas ku darsaday in aanu tukan, soomin, sako bixin, iwm.
Qofka maqaayadda lihi habeenkii ayuu xisaabiyaa maanta wixii uu faa’iiday iyo wixii uu khasaaray. Annaga oo Aakhira u soconna, maxaa inoo diiday in aannu xisaabtanno?
Marka laga soo tago, qaddarta Alle iyo naxariistiisa, yaa inaga mid ah oo raalli ka ah camalkiisa, aaminsanna in uu Janno ku geli karo?
Yaa saaka saacadda alaarmigeeda u buuxsaday in uu salaad subax u tooso? Yaa salaadda subax uga fekera sida uu; iskuulka, shaqada, ballamaha dhaqtarka, diyaaradda, interview-ga, iwm., uu uga fekero?
Haddii saaka dunida la rogo, imisaa isleh Janno ayaad gelaysaan?
War hooya, inta aan “meydka cafiya” la ina oran, aannu dib isugu laabanno oo account-ka Aakhira waxa inoogu jira aannu